HomeMalaayiin dollar oo laga dhacay garoonka diyaaradaha ee Johannesburg

Malaayiin dollar oo laga dhacay garoonka diyaaradaha ee Johannesburg

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Ciidamo ku sugan garoonka Johannesburg

Hargeysa(SLpost) Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in burcad hubaysan oo ku soo labistay dharka booliiska ay dhac ka gaysteen garoonka caalamiga ah ee Johannesburg.

Burcadda ayaa la sheegay in ay dhaceen lacago badan oo ku jirtay Konteenar.

Qiyaasta laga bixinayo lacagaha la qaatay ayaa kala duwan balse wararka ayaa sheegaya in malaayiin doolar oo laga leeyahay dalal kala duwan ay suuragal tahay in la dhacay.

Shirkadda maamusho garoonka OR Tambo, oo ah garoonka ugu mashquulka badan Koonfur Afrika, ayaa xaqiijiysay in la dhacay lacag badan.

“Ma jirto wax rasaas ah oo la riday mana jiro wax dhaawac ah oo la soo sheegay. Burcada way carareen,” waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan ay soo saartay shirkada Koonfur Africa u qaabilsan garoomada diyaaradaha.

Waxaa la rumeysan yahay in raggaasi ay u fududaatay inay garaan qeyb aan la ogoleyn in loo gudbo oo garoonka dhexdiisa ah.

Waxay ka dib dheceen ilaaladii gaarka ahayd ee gaariga la socotay, waxayna kexeystee gaariga lacagta ay saarneyd.

Booliiska sida gaarka u tababaran ayaa diiday in ay wax faahfaahin bixiyaan weerarka burcadda ay ku qaadeen garoonka.

Afhayeen u hadashay booliiska, oo lagu magacaabo Athlenda Mathe, oo la hadashay idaacada ENCA ayaa sheegtay in aysan wax faahfaahin ka bixin Karin inta ay dhan tahay lagaha la dhacay.

Ilaalo ka tirsan shirkad si gaar ah loo leeyahay oo ilaalinayay lacagta gaariga lagu waday ayaa waxa ‘joojiyay burcadda oo watay gaari leh calaamada booliiska” waxaa sidaasi sheegay ciidamada amniga.

Garoonka diyaaradaha ayaa hadda si caadi ah u shaqeynaya, mana jirto rakaab ay saameysay arrinta dhaca.

Booliska qaar waxay aaminsan yihiin in arrinta ay tahay wax la isla ogaa oo gudaha laga abaabulay.

Waxaa mudooyiinkii ugu danbeeyay ku soo badanayay garoonka dhaca loo gaysanayo alaabta qaaliga ah ee garoomada laga dhoofiyo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories