HomeMaktabadda wareegta 2012: Safarkii koowaad, socdaalkii Boorama iyo soo dhaweyntii shacabka

Maktabadda wareegta 2012: Safarkii koowaad, socdaalkii Boorama iyo soo dhaweyntii shacabka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

[B]orama (SLpost)- Maktabadda wareegta oo qayb ka ah carwada caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa ayaa maanta ka qabsoontay magaalada Boorama ee gobolka Awdal oo ay safarkii ugu horeeyay sannadkan 2012-ka buugaagta geeddiga ah lagu geeyay. Waxaana soo dhaweeyey naadiga akhriska gobolka Awdal ee Maskax-maal.

Galabta oo ay bishu ahayd 02 July 2012 waxa ku soo hoyday magaalada Boorama buugaag aad u tiro badan oo geeddi ah oo ka socdaalay magaalada Hargeysa. Munaasibaddii qaabbilaadda buugaagta geeddiga ah oo lagu qabtay Hudheelka Rays ee magaalada Borama waxa ka qayb galay masuuliyiinta Jaamacadda Cammuud oo uu horkacayo guddoomiyaha Jaamacaddaas Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, arday tiro badan iyo sidoo kale marti-sharaf kale.

blankMaktabada wareegta oo ujeeddada ugu wayn ee laga leeyahay ay tahay sidii ay bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan guud ahaan gobollada dalka ay u gaadhi lahaayeen buugaag kala duwan oo ka kooban cilmi iyo aqoon tiro badan oo runtii, taas oo ay dadweynaha aan fursad u helin buugaag akhrisku ay awood u heli karaan in ay akhristaan.

Safarkan ugu horeeya ee sannadkan ay ku timi Maktabada wareegta magaalada Boorama waxa gardaadinaya qoraaga Jaamac Muuse Jaamac, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka qayb ah safarkan, qaar ka mid ah naadiyada akhriska ee gobollada dalka iyo xubno kale oo aqoonyahano ah.

blankKa hor furitaankii munaasibada bandhiga oo uu soo qaban-qaabiyay naadiga Maskax-maal waxa madasha munaasibadda lagu soo bandhigay buugaag tiradoodu badan tahay oo ku siman kun bug iyo in ka badan. Ugu horeyn furitaankii munaasibadda waxa ka hadlay guddoomiyaha naadiga akhriska Maskax-maal Cabdilaahi Xuseen Caateeye oo si milgo leh u soo dhaweeyay buugaagta geeddiga ah iyo xubnaha aqoonyahanka ah ee gadh-wadeenka ahba.

Jaamac Muuse Jaamac oo ah gadh-wadeenka maktabadda wareegta iyo carwada caalamiga ah ee Hargeysa iyo sidoo kale agaasimaha seeska dhaqanka iyo suugaanta ee Redsea Online oo isna halkaa ka hadlay waxa uu si qoto dheer uga warramay ujeedada laga leeyahay maktabadda wareegta, macnaha ay ku fadhido iyo waliba qiimaha ay aqoon ahaan u leedahay bulshada. Isagoo dardaaran u diray da’yarta, isla markaana codsi u diray masuuliyiinta gobolka Awdal iyo degmada Boorama, si loo helo maktabado dadku wada leeyahay oo qof waliba awood u leeyahay in uu wax ku akhristo.

blankAbwaan Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) oo munaasibadaas ka hadlay si xikmadaysan uga sheekeeyay xikmadda ku duugan dardaaran uu u dirayay dhalinyarada, aqoonyahanka iyo qaybaha kale ee bulshadaba. Waxaanu nuxurka hadalkiisu ahaa sidii dadka waawayn ee xilligan joogaa ay wax ugu sheegi lahayeen dadka da’da yar ee waqtigan, isla markaana ay uga faa’iidaynlahaayeen waayo-aragnimadooda ay ka kasbadeen waayaha.

Ugu dambayntii Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Saleebaan Axmed Guuleed oo isaguna ka hadlay qiimaha Maktabadani ay u leedahay dhalinyarada da’dayar.

blankBuugaagta geeddiga ah oo sanadkii hore curtay, soona maray dhammaan magaalooyinka waawayn ee dalka, ayaa sanadkani noqonayaa kii labaad ee socdaal kaas la mid ah buugaagta lagu geeyo magaalooyinka waawayn. Maktabadda wareegta waxa berri oo salaasa ah ay sidoo kale gaadhi doonaan magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley, iyada oo sidaa ugu gudbi doonta gobollada bariga ee dalka.

Si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah iyo hab-socodka bandhigga iyo buugaagta geeddiga ah ee sanadkan, booqo website-ka bandhigga oo ah www.hargeysabookfair.com  ama ka seeska dhaqanka iyo suugaanta ee Redsea Online: www.redsea-online.com.

Faahfaahinta intaa dheer iyo wixii su’aalo ah la xidhiidh telefoonnada 4099088 (Telesom) 9203995 (Somtel)  & Email: hibf@hargeysabookfair.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories