HomeMaktabad maxaa xiga?‏ - W/Q: Saddam Carab

Maktabad maxaa xiga?‏ – W/Q: Saddam Carab

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

saddam-c-Bilo kooban ka hor baa Khayriyadii Hargeysa makhaayad bunka laga cabbo laga dhigtay. Laba Cali kuma ay wada hadal oo sida filim shaashad ka socda ayaa la daawanayey. Ka sokow dhoohnaanta bulshada, damiirkii hagaagsanaa iyo garashadii masuuliyiinta ayaa la iswaydiinayaa. Iyada oo waydiintaas lala wada dhakoolay, maantana maktabaddii kali ahayd ee Hargeysa ku taallay baa albaabbada loo xidhay.

Barigii aan dugsiga sare galay baa iigu horraysay maktabaddaas. Ilaa intii ka dambaysa, Maktabadda Gaandi waxa ay ahayd goobta kali ah marka maktabad la soo hadal qaado maskaxdayda ku soo dhacda. Buugta ayaa laga ergisan jiray, lagu dhex akhrisan jiray oo ardayda ayaa isugu iman jirtay. Xarunta kali ah ee arday jaamcadeed ama dugsi sare ku kulmaan bay ahayd. Boqollaalka makhaayadood ee suuqa ka yaal, makhaayadda akhriska ee badhaxda ayey ahayd. Xarun aqooneed ayey runtii Maktabadda Gaandi ahayd oo arday wal oo Hargeysa wax ku bartay xasuus gaar ah ku leh.

War dhiillo leh baa baryahan ba ifka u soo baxayey. Dhul dawladeed buu ahaa, oo dawladdii baa ganacsato ka iibisay xaruntii kutubta ayaa la sheegayay. Jiroo dad badani dacaayad xukuumadda loo maleegayey moodayeen, aakhirkii waa taas albaabbada loo laabay Maktabaddii madiga ahayd. Ardadydii iman jirtay ee kolayada kaga gabban jirtay, maanta ba waa kuwaas iska hor tuban ee sida wiyil ilmeheedii laga qaaday ku wayraxaya. Waa taas gunnimadu inna dul hoganaysa idilkeen ba.

Masuulka xilka ummadda u dhaartay haddii aanu dadka ka xishoonayn oo meel walba dhaqaale ka raadinayo, miyaanu ogayn in meelo bir-magaydo ahi jirto? Garaadka masuulka iibinaya ama bixinaya Maktabadda kumannaanka arday ilaashaadaan waa noocma? Xishoodku kolka uu tago, iimaan la’aan bay astaan u tahay. Haddii labadaasi israacanna, dabar kale oo aan baqe ahayn oo qofka qabtaa ma jiro.

Kacaan akhris oo badnayn baynu baryahan ku diirsannay. Dhallinyaro badan oo wacyigoodu sarreeyay baa hormood ka ahaa. In aynu sii badsanno xarumaha akhriska ma ahee, maxa innagu soo celinaya in aynu dib raadkeenna u gurno? Dawladdu kolka ay qolkaa aqoontu taal baabi’iso, barri dadkii ay ka xidhay kolka ay iyaga waddooyinka ka xidhaan yaa ay eersan doontaa? Arrimaha meel fog aynu ka eegno, oo shilimaadka indheheennu ha dhaafsiisnaadeen.

Waxa yaab leh inta halbawlaha ummadda la iibsanayo, halka ay dadkii lahaa ku maqanyihiin. Maktabadda boqollaalka arday ee ku xidhani maxay la aammusanyihiin ee helay? Ma raalli baynnu sidan ku noqonnay? Dawladdu xuquuqdii ardaydu ku lahayd in ay iska wada guddo mooyee, in ay iyaga dib u xaraashtaa saw bahalnimo ma aha? Aqoonyahankii ka hadli lahaa arrintani halkee buu ku aammusay? Dhallinyaradu waa kuwa reerohooda u dhuunta wayn’e, maxay arrintan cid walba taabanaysa uga hadli la’yihiin? Maxaa dhammaanteen bustaha inna wada saaray ee aynnu la fikir la’nahay? Halkee baynu u soconna kolka qolkii kali ahaa ee buugaagtu innoo yaalleen bakhaar bariiska lagu rogo laga dhigayo?

Ka sokow in Maktabadda Gandi ahayd xarunta akhris ee Hargeysada intaas le’egi leedahay, waa astaan qarannimo iyo taariikh oo in la dhowro ay tahay. Ganacsadaha danaystaha ahi ma leh han ka fog shilimaadka uu urursado, ma leh damiir danta guud u damqada oo ka xishooda, ma leh indho aan ahayn hunguri. Maamulka ka yeelay ee raba in buugaagta ardaydu akhrisato lagu baddalo bariis iyo daqiiq, isna hunguri walfay ayuun baa ku kallifi kara ama dano shakhsi. Aqoonyahankii umaddu se waxa uu la amuumanyahay baa la iswaydiinayaa iyo halka loo arooriyey.

Haddii maktabaddaasi galbato, taariikh ha la galabato, dhallinyar ku mashquuli jirtay badda ha isku qaadeen, ummaddu yaanay lahaan xarun akhris iyo waxa isku wada mar innoo soo baxaya in aynnu innaguna bari hore innaga oo nool geeriyoonnay. Waydiinta xigaysaa ah, Maktabaddan maxaa xiga?

 

Saddaam Xuseen Carab

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories