HomeMahiga oo sheegay inay nabadi ka hirgashay Soomaaliya iyo Al-shabaab oo weli...

Mahiga oo sheegay inay nabadi ka hirgashay Soomaaliya iyo Al-shabaab oo weli sii wada ciqaabta dadweynaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho, (SLpost)- Kooxda Al-shabaab ee ka talisa gobolka Gedo ayaa xukun karbaash ah ku fulisay haweeney ay ku eedeeyeen sino, haweenaydaas ayaa lagu dhuftay 100 karbaash.

Haweeneyda xukunka lagu fuliyay oo lagu magacaabo, Faadumo Cabdilaahi Muxumed ayaa karbaashkeeda lagu fuliyay meel fagaare ah.

“Maxkamaddu waxay xukun ku ridday Faadumo Cabdilaahi Muxumed oo ku dhacday fal sino ah, iyada ayaana maxkamadda timi, waxaana la waafajiyay xukunkeeda diinta Islaamka,” ayuu yidhi Yuusuf Abuu-Jacfar.

Xukunkan ayaa ka dhacay barxad weyn oo ku taala badhtamaha degmada Baardheere, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen boqolaal dadweyne ah, maaha  xukunkan kii ugu horeeyay oo ay  Shabaab ka fuliso gobolka Gedo

Dhinaca kale, Ergayga Xoghayaha Guud Qarammada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya,

Danjire Mahiga oo shalay gaadhay Muqdihso ayaa sheegay in muddo sannooyin ah ay xilligan Soomaaliya ka jirto fursad nabadeed oo aad u wanaagsan.

Danjire Mahiga, wuxuu ku taliyay in fursadda nabadeed hore loo riixo, isagoo xusay inay fursad nabadeed la xidhiidho heshiiskii tubta nabadda (Road Map) ee lagu gaadhay Muqdisho, taasoo ah mid lagu dhameystirayo qorshaha KMG ah ee Soomaaliya, looguna gudbayo dowlad joogto ah.

blank

“Soomaaliya muddo dheer ayay lagdan ku jirtay, balse hadda waxay haysataa fursaddii ugu wanaagsanayd ee dhinaca nabadda ah sanooyinkan,” ayuu danjire Mahiga ku sheegay qoraal uu soo saaray. “Waa inaan aqbalnaa oo aan kala shaqeynaa shacabka Soomaaliyeed adkeynta fursadda nabadda, tanina waa qayb ka mid ah tubta nabadda.”

Qoraalka uu soo saaray dajire Mahiga ayaa wuxuu kaga dalbaday jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool inay kaalin mug leh ku yeeshaan sidii nabadda dalkooda lagu soo celin lahaa, isagoo sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku xidhan yahay Soomaalida.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories