HomeMahadsanid Prof. Saleebaan

Mahadsanid Prof. Saleebaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Toddobaadkii ina dhaafay waxa xilkii wareejiyey Guddoomiyihii Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo aan u aqoonsanahay Aabaha Waxbarashada Sare ee Somaliland. Waxaa soo dhammaaday rubuc qarni uu hoggaanka u hayey Jaamacaddan oo ah ta ugu faca weyn Somaliland. Sida aan warka ku hayo ardayda, macallimiinta iyo xubnaha golaha sare ee Jaamacaddu way jeclaayeen in uu sii joogo, laakiin isaga ayaa gartay in la joogo wakhtigii uu nasan lahaa jagadana banayn lahaa. Wuxu ka mid noqday madaxda dhifka ah ee xilka ka degta iyadoo la jecel yahay.

Mid ka mid ah sifooyinka ugu muhiimsan ee hoggaamintu waa diyaarinta ciddii ku beddeli lahayd. Prof. Saleebaan qodobkaasi ma seegin oo Dr. Maxamed Muuse Jibriil ayuu ku yidhi “Xadhigiisa qabo aadmi kale kuma xurmeeyeene.” Magacaabista Dr. Maxamed ku-soo-booddo ma ahayn oo muddo dheer ayaa loo carbinayey hoggaanka Jaamacadda oo ah xil culus ah oo u baahan xirfad hoggaamineed oo sarraysa.

Dr. Maxamed Muuse inta aan ka aqaan waa shakhsi hanan kara xilkaas, marka la eego aqoontiisa iyo waayo’aragnimada guunka ah ee uu u leeyahay maamulka waxbarashada sare. Markii aan Jaamacadda dhiganeyey laba kooras ayaanu wada qaadanay. Wuxu iila muuqday nin mudakar ah, firfircoon, wakhtigiisana si wacan uga faa’iidaysta. Waxan u rajaynayaa in uu Ilaahay ku guuleeyo xilkaas.

Prof. Saleebaan dadka badankiisu waxay u yaqaanaan qofkii dhidibada u taagay waxbarashada sare ee Somaliland, gaar ahaan Jaamacadda Cammuud. Laakiin waxqabadkiisu intaa aad buu uga ballaadhan yahay. Waxan aaminsanahay in uu saamayn ku yeeshay dhinac kasta oo nolosha dadka reer Boorama ah, sidoo kalena uu qayb weyn ka noqday geedi-socodka horumarka iyo dib-u-dhiska Somaliland.

Dhaqaalaha Boorama si aan la qiyaasi karin ayuu u kobcay labaatankii sanno ee u dambeeyey. Hubaal waxa ah haddii daraasad lagu sameeyo in guushaas badankeedu ay ku dhammaanayso Prof. Saleebaan. Isha dhaqaale ee maanta ugu weyn Boorama waa Jaamacadda Cammuud, ganacsiyada ka farcama iyo shaqooyinka la xidhiidha. Mashruuca Cammuud wuxu noqday mid aad loo mahadiyey, waxaana ka aflaxay kumanaan maanta nolosha kaga jira kaalmo muhiim ah. Sidoo kale Cammuud waxay horseed u noqotay furitaanka jaamacadaha kale ee dalka oo ay ugu horayso Jaamacadda Hargeysa. Tirada Jaamacadaha ee dalku waxay hadda kor u dhaafeen 30.

Markii iigu horaysay ee aan la kulmay Prof. Saleebaan waxay ahayd 1999, wakhtigaas oo aan dhiganayey fasalka 3aad ee Dugsiga Sare. Isaga iyo koox aan ka xasuusto Caydiid Xaaji Daahir ayaa noogu yimid Faarax Oomaar. Waxay noo sheegeen in ay qaadayaan imtixaankii lagu geli lahaa Jaamacadda Cammuud. Saleebaan wuxu iigu muuqday qof ka duwan dadka kale ama shakhsiyadda af-Ingiriisiga lagu yidhaa “Larger than life”. Aftahan leh haybad hoggaamineed oo markaaba ku soo jiidanaysa. Qof firfircoon, dhaqdhaqaaq badan, oo ay ka muuqatay tamar dheeri ah marka loo eego da’dii uu ahaa. Intii imtixaanka aan sugaynay wuu nala kaftamay, dhawr jeer ayaanu naga qosliyey. Waxan rajaynayey in aan dhakhso u geli doono jaamacadda uu hoggaanka u hayo oo ahayd ta kali ah ee dalka ka jirtay, hase ahaatee ma suurogelin sannadkaa.

Markii la soo dhejiyey natiijadii imtixaanka, dadkii ugu dhibcaha sarreeyey ayaanu ka mid noqonay. Waase na loo diiday in aanu Jaamacadda galno, sabab na loogu sheegay Wasaaradda Waxbarashada oo ku adkaysatay in ay ardaydu dhammaystaan dugsiga sare ka hor inta aanay jaamacad bilaabin. Cadhadii aan ka qaadnay waxay nagu kaliftay in maqaal aanu maamulka Jaamacadda ku dhaliilayno ku daabacno wargayska Jamhuuriya.

Markii aanu dugsigii sare dhammaysanay sannadkii 2000, koox ilaa 15 arday ah oo aan ku jiro waxaanu go’aansanay in aanu dalka iska joogno oo Cammuud iska xaadirino. Lacagta fee-ga iyo nolosha waan iska bixin karaynay, waxayse nala noqotay in aanu jaamacadda waydiisano meel aanu degno. Waxan ku khasbanaanay in aanu la xidhiidhno Prof. Saleebaan. Waxase caqabad nagu noqday dhalliishii aanu warbaahinta u marinay isaga iyo jaamacaddaba. Si kastaba ha ahaatee, indhaha ayaanu isku qabanay oo telefoonka ayaanu kala hadalnay codsigayagiina u jeedinay. Maalmo kadib wuu nagu soo warceliyey. Wuxu codsaday shir “teleconference” ah in aanu dhammaantayo isugu nimaad meherad la odhan jiray BFC oo uu lahaa Cabdirashiid Xasan Mataan kuna taallay ka soo horjeedka halka uu Premier Bank hadda ku yaallo. Wuxu halkaa noogu jeediyey khudbad aad u qiimo badnayd oo nuxurkeedu ahaa “In kastoo aanay miisaaniyadda Jaamacaddu is daboolin, haddana mustaqbalkiina ayaa wax kasta ka weyn ee kaalaya.” Guri weyn oo qurux badan kuna yaalla xaafadda Shacabka ayaa naloo kireeyey, kaas oo hoy noo ahaa afartii sanno ee xigay. Waxaanu ahayn kooxdii koowaad ee aan reer Boorama ahayn ee Jaamacadda yimaad. Waxaanu aaminsan nahay in imaatinkayagii uu jaamacadda faa’iido u noqday oo nalgu soo hirtay. Sannadkan oo kali ah waxaa isdiwaangeliyey 5171 arday oo kala galaya 15 kulliyadood. Sida la ii sheegay ku dhawaad kala badh ardaydaasi waxay ka yimaadeen gobollada kale ee Somaliland iyo dhulalka kale ee ay Soomaalidu degto, haba u sii badnaadaan Puntland iyo koonfurta Soomaaliya.

Waxan ka mid noqday inta nasiibka u heshay in uu macallin u noqdo Saleebaan. Haa, isaga oo guddoomiyaha jaamacadda ah ayuu haddana macallin ahaa, baahidii wakhtigaa jirtay awgeed. Wuxu na siiyey kooras ah “Introduction to Psychology” ama “Hordhaca cilmi-nafsiga.” Wuxu nala joogi jiray toddobaadkii laba saacadood oo xidhiidh ah oo aad u xiiso badan una ekaa 20 daqiiqo. In kastoo uu ahaa waayo arag wakhti dheer macallin soo ahaa, haddana waxa muuqatay in uu xil weyn isa saari jiray oo si weyn u soo diyaar-garoobi jiray. Si wacan buu u soo lebisan jiray oo suudh iyo taay ayuu soo xidhan jiray. Waxay ahayd maalin si weyn loo wada sugo. Casharadii uu wakhtigaa na siiyey iyo tusaaleyaashii uu bixin jiray wali waanu xasuusanaa.

Laba arrimood oo aan filayey intii aan jaamacadda joogay sidii aan u arkayey may noqon. Ta koowaad, Prof. Saleebaan wuxu iigu muuqday in uu joogo wakhtigii “retirement-ka” (Ma jecli ereyga hawlgab). Sidaa daraadeed waxan qiyaasayey in aanu sii joogayn dhawr sanno wax ka badan. Sidoo kale waxan u arkayey in muddo kadib uu saluugi doono maamulidda laba kulliyadood, 200 oo arday iyo macallimiin aan 20 ka badnayn oo ku baahdan kaynta Jaamacadda Cammuud iyo guryihii duugoobay ee Ingiriiska ka hadhay; iyada oo ay awooddiisa hoggaamineed iyo hankiisuba aad u sarreeyeen. Waxan is lahaa waxa dhici karta in uu xisbi furo amaba ka mid noqdo hoggaankii siyaasadda ee saaxiibkii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, AHUN. Hase yeeshee ma ay dhicin! Wuxu si la yaab leh u sii tamariyey 22 sanno oo dambe.

Abwaan Garriye, AHUN, ayaa hore u yidhi Soomaalidu waa Aasi-Og. Qofku inta uu nool yahay ayaa fiican in wanaagiisa lagu maamuuso. Waxan soo jeedin lahaa in hall-ka shirarka ee Jaamacadda iyo kulliyadda tabobarka macallimiinta ee heer qaran Saleebaan loogu magac daro. Sidoo kale Golaha Deegaanka ee Boorama ha ka fikiraan halkii ay ku xardhi lahaayeen magaca Prof. Saleebaan.

Ugu dambay, mahadsanid Saleebaan. Waxaanu kuu haynaa abaal aan duugoobayn!

WQ: Mustafe Maxamed Khayre

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories