HomeMagdalena Andersson oo loo doortay Ra'iisal-Wasaaraha Dalka Sweden

Magdalena Andersson oo loo doortay Ra’iisal-Wasaaraha Dalka Sweden

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Codbixin maanta ka dhacday Aqalka Baarlamaanka Sweden, ayaa markii labaad muddo lix maalmood ah raysal-wasaaraha dalkaas loogu doortay Magdalena Andersson oo ah haweenayda majaraha u haysa Xisbiga Social Democrats oo xilligan ku keliyeysanaya hoggaaminta dalka dalkaas.

Mrs Andersson ayaa fara-ciddood ku heshay kalsoonida codka baarlamaanka dalka Sweden, kaddib markii ay ka soo horjeesteen 173 mudane oo ka codeeyey, iyada oo cod-dheeri laba ah ku heshay. Mrs Anderson ayaa noqonaysaa Hawenaydii u horeysay ee ra’iisal-wasaare ka noqota dalkaas.

blank24-kii bishan Novermber codbixin ka dhacday baarlamaanka Dalka Sweden, ayaa xilka raysal-wasaaraha loogu doortay haweenaydan, waxaana lagu waday inay xilka la wareegto 26-kii November, haseyeeshee saacado kooban kaddib ayay xilka iska casishay kaddib markii uu burburay isbahaysi ay talada dalkaas ku soo hoggaaminayeen Xisbiga ay ka tirsan tahay ee Social Democrats iyo xisbiga Green Party, waxaanay baarlamaanka ka codsatay inay mar kale codka kalsoonida u qaadaan, taas ayaana keentay inay maanta hortago golaha Baarlamaanka.

Nidaamka sharci ee dalka Sweden, ayaa dhigaya in murashaxa u taagan xilka raysal-wasaaraha dalkaasi aanu u baahnayn taageerada aqlabiyadda baarlamaanka, balse uu u baahan yahay cod hal-dheeri ah.

Raysal-wasaare Andersson ayaa hoggaamin doonta xukuumad hal xisbi oo uu ka maqan yahay isbahaysiga Green-Social Democrat oo talada dalkaas soo-hogaaminayey ilaa 2014-kii. Xukuumaddan ayaa noqonaysa markii u horeysay muddo 15 sanno oo Xisbiga Social Democrat ku kaliyeysto hoggaanka dalka oo ay ugu dambaysay sannadkii 2006-dii xilligaas oo Mrs Andersson noqotay wasiirka Maaliyadda.

Sida aanu ka soo xigannay warbaahinta The Local, guushani uma saamaxayso xukuumadda xisbiga Social Democrats inay u madax-bannaanaato hoggaaminta Sweden, maxaa yeelay, sida ay sheegayso The Local, Xisbiga Social Democrats waxa uu baarlamaanka ku leeyahay 100 mudane oo ka mid ah 349 xildhibaan oo goluhu ka kooban yahay, waxaanay taasi uga baahan tahay inay dhinaca saarto mid ka mid ah saddexda xisbiga ee kale si ay u meel-maraan siyaasadahoodu.

Raysal-wasaare Andersson ayaa la filayaa inay golaheeda xukuumadda soo dhisto maalinta Salaasada berri, iyadoo intaas kaddib ay Raysal-wasaaraha oo ay weheliyaan Golaheeda Xukuumaddu ay kulan la qaadan doonaan Boqorka Sweden.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories