HomeMagacyada Xubnaha Golaha Wasiirrada ee loo magacaabay Xukuumadda Somalia iyo Saami-qaybsiga Beelaha

Magacyada Xubnaha Golaha Wasiirrada ee loo magacaabay Xukuumadda Somalia iyo Saami-qaybsiga Beelaha

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Muqdisho (SLpost)- Raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya  Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid), ayaa maanta ku dhawaaqay Gole Wasiirro oo aad u kooban kuwaas oo ka mid noqon doona Xukuumaddiisa.

blankXubnaha Wasiirrada ah ee Raysalwasaaraha dalkaasi magacaabay oo tiradoodu dhan tahay 10 Wasiir oo badankoodu ku cusub yihiin siyaasadda, ayaa sagaal ka mid ahi goob-joog ku ahaayeen goobtii lagaga dhawaaqay magacaabistooda, kuwaas oo laba ka mid ahi haween yihiin.

Madashii lagu magacaabay Wasiirradan waxaa ka hadlay Madaxweynaha dalkaasi Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in wasiirradan aan tirada badneyn aanay ahayn kuwo ay rabitaabkooda ku soo xuleen balse ay u arkeen kuwo xilka loo magacaabay gudan kara, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa, ”Waxaan leenahay wasiirkii xilka loo magacaabay guta, waa mahadsan tahay dadkaaga iyo dalkaaga ayaanad wax u qabatay, midkii aan waxba qabanna waxaan leenahay naga raalli ahaw.”

blankMagacyada tobanka Wasiir ee loo magacaabay Xukuumadda cusub ee dalkaasi Somalia iyo Saami-qaybsiga Beelaha

1. Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, (Wasiiirka Wasaaradda Arimaha Debadda ahna Raysal-wasaare ku-xigeen). Dir/Isaaq

2. Cabdilaahi Abyan Nuur (Wasiirka wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta)- Dir/Biyo-maal

3. Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi (Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga)- Raxanweyn/Digil

4. Cabdikariim Xuseen Guuleed (Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka)- Hawiye/H.Gidir

5.Maxamuud Xasan Suleymaan [Cawil] (Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Qorshaynta).- Daarood/Majeerteen

6. Cabdilaahi Ciil-Mooge Xirsi (Wasiirka Warfaafinta, boostada iyo Isgaadhsiinta)- Daarood/Ogaadeen

7. Cabdirisaaq Cumar Maxamed (Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka dalka)- Hawiye/Xawaadle

8. Muxyadiin Maxamed Kaalmooy, (Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska)- Beesha Shanaad/Jareerweyne

9. Maryan Qaasim, (Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada) – Beesha Shanaad/Banaadiri

10. Maxamuud Maxamed Xasan, (Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Maalgeshiga).- Raxanweyn /Mirifle.

blankMadaxweynaha dalkaasi Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 7-dii bishii Oktoobar ee sannadkan Raysal-wasaare u magacaabay Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid), kaas oo 17-kii isla bishaas ka helay Baarlamaanka Soomaaliya kalsooni buuxda oo raysalwasaarenimadiisa lagu ansixiyay, waxaanay ku qaadatay muddo 17 maalmood ah inuu ku soo dhisho xukuumaddii looga fadhiyey, waxaana in badan dib u dhac ku keenay magacaabista golaha wasiirrada khilaaf iyo ismarin-waa dhinaca awoodaha iyo boosaska ay beelaha kala duwan ee Soomaalida ahi ka helayaan dawladda Soomaaliya, iyada oo fekerka xukuumad kooban uu watay madaxweynaha dalkaas oo dhowr jeer ay Raysalwasaarihiisa isku-qabteen tirada golaha wasiirrada oo uu rabay inuu ka dhigo tiro intan ka badan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories