HomeMagacyada Saraakiisha Ciidamada Ee Shantii Sano Ee U Dambeeyey Xaalad Aan Dagaal...

Magacyada Saraakiisha Ciidamada Ee Shantii Sano Ee U Dambeeyey Xaalad Aan Dagaal Ahayn Lagu Dilay Iyo Guddidii Madaxweyne Siilaanyo Oo Weli Lasugayo

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa(SLpost)-Kiisaska dilka ah ee ciidamada Somaliland dhexdooda ayaa shantii sannadood ee u dambaysay u muuqda inay kordhayaan, waxaana soo badanaya taliyayaal iyo saraakiil ciidan oo la dilay.

Tirada saraakiisha kala duwan ee ciidamada qaranka iyo Booliska ee siyaabo kala duwan loo dilay ayaa gaadhaya sagaal sarkaal iyo hal sarkaal oo dhaawac ah, waxaana saraakiishan la dilay u dambeeyay taliyihii ciidanka Booliska gobalka Saaxil oo toddobaadkii hore la dilay. Sarkaalka dhaawaca ah ayaa ah Gaashaanle sare Xasan Caqli, oo ahaa taliyihii aagga galbeed ee ciidanka qaranka oo Borama lagu dhaawacay, saraakiisha kale ee la dilay ayaa kala ah.

1. Taliyihii saldhiga Ceerigaabo Marxuum Jaamac Ismaciil Garama-qaate.

2. Beeshe Cabdi Cali oo ahaa taliyihii guutada 93 aad ee ciidanka qaranka ee Gobolka sanaaga –

3. Taliyihii Ciidanka Qaranka ee guutada sadaxaad, Gaashaanle Siciid Cabdi Warsame, 

4. Xidigle Faarax Caraale,

5. Captan Maxamed Yuusuf (Meys)

6. Xiddigle Jaamac Bidaar,

7. Taliyihii Saldhiga degmadda Arabsiyo Marxuum Cabdi Ismaaciil Cali (Cabdi-case),

8. Aadan Guuleed Daahir Talaabo, taliyihii ciidanka SPU ee gobalka Saaxil

9. Cabdirisaaq Yuusuf Casayr, taliyihii Booliska Saaxil

Si rasmi ah looma garanayo sababaha keenay dilalka saraakiisha, gaar ahaan saraakiisha ay ciidankoodu dilaan. Laakiin Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo oo dareensan in mudadii uu talada hayay ay dilalka saraakiishu bateen, gaar ahaan kuwa ciidamada ka dhex dhacaa, ayaa sannad guuradii 22aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka qaranka oo ku beegnayd bishii hore ee February, wuxuu sheegay inuu magacaabi doono guddi soo baadha dilalka ciidamada dhexdooda, waxaanu isagoo madaxweynuhu mawduucaas ka hadlaya uu yidhi “Beryahan danbe waxa soo batay dilalka Ciidanka Qaranka dhexdiisa, gaar ahaan dilalka ciidamada dhexdooda. Arrintani waa denbi iyo dhaqan fool xun oo aan loo dulqaadan Karin, waxaan u cadaynayaa in cid kasta oo geysata dil sharci-darro ah in cadaaladda la horkeeni doono, cawaaqibka ay leedahayna la dhadhansiin doono. Intaas waxa dheer, toddobaadka soo socda insha Allah, waxaan magacaabi doonaa Guddi Kooban oo baadhis qoto dheer ku soo samaysa sabaha abuuray ama dhiiri-geliyey dilalka Ciidammada dhexdooda. “

Lama oga in Madaxweyne Siilaanyo guddigaas si qarsoodi ah u magacaabay iyo inaanu weli magacaabin. Hase yeeshee mawduucan ayay bulshada Somaliland u aragtaa mid xaasaasi ah, waxaanay noqday hal xildhaale weli jawaabtiisa la raadinayo.

 Xigasho Geeska Afrika
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories