HomeMagacyada saddex Wadaad oo 18 bilood Xabsi ugu jiray Fekerkooda Siyaasadeed oo...

Magacyada saddex Wadaad oo 18 bilood Xabsi ugu jiray Fekerkooda Siyaasadeed oo Dawladda Jabuuti Xorriyaddooda u celisay iyo Damaashaadka Taageerayaasha Mucaaradka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Djibouti (SLpost)- Xukuumadda Jabuuti, ayaa maanta xabsiga ka sii daysay saddex wadaad oo sannadkii hore loo xidh-xidhay taageero ay u muujiyeen xisbiyada mucaaradka oo taageerayaashoodu kacdoono lagaga soo horjeedo natiijada doorashooyin ka dhacay sannadkii hore ka dhigeen magaalo-madaxda Jabuuti.

Saddex wadaad ee maanta xabsiga laga sii daayey oo magacyadoodu kala yihiin Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir, Sheekh Cabdiraxmaan Barkhad iyo Sheek Giire Maydal, waxa xabsiga hortiisa ku sugayey isla markaana ku soo dhaweeyey taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka dalka oo maanta gelinkii dambe damaashaad iyo fantasiye ka dhigayey shaaracyada magaalada Jabuuti.

JbuiMa jiro wax war oo ka soo baxay dawladda Jabuuti oo ku saabsan sii deynta saddexda wadaad, haseyeeshee Sheekh Cabdiraxmaan Barkhad, Sheekh Giirre iyo Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir oo hore loogu xukumay midkiisa saddex sannadood oo xadhig ah, ayaa xabsiga magaalada Jabuuti ku jiray muddo 18 bilood ah.

Taageerayaasha Mucaaradka ee soo dhaweeyey waddaada la sii daayey, waxa ka mid ahaa Masuuliyiin hore xilal uga soo qabatay xukuumadda madaxweyne Cismaan Cumar Geelle, kuwaas oo ka mid yahay Wasiirkii hore ee Diinta Sheekh Xaamud Suldaan.

Wadaaddadani oo markii maanta la soo hadlay la hadlay dadweynihii soo dhaweeyey, ayaa xadhiggooda ku micneeyey mid salka ku haya aar-goosi siyaasadeed oo lagaga aar-goosanayey aragtidooda siyaasadeed.

Natiijada Doorashooyin badhtamaha sannadkii hore ka dhacday dalka Jabuuti, ayaa sababay bannaan-baxyo ay magaalo-madaxda Jabuuti ka dhigeen taageerayaal ka tirsan xisbiyada mucaaradka oo xukuumadda Madaxweyne Geelle iyo is-bahaysiga talada haya ku eedeeyey wax-is-daba-marin lagu sameeyey doorashada, arrintaas oo sababtay in xabsiga loo taxaabo siyaasiyiin, wadaaddo iyo taageerayaal bannaan-baxyo ay natiijada doorashada ku diiddan yihiin ka dhigay caasimadda Jabuuti, kuwaas oo saddexda wadaad ee maanta xoriyaddooda loo celiyey ka mid ahaayeen.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories