HomeMagacyada Masuuliyiintii ugu miisaanka cuslayd oo iska casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo...

Magacyada Masuuliyiintii ugu miisaanka cuslayd oo iska casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo sababaha loo aanaynayo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Waxa goor-dhawayd xilalkii ay hayeen si rasmi ah isaga casilay masuuliyiintii ugu tunka weynaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirradii madaxtooyada iyo Arrimaha Dibadda, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maxamed Biixi Yoonis.

Ma jiro war rasmi ah oo ay wada-jir u baahiyeen masuuliyiinta Is-casilay, haseyeeshee sida ay sheegeen Wararka hordhaca ah ee helayso shabakadda Somalilandpost, ayaa sheegaya inay labadan masuul go’aanka is-casilaaddooda ku weheliyeen wasiirro, wasiir ku-xigeenno iyo Afhayeenkii madaxooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.

news1Wararku waxa ay intaas ku dareen inay masuuliyiinta is-casilay ku jiraan Wasiirrada Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Shaqada Dr Cabdi Aw-daahir, Wasiir ku-xigeenka wasaaraddaas Nimco Qawdhan, Wasiir ku-xigeenka Deegaanka.

Dhinaca kale, War-qoraal ah oo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ku baahiyey bartiisa Facebook, ayuu isku sheegay inuu iska casilay xilkii uu u hayey qaranka isagoo muddadii Shanta Sanno ee uu xilkaas hayey wada-shaqaytii ka dhaxaysay uga mahad-celiyey madaxweynaha, hoggaanka Xisbiga Kulmiye iyo hawl-wadeennada Wasaaradda madaxtooyada.

Qoraalka Wasiirka ayaa u qornaa sidan:- “Xilka ayey xeerkiisa tahay in aad si xilkasnimo leh u gudato waajibaadkiisa una hagar baxdo u adeegida danaha qaranka.

Waxaan ku qancay in aan si rasmi ah isaga casilo shaqadii aan qaranka u hayey ee Wasaarada Madaxtooyada JSL muddadii shanta sano iyo dheeraadka ahayd.

Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha JSL, hogaanka Xisbiga Kulmiye, hawladeenada Wasaarada Madaxtooyada iyo guud ahaanba cid kasta oo aan soo wada shaqaynay mudadii aan xilka hayey.

Alla Mahad leh.”

Go’aanka ay masuuliyiintani isku casileen ayaa sida wararku sheegayaan salka ku haya khilaaf ka taagan murashaxnimada madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, kaddib markii madaxweyne Siilaanyo go’aankiisii ugu dambeeyey habeenkii xalay uu si rasmi ah u taageeray murashaxnimada guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay jagadaas kuwada loolamayaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis.

LA SOCO WIXII WARAR AH EE SOO KORDHA……….

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories