HomeMagacyada iyo Xilalka ay hayeen Saraakiil ka Goostay Ciidammada Soomaaliya oo lagu...

Magacyada iyo Xilalka ay hayeen Saraakiil ka Goostay Ciidammada Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyey Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Taliska Ciidanka Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Afar Sarkaal oo sheegay inay kasoo goosteen Ciidamada Soomaaliya, waxaanay dalbadeen in laga cafiyo khiyaamo Qaran oo ay hore ugu kaceen.

Saraakiishani waxa ay sheegeen in ay ka soo noqdeen mabda’ii ay hore u aamisanaayeen ee Soomaaliweyn oo ay qoomameeyeen, isla markaana ay cafis ka dalbanayaan dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

blank
Afarta Sarkaal ee ka soo goostay Ciidammada Danab iyo Gorgor ee Soomaaliya

Afarta Sarkaal oo dhammaan dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, waxa ay sheegeen inay ka tirsanaayeen, xilal kala duwanna ka hayeen Ciidammada Gorgor iyo Danab ee Soomaaliya.

Xiddigle Yuusuf Maxamed Jaamac, Laba Xiddigle Jaabir Ismaaciil Cismaan, Xiddigle Maxamuud Axmed Cali iyo Dable Maxamed Xasan Xaashi oo lagu qaabilay Xarunta Miiska Saraakiisha ee magaalada Hargeysa, ayaa si wada-jir ah warbaahinta ula hadlay, waxaanay ka warrameen warrameen sababaha ku dhaliyey inay ka soo noqdaan mabda’oodii hore.

“Waxaan kasoo shaqeeyey dowlada Soomaaliya ee midnimada gacan ku rimis ka ah iyo wararka been abuur ka ah sheegata, anigoo si daacad ah ugu soo shaqeeyay umadda Soomaaliyeed ee dhibaataysan ee dushooda laysku dilayo,” sida waxa yidhi Laba xidigle Jaabir Ismaaciil Cismaan, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Waxan maanta umadda Somaliland ka codsanayaa in ay i cafiyaan”.

Xiddigle Maxamuud Axmed Cali oo sheegtay inuu ahaa taliyihii warbaahinta, wacyigalinta iyo arrimaha bulshada ee ururka afraad ee ciidanka Danab iyo afhayeenka guutada 16aad ee Danab oo uu soo noqday, ayaa isaguna yidhi, “Waxa aan maanta ku suganahay magaalada Hargaysa run ahaantii waxa hortayda soo fadhiya saraakiil ka duwan saraakiishii aan arki jiray”.

“Somaliland iyo Soomaaliya waa laba dowladood, waxan ogaaday in ay reer Soomaaliya yihiin cadaw ay Somaliland leedahay,” sidaas ayuu yidhi Maxamuud Axmed Cali, waxaanu intaas raaciyey, “Sidaa darteed, markii aan arkay midnimada Soomaaliya sida afka loogaga dhawaaqayo iyo ficil ahaan sida aanay u jirin, waxaan go’aansaday in aan dalkaygii hooyo kusoo noqdo”, ayuu yidhi Xiddigle Maxamuud Axmed Cali.

Daawo Muuqaalka Hadalladii Saraakiisha

Gebo-gabadii, waxa halkaas ka hadlay abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland Cabdirisaaq Siciid Afguduud oo si diiraan u soo dhaweeyay Saraakiishan qaladka ay hore u galeen ka soo laabtay.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories