HomeMagacyada iyo deegaamada ay ka Soo jeedaan Xubno Somaliland u Dhashay oo...

Magacyada iyo deegaamada ay ka Soo jeedaan Xubno Somaliland u Dhashay oo lagu daray Xukuumadda Cusub ee Somaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Raysalwasaaraha dhawaan la magacaabay ee Somaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa habeen hore saqdii dhexe ku dhawaaqay golihiisa Xukuumadda oo ka kooban Wasiirro, Wasiir-dawlayaal iyo Wasiir-ku-xigeenno.

Xubnaha loo magacaabay Golaha Xukuumadda Cusub ee Dalkaasi Soomaaliya oo ka kooban 25 Wasiir, Shan Wasiir-dawle iyo 25 Wasiir ku-xigeen, ayaa inta aanu aqoonsannay waxa ku jira Todoba xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, kuwaas oo loo magacaabay jagooyin isugu jira Wasiirro iyo Wasiir-ku xigeenno.

Xubnaha dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee xilalka Wasiirrada ka helay Dawlada Somaliya, ayaa tiradoodu dhan tahay Shan xubnood, halka wasiir-ku-xigeennadu yihiin laba xubnood, kuwaas oo kala ah:

1. Ridwaan Xirsi Maxamed oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Galbeedka Burco, ayaa loo magacaabay Raysal-wasaare ku-xigeen isla markaana Wasaarada Diinta iyo awqaafta, kaas oo beddelkeeda galay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ahayd raysal-wasaare ku-xigeen iyo wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumaddii hore ee Somaliya.

2. Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka soo jeeda gobolka Awdal, waxa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

3. Jaamac Axmed Maxamed (Oday), horena u ahaan jiray Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, balse markii uu shaqada ka tagay u dhoofay Muqdisho, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta, waxaanu ka soo jeedaa Bariga magaalada Burco.

4. Daa’uud Maxamed Cumar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Sool, waxa loo magacaabay Wasiirka Macdanta.

5. Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Bariga Gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Laasqoray, waxa loo magacaabay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

6. Cabdalla Xaaji Cali oo hore u ahaan jiray Duqii degmada Berbera sannadihi Sagaashamaadkii, waxa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

7. Jamaal Xasan Ismaaciil oo ka soo jeeda gobolka gobolka Hawd gaar ahaan degmada Balligubadle, ayaa isna loo magacaabay wasiirku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories