HomeMagacyada Ganacsato Somali ah oo Dowladda Ethiopia Hantidooda Xayirtay iyo Dambiyada Loo...

Magacyada Ganacsato Somali ah oo Dowladda Ethiopia Hantidooda Xayirtay iyo Dambiyada Loo haysto

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Jigjiga (SLpost)- Baanka dhexe ee Xukuumadda Federaalka Waddanka Itoobiya ayaa gabi ahaanba Xayiray, Dhaqdhaqaaqii Maaliyadeed iyo Ganacsina hawada ka saartay Boqollaal Ganacsato ah oo waaweyn oo ay xataa ku jiraan Uguna Badan Yhiin Ganacsato reer Wajaale ah oo isticmaali jiray Baananka Ganacsi ee dalka Itoobiya eek u yaalla Daanta Itoobiya ee Wajaale.

Baanka Dhexe ee Xukuumadda Federaalka Itoobiya ayaa Toddobaadkan soo saaray wareegto Culus oo lagu taxay Liiska Ganacsato badan oo xayiraad laga saaray Lacagihii u yaallay Baananka Itoobiya maadaana Baanka dhexe uu maamulo dhammaanba bangiyada kala duwan ee Ganacsi ee dalkaasi Itoobiya ee ay dadku isticmaalaan, waxaana Ganacsatadan lagu eedeeyey in ay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo liddi ku ah sharciga Maaliyadda, Diriddidda Lacagaha iyo dambiyada la xidhiidha sida Dhaqista Lacagta, Ganacsiga Koontarabaanka, adeegsiga xawaalado sharci darro ah oo loo diri karay wax ay Itoobiya ku sheegtay argagixiso iyo guud ahaan nidaam Liddi ku ah shuruucda Maaliyadeed, ganacsi, lacag dirid iyo keydineedba taasoo keentay in xukuumadda Itoobiya gaar ahaan Baanka Dawladdu soo saaro xayiraaddan culus.

blankWareegtada Baanka ayaa lagu taxay Magacyada Ganacsatada, Bangiyada ay isticmaalayeen, Magaalooyinka ay akoonada ku lahaayeen iyo xaddiga Malaayiinka Birr ee xayiraadda laga saaray waxaana liiskan ka muuqdo Magacyo badan oo ah ganacsato dhirbaaxadan culusi ku dhacday oo ka diiwaan gashanaa Magaalo Ganacsiyeedda Tog-wajaale gaar ahaan Daanta Itoobiya kuwaasi oo isugu jira Ganacsato Somaliland kasoo jeeda, kuwo dawlad Deegaanka ka soo jeeda iyo xataa Ganacsato kale oo Itoobiyada kale ah balse xidhiidhka ugu weyn ee Ganacsi la lahaa Magaalada Wajaale.

Magacyada Ganacsatada Soomaalida ah ee Lacagtoodii iyo Ganacsigoodiiba la xayiray, xaddiga lacagta laga xayiray iyo sababta looga shakiyay ganacsigoodu waxa ay kala yihiin:

  1. Tog-wajaale: Fuaad Aadan Ciise- Lacagta laga xayiray 139,401,183 Birr, waxa lagu eedeeyey Lacag dirid sharci darro ah.
  2. Tog-wajaale: Cabdilaahi Axmed Faarax- Lacagta Laga Xayiray 61,334,947 Birr – Lacag dirid sharci darro ah
  3. Bullale: Cabdillaahi Axmed Faarax – 30,931, 738 Birr- Lacag Dirid shari darro ah
  4. Kefira: Mubaarig Xuseen Ismaaciil, 59,346, 672, Koontarabaan iyo Lacag dirid sharci darro ah
  5. Tog-wajaale: Xasan Axmed Cumar- 43,497, 317, Koontabaraan iyo Lacag dirid sharci darro ah
  6. Tog-wajaale: Naasir Aadan Aw Cali- 32,345, 579, Koontarabaan iyo Lacag dirid sharci darro ah
  7. Tog-wajaale: Fuaad Aadan Ciise- 29,058, 792,- Koontarabaan
  8. Bullae: Nimcaan Maxamed Faarax- 28,308, 589- Lacag dirid sharci darro ah
  9. Tog-wajaale: Cabdiqaadir Cismaan Xuseen- 25, 162, 422- Lacag dirid sharci darro ah
  10. Bullae: Cabdishakuur Cumar Cali- 23, 034, 570- Ganacsi sharci darro ah iyo Lacag dirid sharci darro ah
  11. Jehedin: Khasar Cismaan Xasan- 21, 731758 – Ganacsi Sharci Darro ah
  12. Tog-wajaale: Mubaarig Xuseen Maxamuud – 16,067,377- Lacag dirid sharci darro ah
  13. Tog-wajaale: Suhayb Awal Xasan – 15,501, 683- Ganacsi shari darro ah
  14. Tog-wajaale: Amarre Faarax Cabdilaahi- 15,473, 980 – Lacag dirid sharci darro ah
  15. Bullae: Xuseen Cumar Cismaan – 15,428, 697 – Ganacsi shari Darro Ah
  16. Tog-wajaale: Khadar Saleebaan Nuur – 15, 268, 869- Ganacsi shari darro ah
  17. Sulul: Ismaaciil Cabdilaahi Cumar – 14, 017, 308- Ganacsi sharci darro ah
  18. Tog-wajaale: Cabdi Axmed Cabdalle- 11,880,433- Lacag dirid sharci darro ah
  19. Tog-wajaale: Xuseen Cismaan Maxamed- 11,829, 512- Lacag dirid sharci darro ah
  20. 20-. Tog-wajaale: Iid Cali Cabdilaahi – 11,174, 175- Lacag dirid sharci darro ah
  21. Tog-wajaale: Cabdikariin Maxamuud Cabdilaahi- 10,984, 041- Lacag dirid sharci darro ah
  22. Harta-sheekha: Maxamed Baaruud Maxamuud- 9,509,210- – Lacag dirid sharci darro ah
  23. Tog-wajaale: Maxamuud Axmed Muxumed- 9,222,444- – Lacag dirid sharci darro ah
  24. Tog-wajaale: Cumar Xasan Muxumed – 7,252,395- – Lacag dirid sharci darro ah
  25. Tog-wajaale: Maxamed Rashiid Yuusuf – 6,989,336- – Lacag dirid sharci darro ah
  26. Tog-wajaale: Mukhtaar Jaamac Barkhad- 5,690,671- Koontarabaan iyo Lacag dirid sharci darro ah.

Go’aankan Baanka Itoobiya soo saaray ee xayiraadda ah ayaa guux culus ka dhaliyay dalkaasi maalmihii ugu dambeeyey waxaana wararka qaar sheegayaan in ay ganacsato kale ku daba jiraan oo ay doonayaan in ay tallaabadan oo kale ka qaadaan.

Xigasho: Wargeyska Foore

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories