HomeMagacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon ~...

Magacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon ~ Qormadii 27aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(Maalin-qorka “Mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group.

E-mail: dawanchairman@gmail.com

blank
Guddoomiyaha DAWAN

Qormadeenii 25aad ee shalay waxaynu ku soo aragnay  siyaabihii kala duwanaa ee ay masuuliyiinta  iyo hawlwadeenada wasaarada warfaafintu u arkayeen  ama u dareemeen baadhistii Hantidhawrku ka bilaabay wasaaradda warfaafinta 30/07/2012-ka.  Ayaa maantana waxa aynu si gaar ah qormadeenan ugu eegaynaa  waxyaabihii kala duwanaa ee  baadhistaa ka soo baxay iyo weliba noocyadii  musuq maasuqa iyo hanti lunsiga ahaa ee ay kashiftay   baadhistii Hantidhawrku            in ay wasaaraddaas ka jireen, kuwaas oo aynu qaarkood farta ku fiiqi doono.

Inkasta oo xaqiiqo ahaan marka la eego heerka ay gaadheen musuq maasuqa iyo xatooyada ka dhacday wasaaraddaasi mudadii koobnayd  ee uu Boobe xukumayey  ay   adag tahay   in si fudud loo tilmaamo ama la helo wax halbeeg iyo minqiyaas ah, oo   lagu cabiri karo   inta ay  dhamayd baaxadooda iyo qaradoodu. Ayaa waxaynu odhan karnaa waxay ahaayeen xatooyo iyo musuq maasuq aanu noocoodu weligiiba Somaliland iyo Soomaaliya toona ka dhicin.  Sidaas dateed xatooyada iyo wax is daba marinta ka jirtey wasaaradda warfaafinta ee baadhista Hanrtidhawrku ku sameeyey wasaaradaasi ay dibeda u soo saartay waa kuwo aanu caqliga Bani-Aadmigu qiyaasi Karin.  Arimaha  kale ee iyaga laf ahaantoodana baadhistaasuun lagu ogaaday,  ee waxaas oo dhanba ka cajebta badnaa waxay ahay ahaayeen xeeladahii iyo  farsamooyinkii kala duwanaa ee ay adeegsan jireen  xubnihii ku lugta lahaa  musuq maasuqa iyo wax is daba marinta ka jirtey warfaafintu marka ay wax lunsanayaan. Kuwaas oo iyaga qudhooduna ahaa farsamooyin  iyo xeelado musuq maasuq oo  weligeen iyo waaqeenba  aanay kuwo la nooc ahi  taariikhda hore  inoogu soo marin.

blankTaas aawadeedna maadaama xatooyada iyo musuqa warfaafinta ka dhacay  yihiin kuwo noocyo cusub oo aynaan hore u aqoonin ah, waxaa lagama maarmaan ah in aynu u helno eray bixin cusub iyo magacyo lagu garto, looguna yeedho.  Kolkaa iyada oo aan rajaynayo in eray bixintooda iyo magacyada cusub ee  loo bixinayaaba ay noqon doonaan kuwo dadweynaha u furan oo aad ka wada qayb qaadan doontaan. Ayaa  aniga oo idinla wadaagaya  arimahaas u magac bixintooda, haddii aan ku hor maro magac bixintaas waxaan odhan lahaa, aynu u bixino xatooyadii ka dhacday wasaaraddaas   “XATOOYO WADAREED”  sidoo kalena waxaan soo jeedinayaa in loo bixiyo musuq maasuqa nooca cusub ah ee  warfaafinta laga helayna magaca                “MUSUQ MAASUQII GIRAANTA” .

blank Sababta aan magacyadaas ugu doorayna waxa weeye iyada oo magacyadaasi yihiin kuwo ka turjumaya siyaabihii kala duwanaa ee wax loo xadi jirey, waxna loo musuq maasuqi jirey. Tusaale ahaan marka aynu eegno xatooyadii ka dhacday warfaafinta, waxaynu arkaynaa in ay ahayd xatooyo dad faro badani ka qaateen ama ka qayb galeen. Taas jiritaankeedana waxa daliil u ah oo ka markhaati kacaya  lacagta lagu xadi jirey heshiiskii shirkada Thaicom inta ruux ee ku lugta lahayd, ama wax ka qaadan jirtey, kuwaas oo ahaa dad ilaa tobaneeyo ruux ku dhow. Markaa waxa halkaas inooga muuqata in xatooyada lacagtaasi ahayd xatooyo wadareed.

blankWaxaase Illaahay mahadii ah in maanta ay meesha ka baxday oo Qaranka loo badbaadiyey lacagtii lagu xadi jirey heshiishkii shirkada Thaicom ee uu Boobe joojintiisa diidanaa, isla markaana uu ku soo baxay magaca Matooyo wadareed. Kaas oo la joojiyey muddo yar uun dabadeed markii Boobe xilka laga qaaday.

blankHadaba si aad indhihiina ugu aragtaan in heshiiskaa la joojiyey iyo lacagta Qaranka loo badbaadiyey ee heshiiskaa lagu xadi jirey waxaan midkasta dhawr page oo ka mid ah halkan idiinku soo bandhigayaa labada heshiiskii hore ee Thaicom iyo heshiiska cusub ee iminka lala galay shirkadaas, iyada oo aan qormooyinka dambe idiinku faah faahin doono waxyaabaha ay kula duwan yihiin labadaa heshiis. Waana kuwan labada heshiis oo sawirani.

 

La soco………………………….

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories