HomeMagacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon ~...

Magacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon ~ Qormadii 25aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Guddoomiyaha DAWAN

(Maalin-qorka “Mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group.

E-mail: dawanchairman@gmail.com

Qormooyinkii 23aad iyo 24aad ee maqaaladeenan taxanaha ah waxa aynu si kooban ugaga soo hadalnay  qiso  ka mid ah sheekooyinkii   tirada badnaa iyo xoggihii kala gedisnaa  ee aynu ku soo helnay socdaalkii xaqiiqo raadiska ahaa ee aynu ku soo marnay  magaalooyinka Herar, Dire-dawa iyo Addis-Ababa iyo weliba qaar ka mid ah  meelihii kale ee ay mujaahidiintii ururka SNM joogi jireen, isla markaana ka hawlgeli jireen  xilligii halganka ee ay dagaalka  kula jireen nidaamkii keli taliska ahaa ee Siyaad Barre.

Iyada oo dhab ahaantiina qisadaasi  si fiican inoogu iftiimisay  xaqiiqooyin biyokamadhibcaan ah oo ku saabsan   kaalintii uu Boobe   kaga jirey halgankii  SNM, in aanay ahayn kaalin  waxtar shaqo ku lahayd, balse ay ahayd kaalin  hantaaqo iyo hagardaamo ku ahayd halganka iyo mujaahidiintaba.

 Hadaba inaga oo qisadaas iyo kuw kale ee aynu socdaalkaas xaqiiqo raadiska ah xogtooda ku soo helnayba dib ugu soo laaban doona, si faah faahsana ugaga warami doona  qormooyinkeena dambe. Ayaan waxaan jecelahay in aynu mar kale dib u eegno  isla markaana ka sii ambo-qaadno halkii ay inoogu joogtay sheekadii inoo socotey ee ku saabsanayd Musuq maasuqii ka dhacay wasaaradda warfaafinta mudadii Boobe joogay iyo sababihii keenay khilaafkii wasiirka iyo Agaasimeyaasha.

Inkasta oo musuq maasuqa barriinsaday wasaaradda warfaafintu aanu ahayn wax qarsoonaa oo maalin keliya uun lagu baraarugay, balse uu ahaa  mid ay muddo dhawr bilood ahba hadal-hayntiisa iyo sheekadiisu ka socotey goobaha kala duwan ee dadweynahu ku kulmo, sida maqaaxiyaha, gaadiidka dadweynaha ee magaalada qaybaheeda look ala raaco iyo meelaha mafaariishta ah ee  fadhi ku-dirirku fadhiistaan, marar kala duwana ay warbaahinta qaarkeedba ka hadashay oo wax ka qortay. Hadana  markii ugu horeysay ee la arkay talaabo si rasmi ah loogu qaaday baadhista iyo wax ka qabashada musuq maasuqaasi  waxay ahayd 30/07/2012-ka oo ahayd maalin Isniin ah. Waa maalintii uu Hantidhawrka Qarunka subaxnimada hore ku waabariistay xarunta  wasaaradda warfaafinta, baadhista rasmiga ahna ka bilaabeen halkaas. Waxaana xusid mudan in wakhtiga ay wasaaradda yimaadeen kooxda ka socotey xafiiska Hantidhawrka ee baadhista samaynaysay uu ahaa wakhti salad hore ah, oo aanay madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda intooda badani  shaqada weli soo gelin. Wax yar dabadeedse warka waa la wada hayey, inkasta oo aan warkaas isku si loo wada dareemin. Waxaana jirtey in  masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda intooda badani  ay baadhista Hantidhawrka   u arkayeen arin loo baahnaa, oo ay ahayd in la sameeyo goor horeba.  Halka qaarna u arkayeen arin iska caadi ah oo la xidhiidha oo la xidhiidha Hantidhawrkii oo shaqadiisii gudanaya.  Waxaase jirey koox aan  badnayn oo ka mid ahaa masuuliyiinta iyo hawl wadeenada wasaaradda oo ay  baadhistaasi iyaga  ku noqotay Qiyaamihii oo ifka loogu soo saaray, isla markaana ay deganaanshihii iyo xasiloonidiiba ka lumeen judhii ugu horeysay ee ay maqleen in wasaaraddii Hantidhawr galay. Kooxdaasi cid kale ma ahayn ee waa kooxdii awelba lagu xaman jirey in ay masuul ka yihiin musuq maasuqa iyo wax is dabamarinta wasaaradda lagu sheegi jirey. Weliba kooxdaas lafteedu iskuma jirine waxaa ugu darnaa laba nin oo kala ahaa wasiirkii wasaaradda ee xiligaas Boobe Yuusuf Ducaale iyo Agaasimihii maamulka iyo lacagta ee Tv-ga Xasan Maxamuud, kaas  oo isaga dhawr cisho dabadeedba lagu eedeeyey in ay hanti faro badani ku maqantahay, isla markaana Hntidhawrku xabsiga u taxaabay, inkasta oo markii dambe damiin lagu sii daayey ilaa hadana uu damiinkaas ku joogo.

La soco……………

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories