HomeMagacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon ~...

Magacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon ~ Qormadii 18aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

(Maalin-qorka “Mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group.

E-mail: dawanchairman@gmail.com

blank
Guddoomiyaha DAWAN

Qormadii hore  waxaan idiinku sheegay in xatooyadii iyo  musuq maasuqii aan xuduuda lahayn ee ka dhacay wasaaradda  warfaafinta mudadii koobnayd ee  uu   wasiir Boobe wasiirka ka ahaa. Ay sababeen  in madaxtooyada iyo xukuumada inteeda kale oo dhami  ka aamin baxaan wasaaraddii warfaafinta iyo madaxdeedba. Markaas ka dibna waxaa dhacday  in wax kasta oo wasaaradda warfaafintu soo dalbato in  loo iibiyo loo diro cid kale oo aan wasaaradda ka tirsanayn. Maadaama ay  Boobe iyo intii la midka ahayd  wasaaraddii warfaafinta iyo madaxdeediiba ka dhigeen qaar aan waxba lgu aamini Karin. Arintaasina  ay ahayd tii  horseeday in Madaxtooydu u igmato Maareeyha Guud ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa, in uu wasaaradda warfaafintaa u soo iibiyo mishiinkii laydhka iyo qalabkii kale ee Boobe lacagtooda weydiistay.

Hadaba iyada oo aynu qormooyinkeena dambe ku ogaan doono  lacagtii ku baxday soo iibinta mishiinkaas iyo alaabtii kale ee la socotayba inta ay noqotay. Iyada oo aan weliba idiin sii sheegayo in ay jireen  fadeexado waaweyn oo wasiir Boobe iyo madaxda kale ee warfaafintaba arintaas  ka soo wajahay. Kuwaas oo aan iyaga laftoodana idiin ballanqaadayo in aad qormooyinka dambe kaga bogan doontaan. Ayaa maanta waxaan door biday in aan  idiin sii wado. Sheekadii aan qormadii 16aad idinku badh jaray ee ku saabsanayd. Hadalladii uu ninku sida qarsoodiga ah nooga  duubay, habeenkii aanu lixda Agaasime ku wada fadhinay. Hadaba sidii aan horeba idiinku soo sheegayba ninkaasi  hadalkii iyo sheekadii uu  habeenkaas naga duubay oo dhan waxa uu subaxnimadiiba farta ka saaray Wasiir Boobe. Taasina waxa ay noo cadaysay inuu ninkaas odayga ahi   markiisa horeba ahaa  nin uu wasiirku nagu dhex darsaday.

Si kastaba ha ahaatee isla subaxnimadii  uu ninkaasi  wasiirka u gudbiyey hadalkii uu naga soo duubay. Ayaa waxa kale oo dhacday in Wargeys ka mid ah wargeysyada madaxa banaan ee ka soo baxa caasimadu uu soo qoray war uu cinwaankiisu ahaa “Wasiir Boobe oo hor joogsaday baadhis Hantidhawrku ka wadey Wasaaradda Warfaafinta iyo Afar Agaasime oo nidar ku maray in ay is casili doonaan”

Bal hadda waxaad malaysaan ninkii Boobe oo ay labadaas arimood ku kulmeen waxa uu samayn doono. Runtii waa arin adag oo aanay suurto-gal ahayn in aad si hawl yar u malayn kartaan. Waxaase  malayn kara oo keliya qofkii Boobe  iyo dabeecadiisa si fiican u yaqaana oo qudha.  Sidaa darteed waxba yaan idinku daalin arintaas malaynteeda iyo ka fekerkeeda’e  aan idiin bilaabo sidii wax u dhaceen.

Waxay ahayd  subaxnimo Sabti ah oo ay taariikhdu ahayd 04. 08. 2012. Anigu maadaama aan sida caadiga habeenkii shaqeeyo. Subaxaas hurdada ayaan ku yara raagay, oo waxa aan  toosay saacadu markii ay ahayd abaaro 8:30 aroornimo. Dabadeedna markii ugu horeysay ee aan indhaha kala qaadayba, waxaan  gacanta la tiigsaday Telefoonkaygii gacanta. Kaas  oo aan doonayey in aan saacadda ka eegto.  Hase ahaatee  waxaan markiiba shaashadii telefoonka ku arkay  in sadex jeer la I soo wacay intii aan hurday. Hadaan sii eegy numbarada I soo wacay ee aan seegay kuwa ay yihiina. Waxaan arkay in sadexda jeerba uu qof qudhi I soo wacay, hal number oo keliyana uu iga soo wacay sadexda goorba. Isla mar ahaantaa waxaan si fiican u gartay numbarkii la iga soo wacay iyo qofkii numbarka lahaaba. Qofka sadexda jeer ee kala  duwan I soo garaacay ma aha qof kale, ee  waa wasiirkaygii, waa wasiirkii  wasaaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ee aan ka tirsanahay Boobe Yuusuf Ducaale. Toloow maxaa soo kordhay ayaan anigu  is weydiiyey? Oo miyaan garan karaa waxa soo kordhay ee wasiirku ii doonayo? Jawaabtu waa maya. Markaa dabadeed waxaan go’aansaday in aan wasiirka dib uwaco, si  uu markaas iigu sheego waxa jira ee uu ii doonayey. Balse intii aanan garaacin numbarkii wasiirka ayaa waxa  si deg deg ah maskaxdayda ugu soo dhacday, bal in aan eego sadexda jeer ee uu I soo wacay wakhtiyada ay kala ahaayee. Waxaan arkay in uu sadexda jeer laba ka mid ah I soo wacay saacadu markay ahayd  7:24am. Marka sadexaadna uu I soo garaacay 7:53 daqiiqo. Markaas ka bacdi waxaan dib u garaacay numbarkii wasiirka, mase helin oo markiiba system-kii telefoonka ayaa ila hadlay oo igu yidhi “numbarka aad

La soco…………………………………..

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories