HomeMagacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon ~...

Magacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon ~ Qormadii 16aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

(Maalin-qorka “Mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group.

E-mail: dawanchairman@gmail.com

blank
Guddoomiyaha DAWAN

Qormadii 15aad ee qoraaladan taxanaha ah, waxaan idiinku soo sheegay in wasiir Boobe markii uu ka dhicisoobay qorshihii musuq maasuqa ku dhisnaa, ee uu madaxtooyada lacagta kaga doonayey. In uu bilaabay sidii uu u fashilin lahaa xukuumadii uu ka tirsanaa. Waxa kale oo aan idiin soo sheegay inuu si ka baxsan milgaha madaxnimo, oo aad u fool xun  dagaal ugu qaaday qaar ka mid ah Agaasimeyaashii iyo hawlwadeenadii kal duwanaa ee ka shaqaynayey wasaaraddii  uu xukumayey.  Isla mar ahaantaana waxa uu isku diray, oo uu si toos ah isaga hor keenay madaxdii iyo shaqaalihii wasaaradda oo dhan. Kuwaasoo uu   ka dhigay   qaar isaga ku xidhan oo wax u soo basaasa iyo qaar  uu iska fogeeyey oo loo soo basaaso.

Hadaba arimahaas oo dhami   waxa ay wasaaraddii ka dhigeen, mid fadhiid ah oo aanay wax shaqo ahi ka soconin. Shaqaalihii iyo masuuliyiintii wasaaradda ee  mid kasta Boobe hortii  lagu qiimayn jirey, laguna tixgelin jirey  wax qabadkiisa, hawlkarnimadiisa, daacadnimadiisa, aqoontiisa, shaqo wanaagiisa iyo xilkasnimadiisana, waxaa dhacday in waxa qudha ee lagu qiimeeyo, laguna qadariyaa uu noqday, kolba sida uu wasiirka ugu soo basaaso madaxda iyo shaqaalaha kale ee wasaaradda, gaar ahaan kuwa uu wasiirku neceb yahay. Waxa kale oo dhacday in waxa ugu weyn   ee shaqaalaha lagu dalacsiiyo, laguna abaal mariyaa noqotay, kolba sida ay wasiirka agtiisa ugu kala   xan iyo warsheeko badan yihiin.

Jiritaanka arrimahaasna waxa cadayn ugu filan, oo  aad ku xaqiiqsan kartaan sheekada hoos ku xusan. sheekadaas oo aan hubo in akhriskeedu  idiin sahli doono  sidii aad xog ogaal ugu noqon  lahaydeen, waxyaabihii uu ka dhashay khilaafkii dhex maray Wasiir Boobe iyo dhawrka Agaasime ee uu had iyo jeer qoraaladiisa ku caayo. Waxa kale oo aad sheekadan akhriskeeda si fiican uga daalacan doontaan habdhaqankii diinta islaamka iyo dadnimadaba ku xumaa ee aanu kala kulanay wasiir Boobe. Sidaas si la mid ahna sheekadani waxa ay idinbaridoontaa nooca ay ahayd shakhsiyada runta ah ee uu lahaa ninka wasiirka noo ahaan jirey. Sidoo kalena waxa xaqiiqo ah in sheekadan akhriskeedu uu idiin fududayn doono sidii aad runta iyo beenta ugu garnaqi lahaydeen, una kala reebi lahaydeen.

Hase ahaatee inta aanan sheekada u gelin, waxaan jecelahay in aan dib idiin xusuusiyo sheeko uu Boobe  qoraaladiisa hore ugu sheegay. Taasoo iyaba waa cajebe! Uu Boobe ku sheegay in madaxtooyadu ay Telefoonka cod kaga duubtay! . Horaase loo yidhi “Nin waliba sida uu yahay ayuu dadka oo dhan wada moodaaye” . Aynu u gudubno sheekadiiye bal hada si fiican idinku u dhuuxa, oo uga bogta. Ka dibna isu eega oo is bar bar dhiga, sheekadan iyo sheekada Boobe ee aan idin xusuusiyey.

Waxay ahayd habeen ka mid ah habeenadii bishii Ramadaan ee ina dhaaftay. Waa habeen khamiis ah oo ay  taariikhdu ahayd 02. 08. 2012. Si kale hadaan idiinku sheego waxuu ahaa, maalintii uu Hantidhawrka  baadhista ka bilaabay wasaaradda warfaafinta oo ku beegnayd 01. 08. 2012. maalintii ka dambaysay habeenimadeedii.  Habeenkaas waxa dhacday in  anaga oo ka kooban lix ka mid ah Agaasimeyaasha iyo masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta  aanu fadhiisanay  qol ku dhex yaala  xarunta Wargeyska Dawan, oo aanu had iyo jeer si caadi ah u fadhiisan jirney.  Fadhigayagii habeenkaasinakamaduwanayn fadhiyadaas caadiga ah ee aanu halkaas fadhiisan jirney. Ma ahayn fadhi qarsoodi ah, oo aanu isugu nimid anaga oo cid ka dhuumanayna. Ma ahayn fadhi aanu ku shiraynay, oo aanu ajende gaar ah iyo arimo khaas ah kaga wada hadlaynay. Ma ahayn fadhi aanu cid ugu tashanaynay, ama cid wax ku yeelaynay, cidna wax ugu taraynay. Sidoo kale ma ahayn fadhi aanu ku ballansanayn oo  hore noogu sii qorshaysnaa.  Balse waxa uu ahaa fadhi aanu dar Illaahay iyo si caadi ah oo aan ku talo-gal ahayn isugu nimid.

Dabcan marka dad isku shaqo ahi meel ku kulmaan, waa wax caadi ah, oo dhici kara in ay ka sheekaystaan, kana wada hadlaan. Waxyaabo shaqadooda iyo mihnadooda ku saabsan. Sidaas darteed kulankayagaas waxaanu ka sheekaysanay waxyaabo shaqadayada khuseeya. Kuwaas oo ay ugu weynayd baadhistii Hantidhawrku ka bilaabay wasaaradayada. Qof waliba waxuu ka waramay sida uu shakhsiyan u arkayey baadhista hantidhawrku nagu bilaabay. Taas oo uu nin waliba uga hadlay sidii ay isaga la ahayd. Waxa kale oo aanu ka hadalnay sidii uu mid kasta oo ka tirsan masuuliyiinta wasaaraddayada dareenkiisu noqday, subaxdii hanti dhawrku na soo galay. Isku soo wada duuboo sheekadayada oo dhami habeenkaas waxay u badnayd baadhista hantidhawrka iyo qof waliba dareenkii uu ka bixiyey. Maxaa dhacay hadaba? Waxa dhacay run ahaantii wax yaab leh, oo aan koleyba aniga hore ii soo marin!!. Bal hada maleeyo waxaasi waxa uu ahaa. Waa hubaal in aanu ahayn wax aad malayn karaysaane aan idiin sheego.

Waxaa dhacday in uu  nin ka mid ah lixdii nin ee aanu halkaas ku fadhinay, si qarsoodi ah nooga duubay wax alla wixii aanu habeenkaas ku sheekaysanaynay oo dhan!!. Ka dibna wixii uu hadal iyo sheeko naga duubay oo dhan waxa  uu isla subaxnimadiiba  farta ka saaray wasiir Boobe.Waxaan maqli jirey “Biddo intaadan Biddo ku odhan ayay iyadu Biddo ku tidhaahdaa”

La soco……………………….

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories