HomeMAGACAABISTAYDII IYO MAAGISTAYDII: LABA ISKU LAMMAANAA – (Maalin-qorka “Dharaarihii I soo maray”)...

MAGACAABISTAYDII IYO MAAGISTAYDII: LABA ISKU LAMMAANAA – (Maalin-qorka “Dharaarihii I soo maray”) – Qormada 10aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Boobe Yuusuf

Haa….Show ilaa cabbaar waa aynu kala maqnayn. Qormadii 9aad iyo sidii aad u aragteen. Dhacdadii shalay ku soo noqo iyo duubisteedii. Waa meelaha muranku ka taagan yahay. Intiinna badani waxaad jeceshihiin in taxanahani sii socdo. In yar oo inaga mid ah oo aan weli go’aan qaadani waxay door-bidaysaa in la yar hakiyo. Inta hantida qaranka iyo boobka ku mamtay ee laasintay, taxanahan ma arki karto, aniguna macmiil ayaan leeyahay oo kuwaas iyo rabitaankooda ayaa I khuseeya. Kuwaas ayaan u dabranahay. Iyaga cid aan ahayn uma heellani.

Gaarriye, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, miyaanu odhan:

“Codkii dadka baahan,

 Caroogga saboolka,

 Adduunka ku ciillan,

 Anaa cudha haysta,

 Anaa Cabdillaahi,

 Wargeys u ah caydha,

 Caloosha danleyda,

 Anaa cabbiraaya,

 Anaa carrabkayga,

 Xammaalku cabbaayo,

 U-diiday Cir-weyne,

 In aan ku casuumo,”

Bal hadda arrinta u fiirsada. Labadan docood ee soo socda ayaad u kala bixi kartaan: Nin ku andacoonaya in uu qof mas’uul ah wax ka duubay oo cabanaya kuna andacoonaya in laga xaal-mariyo. Nin kale oo xuquuqdiisii Dastuuriga ahayd lagu xad-gudbay oo isaga oo aan ogeyn wax laga duubay oo kii eedda ka galay xaal-marin iyo garawshiiyo ka rabo. Bal hadda akhriste labadaa dhinac mid is-taag. Sheekada oo dhami waa intan. Waa xaq iyo baaddi. Waa gar iyo gardarro ee mid garabka saar, Ilaahayna sidaas ayuu kugu abaal-marin doona

Kuma ayay tahay in uu aammuso oo dhunto? Aammus maanta inoo ma bannaana ee waa in aynu ka dul eedaannaa kuwa ugu dhaadheer buuraheenna oo dhawaaqa meel walba gaadhsiinnaa.

Cabdilqaadir Xirsi oo loo yaqaannay Yam-yam ayaa beri tiriyay maanso la magac-baxday ‘Dhuux-tagoogo.’Ibraahin sheikh saleebaan oo loo yaqaannay Gadhle ayaa ku jawaabay tixda la magac-baxday ‘Tuhun-reeb’ oo tuduc ku jiray ahaa:

“Tuug waa is-qariyaa,

 Halka uu ka xado tulud,

 Tahan buu ka guuraa,

 Toddobaadkan Xaajow,

 Mid tiriig sitaa yimid.”

5/8/2012ka:Waqti ama xilli ay saacaddu ku beegnayd ilaa 2.00 saacadood ee duhurnimo, Maxkamadda Gobolka ayaa Xasan Maxamuud ku soo daysay dammiin uu ilaa maanta dibadda ku joogo, xilkiisiina uu kaga maqan yahay. Xasan Maxamuud waxay ahayd in la soo eedeeyo oo xilka laga qaado, ama sharaftiisa loo soo celiyo oo xilkiisiina loo dhiibo. Ilaa maantadaa aynu joogno kiiskaasi waa uu furan yahay oo Hanti-dhowr dacwaddii xidhay ama gebagebeeyay ma jiro. Bal is-weydiiya waxa Hanti-dhowrkaa loo soo diray ee uu ilaa maantada aynu joogno hawshaasi u laalan tahay. Waxay Wasaaradda soo galeen 30/7/2012ka. Ma Xasan Maxamuud ayuun baa shaqada laga joojinayay, mise Wasaaradda ayaa dhab ahaan loo baadhayay.

6/8/2012ka: Waa maalmihii ay Marwada Koowaad ku maqnayd London. Maa daama ay Ramadaan ahayd, macaankayga oo hoos u yar dhacayana aan dareemay, xilli ku beegnaa ilaa 12.00 saacadood ee duhurnimo ayaan gurigaygii tegay. Maalmahaa indhaha saxaafaddu waxay ku jeedeen wada-hadalladii Xaglo-toosiye ee Oog ka socday.  Malahayga markii aan saacad badhkeed joogay gurigii ayaa wiilkayga Diiriye ii dhiibay tilifoonkaygii oo soo dhacay. Waan qabtay. Mise waa Madaxweynihii oo yar kacsan. Si deggan ayaan ‘haloo’ u idhi. Madaxweynuhu wuxu igu yidhi, waa maxay waxan la sheegayaa, ma ninkii (Xasan Maxamuud) la baadhayay ayaad shaqadii ku celisay? Aniguna ma Xasan Maxamuud. Iyo haa. Intaa ka dib ayaan u sheegay in uu xafiiska u yimid si uu mushaharkiisii u qaato. Ka dibna Madaxweynuhu wuxu igu yidhi inta baadhistu socoto, shaqo ma qaban karo.

Sida aan wedkayga u hubo ayaan u hubaa in aanu Madaxweynuhu arrintan isagu dabo socon, bal se inta ku dhow ee uu aamminay ay dhaqammadan xeyndaabka qarannimo iyo madaxnimo ka baxsan iyagu ula imanayaan, halkii ay karaamadiisa, sharaftiisa iyo ta Qarankaba ka dhowri lahaayeen.

Xasan Maxamuud maalintaas ilaa 11.30kii ayuu xerada Idaacadda yimid, Madaxweynuhuna wuxu ila soo hadlayay saacad ka dib. Bal ka warrama! warka laga diray Idaacadda ee Madaxweynihii gaadhay ee uu ila soo hadlay. Intaan is-yar taagay ayaan maskaxda ka yar shaqaysiiyay, daqiiqadna iguma ay qaadan in aan suureeyo sida wax u dhaceen iyo sida ay wax isugu xidhmeen. Lambarka Madaxweynuhu igala hadlayay waan garanayay, cidda leh waan garanayay, qofka markaa gacanta ku hayayna waan garanayay. Raxantii Madaxtooyada ku xidhnayd mid ka mid ah oo aan hebel u garanayo ayaa tilifoon diray, kii ka qabtayna Madaxweynaha ayuu warkii u sheegay. Ninkan madaxweynaha warka gaadhsiinaya inta Idaacadda joogta qof keliya ayuun baa la hadli karayay, run ahaantiina kii baa la hadlay. Waa intaasba sida aan aamminsanahay ama ku suureeyayba. Lambarkii ayaan ilaa saddex, afar jeer dib u garaacay, waana la iga qaban waayay. Lambarkaa dhakhso ayaa la iiga qaban jiray oo waa tii aan ka mahad-celiyay, saranseerkani se wuxu dhacay intan lagu jiray hawl-galka TV-ga lagaga jarayay Wasaaradda Warfaafinta sababao dhaqaale awgood. Sidaas ayaan ku xaqiiqsaday qofkii markaa gacanta ku hayay. Qofka aan ka hadlayo intii aan karayay ee aan aniguna ku sarriiganayay idiin sawiray e’ aan ku soo xidho weedhaydan murti-dhaadhigii af-maalka waddaniga ah ahaa ee Cabdi Iidaan Faarax, naxariistii Janno Alle ha ka waraabiyo e’, xaaladdahan oo kale wuxu odhan jiray: “Anuu daaha kama rogin, dadku se waa yaqaannaa.”

Halkaa sheekada u dhaafi maayo oo waa tii aan hordhacaygii ku ballan-qaaday in aan sarriigan doono.

(La soco……………………..)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories