HomeMAGACAABISTAYDII IYO MAAGISTAYDII: LABA ISKU LAMMAANAA - (Maalin-qorka “Dharaarihii I soo maray”:...

MAGACAABISTAYDII IYO MAAGISTAYDII: LABA ISKU LAMMAANAA – (Maalin-qorka “Dharaarihii I soo maray”: 19/3/12ka-4/9/12ka) – QORMADA 3AAD

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
blank
Boobe Yuusuf Ducaale

Annaga oo hadalkii haynna ayay Mujaahid Faadumo hurdadadii ka soo kacday oo I soo ag joogsatay aniga oo daaradda taagan. Ku-ye: “Waa ayo? Yaad ilaa waqtigan la hadlaysaa?” Waxaan ugu jawaabay: “Waa Madaxweynihii.” Mujaahid Faadumo waxay igu soo celisay: “Muxuu Odeygu goortan doonayaa?” Waxaan ku idhi: “Wuxu iga codsaday in aan ka oggolaado in aan xil wasiirnimo qabto.” Dhankaa iyo dhankaa midna ma ay eegin e’, waxay igu tidhi: “Ka oggolow waa tii aynu duurka u gallay e’, kollay cid dibadda ka timid ayaa qaban doonta e’.”

Madaxweynihii oo dacalka kale tilifoonka ka haystay oo ay sheekadayadii xidhiidh-furatay, ayaa igu yidhi: “Waa ayo? Yaad la hadlaysaa?” Waxaan ugu jawaabay: “Waa xaaskaygii.” Odeygu wuxu igu celiyay: “Oo maxay ku leedahay.” Waxaan ugu jawaabay: “Xilka Odeyga ka guddoon ayay I leedahay.” Inta uu nafisay, ayuu Madaxweynihii igu yidhi: “Faadumo ayaa ku dhaanta.” Hore ayuu iyada iyo curaddayda Bilanba u yaqaannay.

Xaskayga hooyadeed waxay ula baxday Faadumo-cawo. Waa Ina Xasan Diiriye Bil-qariye. 19/7/1977kii ayaa gurigayaga la taagay. Bilan iyo afar wiil ayay dhashay. Qof iimaanka qabta oo aan salad salad ku darin. Hooyo hawlaha gurigeeda iyo kuwa sama-falka wixii kaga soo beegma ka soo dhalaasha.  Ka-qayb-galkii halgankii hubeysnaa ee shacbiga ahaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahaydayay ku sii dallacday oo ay ku noqotay Mujaahid Faadumo-cawo. Ma hawlihii ay ka soo qabatay bartii caafimaadka ee Durya oo ay iyada iyo carruurteeduba deggenaayeen. Bahdii caafimaadka iyo dhaawicii bartaa soo maray ayaa ka markhaati ah. Loo noqon maayo. Weligeed xisbiga Kulmiye ayay nafta u bixin jirtay. Lammaanahayga-nololeed intaa in ka badan ayay iga mudan tahay e’, mar kale ayaan u soo noqon doonaa, waayo idinka ayaa degdegaya oo dhareerkii ceshan kari la’.

Odeygu Wasaarad ii ma sheegin, bal se tibaax ayaan ka helay. Hadalkiisii ayaan mar ka dhadhansaday waa meel aad garanayso oo in badan ayaad arrimaha shaqada iyo shaqaalaha ku soo dhex jirtay. Wax sidaa u eg ayaan ka maqlay, anna waxaan u qaatay in uu igu magacaabayo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Qoyska. Ma aan jeclaysan in aan tago Wasaaraddaas, aniga oo isla markaana ka xishooday in aan Odeyga mar kale wax ku diido. Waan iska aammusay. Rubuc saace ka dib ayaan Wasiir Xirsi garaacay oo aan u sheegay meesha aan danaynayaa in ay tahay Warfaafinta. Aniga ayaa Odeyga u sheegi ayuu igu yidhi, aniguna kalsooni ayaan ku qaatay in ay sidaas u dhacayso.

Run ahaantii dareenkii iigu horreeyay halkaas ayaan ka qaatay. Waxaan is-weydiiyay bal Madaxweynuhu wuxu doono ha kuu qoondeeyo e’, miyaanay ahayn in uu isla markaa waxaan danayn karo ama ka shaqayn karo uu ila doono.

Sidii ayaan gogoshii ku tegay, bal se aanan ku gami’n. Waxaan ka fekerayay noloshan cusub ee ugubka ah ee aan geli doono. Waqti ay saacaddu ku beegnayd 4.30kii subaxnimo ayuu Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynuhu, Cali-yare, ii soo diray tilifoon, waxaanu ii sheegay in la ii magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Horto magacaabistaydu sidaas ayay u dhacday. Waxyaabaha kale ee I sii dhiirri-geliyay waxa ka mid ahaa waqtigii (dead-line-kii) ay xaaskaygu ii qabatay in aan siyaasadda geli karo oo isaguna dhawaa. Waxay iga soo bedeysay toban sannadood oo aan ka maqnaa oo aan ku hawlanaa halgankii shacbiga ahaa ee hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Waxa kale oo I sii dhiirri-gelisay aniga oo go’aansaday in aan Akaademiyada ka tago maa daama aan ilaa laba iyo toban sannadood ka shaqaynayay. Madal dhex-dhexaad ah ayaan intaa ku jiray oo waxaan u baahnaa in aan nefiso oo aan si cad mowqifyadayda u caddeeyo, Akaademigana dhiig cusub oo da’ yari soo galo: wiilal iyo gabdhaba. Taasina waa ay I sii dhiirri-gelisay.

Waa dhinaca aan sheekada ka taagnaa, maa daama aanan ka war hayn xaqiiqada ka jirtay dacalka kale ee tilifoonku na xidhiidhinayay. Markii aan doc kasta iska taagay ee khayaalkayga iyo mala-awaalkaygaba dabarka ka furay, laba door-bidba (options) waa ay igu soo dhaceen:

  1. In uu codsigani curis ahaa oo uu ka yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
  2. 2.   Iyo in uu Wasiirka Madaxtooyadu afka isku kaayo geliyay Madaxweynaha oo uu isagu magacayga soo hor dhigay,

Sidii ay doontaba ha u dhacdo e’, waayo-aragnimo aan mahadinayo weeye oo aan raalli ka ahaa, mana qoomamaynayo. Iyagana mahad iyo abaalba waan ugu hayaa. Xaaskayga Mujaahid Faadumana waan uga mahad-celinayaa doorka ay ka qaadatay oggolaanshahayga xilkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, xilkaa waan ka guddoomay, abaal iyo mahadna waan ugu hayaa.

Intaana waxaan ku soo dhaafayaa magac-dhowgaygii iyo habkii xilka la iigu dhiibay. Laba qaybood ayaa ka hadhsan ‘Musal-salkan’ ama taxanahan kooban. Fadlan, waan gar-naqsanayaaye, waxaan magan idiin ka ahay in aad si fiican uga bogataan waxyaabihii Wasaaradda ka qabsoomay intii aan joogay oo aanan keligay anigu qaban. Sidii Cali Sugulle Dun-carbeed u yidhi: “Dadkaa geesi lagu yahay.” Waxaan magan idiin ka ahay in aad qormadaa ‘Xil-gudashadaydii’ee soo socota si fiican u akhridaan si aad u go’aamisaan: In aan gar-darnaa iyo in la iga gar-darraa oo Qarannimadii, dawladnimadii iyo karaamadii ummadda meel lagaga dhacay.

(La soco……………………)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories