HomeMAGACAABISTAYDII IYO MAAGISTAYDII: LABA ISKU LAMMAANAA - (Maalin-qorka “Dharaarihii I soo maray”:...

MAGACAABISTAYDII IYO MAAGISTAYDII: LABA ISKU LAMMAANAA – (Maalin-qorka “Dharaarihii I soo maray”: 19/3/12ka-4/9/12ka) – QORMADA 2AAD

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

blankWaa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku durayo inta danta guud wiiqaysa ee madaxda Qaranka wararka khaldan ku marin-habaabinaysa si ay muraadkooda u helaan. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ugu hiilinayo shaqaalaha daacadda ah ee hawshooda u darban ee aan dusduska iyo war-sheekada xarumaha Qaranka la meeraysan, wanjalka iyo wadeecadana aan caadaysan oo aan weliba lagu majeeran. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku daafacayo Idaacadda cusub ee aynu ku hadaaqaynay oo maanta hirgashay bal se la ina leeyahay waa meel baas oo aan lagu nagaanayn.

Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku muunaynayo halgankii sharafta lahaa ee hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd ee dalkan iyo dadkanba lagu xoreeyay. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan milgo iyo maamuusba uga dhigayo geeddiyaashii la mahadiyay: dibuheshiisiintii, nabadayntii, hubdhigistii iyo geeddi-socodkii dimuqraadiyadeed. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku caddaynayo in aan wax walba halgan lagu sheegin, bal se dhacdo walba ereygeeda loo adeegsado, halgankana halgan loo barto. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku muujinayo in aanu hooyo-caygu halgan ahayn ee uu halgaad yahay. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku muujinayo in midabka cadi caddaan yahay, madowguna madow yahay oo aanay wax la isku badhxi karo ama la isku khaldi karaba ahayn.

Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku qeexayo in qaddarku ka Eebbe yahay, yahay, bulshaduna tix-raaca, talada iyo guddoonkaba leedahay oo aanay qof iyo kooxi muquunin karin. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo markhaati cad u ah in aanu Dhagax-tuurkii been ahayn, shalay aanay dheereyn, waxa dhacayna fududayn. Waa hal-muceedyadii Hadraawi. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan uga gol leeyahay in aynu garanno waxa inaga khladan iyo sidii aynu maaro ama xal waara ugu heli lahayn.

Waxaan jeclahay in aan halkan ku guud-maro: Sidii la igu magacaabay, xil-gudashadaydii, xil-ka-qaadistaydii iyo “Dharaarihii i soo maray”: 19/3/12ka ilaa 4/9/12ka. Waa garnaqsi.

Aniga oo sarriiganaya, aniga oo sanqadh-tiranaya, aniga oo aan sidaan wax u ogahay hadalka u saafayn, aniga oo aan laamaha saydhayn, aniga oo subeeciyad iyo sitaacba hadalka huwinaya, aniga oo aan cidna sadhaynayn, aniga oo aan qof sudhnayn ama saarnayn, aniga oo aan qof sidan ama aan u sad-burinayn, bal aan sadarradaa mariyo.

Waa digniin….Waa caroog…..Waa danab…..Waa garri…..Waa bigil…..Waa durbaan dareen sida oo digniin u ah inta dibindaabyada u darban ee Qarankan dalawga ka tuuraysa.

Magacaabistaydii:

Guurti waayeel iyo gamboolay haween midnaba ma aan diran. Gurbood carruur ahi uma gurguuran. Af-miishaar iyo intii uunku habaaray kama arrimin. Kooxo ku gooddiyay iyo danaystayaal ka adeegay ma jirin. Gini iyo guunyo lagaceed midnaba lagama bixin. Ma gurguuran, ma gaatamin mana aan goobyaalin. Lama gujin……lama guhaadin lamana gawdhin madaxda Qaranka. Ma dalban, ma doonan kumana doodin.

Waa maalin Sabti ahayd. Waa bishii Maarj 10dii, 12ka. Barqadii ayaan ka baxay Xafiiskaygii. Waxaan sii qaatay CV-gii Cali Aw Aadan Meecaad oo Gebilay Guddoomiye Gobol ka ahaan jiray oo xilkii laga qaaday. Madaxtooyada ii gee ayuu igula dardaarmay. Xirsi oo ah Wasiirka Madaxtooyada ayaan u geeyay.

13/3/12ka:

Waa maalin Salaasa ah. Salaaddii casar ka dib ayaan hurdo ka soo toosay oo aan u holladay in aan cabbaar soo lugeeyo. Tilifoonkii gacanta ayaa dhacay. Saa waa ninkii Xirsi ee aan CV-gii Cali Aw Aadan Meecaad u dhiibay. Wuxu ii sheegay ama igu yidhiba, caawa ayaan odeygii arjiga liqsiinayaaye, si uun ula soo xidhiidh oo u sheeg in aad adigu soo-jeedinta leedahay ee aanay aniga iga iman. Wuxu adeegsaday ereygaa ah ‘liqsiinayaa’.  Hawraarsan ayaan ku idhi, bal se cidna lama aan xidhiidhin, waayo marka uu isagii sidaa igu leeyahay cidda aan la xidhiidhayo ayaan garan waayay.

Sidii dhaqanka ii ahayd waqti hore ayaan iska seexday habeenkaas oo ay saacaddu ku beegnayd qiyaastii ilaa sagaalkii iyo badhkii habeennimo. Sida xusuus-qorkayga ku xardhan xilli ku beegnaa 11.00 saacadood ee habeennimo ayuu tilifoonkii gacantu dhacay aniga oo hurda. Waan qabtay. Saa waa saaxiibkay Xirsi. Wuxu ii sheegay in uu CV-gii Cali Aw Aadan Meecaad Odeyga u gudbiyay, ka dibna Odeygu yidhi Boobe laftiisu mee. Hadda waa sida uu igu yidhi. Xirsi waxaan u sheegay in aan Odeyga u iman doono ilaa berri, bal se wuxu igu soo celiyay: “Hoo oo tilifoonka kula hadal.”

Tilifoonkii dacal aniga ayaa haysta, dacalka kalena Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xirsi weheliyo. Waa inta aan ka war-qabay. Odeygu wuxu iga codsaday in aan ka oggolaado in aan qabto xil Wasiirnimo. Aniguna si tix-gelin iyo qaddarinba leh ayaan ugu jawaabay in aanan u diyaar ahayn, oo carruurtaydii Qaaxo ku habsaantay aan carruuraha gaadhsiinayo. Wuu iga garowsaday, waxaanu igu yidhi bal cid kale igula tali. Waxaan ugu jawaabay ilaa berrito ayaan kuu iman doonaa, wuxuu se igu soo celiyay berri ma sugi karayo e’ caawa cid ii sheeg.

Mar kale ayuu Madaxweynuhu igu yidhi, iga guddoon xilkaa aan doonayo in aan kuu magacaabo. Aniga oo qaddarin iyo tix-gelinba codsigaa Madaxweynaha siinaya ayaan ugu jawaabay: “Aan ka soo tashado.” Wuxu igu yidhi: “Yaad kala tashanaysaa.” Aniguna waxaan ugu jawaabay: “Xaaskayga.”

(La soco …………………………………….).

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories