HomeMAGACAABISTAYDII IYO MAAGISTAYDII: LABA ISKU LAMMAANAA - (Maalin-qorka “Dharaarihii I soo maray”:...

MAGACAABISTAYDII IYO MAAGISTAYDII: LABA ISKU LAMMAANAA – (Maalin-qorka “Dharaarihii I soo maray”: 19/3/12ka-4/9/12ka) ~ Qormada 1aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

blank“Ma da’-furin ogaalkay,                          

 Xaska dabada maan gelin,

 Derejada ilhaamkiyo,

 Hibadii dalaysneyd,

 Uma dhiibin duudduub,

 Weli Dalawadaydii,

 Doobigeedi may dhimin,

 Dib-u-dhigasho mooyee,

 Wax is-doorshay may dhicin,

 Afartaa xan durugtiyo,

 Danni jira wax-sheeggii,”

 

Daalacan (Deelleeydii 2aad), Hadraawi, Muqdisho 11/12/1979kii,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale –cankaabo@hotmail.com,www.dharaaro.com

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland

Qormadii: 1aad

Ballaysinka Qormooyinka:

Bisinka iyo Yaasiinka…..Tabaaragga iyo Tiirka Bir ah: Alla-cuskashadii ayeeyooyinkeen.

Maah-maah Soomaaliyeed ayaa ahayd: “Hadal sokeeye iyo hilib Idaad labadaba waa la qaboojiyaa.” Afartan-bax iyo toddoba-bax ayaynu dhaqan iyo hiddaba u lahayn, sidaa darteed ayaan aniguna arrintan qoraalka u afartan-bixinayay, oo waa anigaa idiin soo qoray markii ay afartan buuxdaa ka soo wareegtay markii aan sida quruxda badan ee iimaanka qabtay xilkii u wareejiyay. Waxa suurto-gal ahaan lahayd haddii aan qoraalkan qori lahaa markii aan xilka wareejiyay maalmihii xigay in aan ku hadli lahaa waxyaabo badan oo aan milgahayga iyo maamuuskayga midnaba ahayn.

Waa sunnaha xil-qabashada, xil-qaadka iyo xil-ka-qaadka. Sunnahaas ayaa ina faraya in aynu sarriiganno, sarbeeb iyo sogordahba adeegsanno oo aynaan luuqda sare u dhig-dhiginn innaga oo aan gacmahana saydhayn. Waa sunnaha qaabka hadal-tebinta ee suubban Diin ahaan iyo dhaqan ahaanba. Waa sunnaha sar-gooya wada-jirkeena iyo wada-joogeenna. Waa sida uu sunnahaa Hadraawi inoogu sawiray, markii uu inoo marinayay maansadiisii caan-baxday ee “Sirta nolosha”. Waa sunnaha is-waansiga iyo is-waaceensiga beelaheenna wada yaal. Waa sunnaha isku haya wadarta iyo wadaagaha danta guud ku walaaloobay ee Somaliland wada yeeshay.

Sunnaha xilka meertada ka dhigay ayaa ina faraya in aynu raad ka reebno raranka iyo raxanraadka ragaadiyay qarankan raad-qaadka ah. Sunnaha ku-camal-falka awaamiirta madaxda ayaa ina faraya in aynu waayo-aragnimadeenna guntanno oo uga tagno da’-yarta. Sunnaha feejignaanta iyo sanqadh-tirashada ayaa ina faraya in aynu dhacdooyinka dhowranno si aynu dhawr iyo dhaawacba uga dheeraanno. Sunnaha gudbinta taariikhda is-waansiga iyo iska-war-haynta ayaa ina faraya in aynu is-weheshanno oo aynaan is-weetayn.

Sunnaha wada-tashiga iyo talo-wadaagga ayaa ina faraya in aynu hadalka u iilanno halkii aynu hub iyo hagardaamo uga iilan lahayn. Sunnaha isu-tanaasulka iyo isu-hannaynta ayaa ina faraya in aynu hadalka iyo hawraarta ku wada arrinsanno.

Nac iyo naxli midnaba ma aha. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo daarran maalmo koobnaa oo aan ka tirsanaa xukuumadda Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, oo aan u hayay xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Waa Qormooyin kooban oo aan isku barraxayo, idinkana idin ku war-gelinayo. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku caddaynayo in aanay Wasaaradda Warfaafintu Jin iyo Jaan midnaba ahayn, bal se aafadu dibadda kaga imanayso. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan kaga warramayo wixii aanu saddex bilood ku qabannay, annaga oo garba-duubnayn laba bilood oo danbe. Waa Qormooyin kooban oo taxane oo aan tusmo, talo iyo tilmaanba ku siinayo maamul war-tebinta iyo tilifoon-qaadkuba ku yar yahay. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan kaga hadlayo sababihii la igu maagay.

Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku abhinayo fidmo-walayaasha barriinsaday xarumaha xukuumadda ee u darban in ay wiiqaan hawlaha Qaranka. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan uga gol leeyahay nin dan lihi aanu guulaheenna guul-darrooyin inooga dhigin. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku difaacayo goob afartii bilood ee ugu danbeeyay aynu gelinnay adduun ku dhow ilaa laba milyan oo Doollar oo haddana la inaga dhaadhicinayo in Jin iyo Jaan barriinsadeen lagana furdaaminayo. Goob la inaga dhaadhicinayo in musuq-maasuq hadheeyay. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan digniin uga dhigayo inta daanka oo qudh ah la doogsin-cararta ee dalqada indhaha ku leh. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku barriijinayo deris-ku-noosha dal iyo dadba daashatay.  Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ugu dardaar-werinayo kooxaha dillaaliinta ah ee isu bahaystay in ay Qarankan curdin-dhadhiyaan iyaga oo dhandhamo, dhalanteed iyo dheecaan ay nuugaanba siisanaya.

(La soco…………..)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories