HomeMagacaabistaydii iyo Maagistaydii Laba Isku Lammaanaa “Boobe Yuusuf Ducaale - Qormadiisii 22aad

Magacaabistaydii iyo Maagistaydii Laba Isku Lammaanaa “Boobe Yuusuf Ducaale – Qormadiisii 22aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Guddidan Fulinta ayuu soo qaddimay mudane Guddoomiye Silaanyo maalintaas:

Tiro Xoghaynta Xoghayaha
1. Ciidammada Xoreynta Cabdisamad Xaaji Cabdillaahi
2. Maaliyadda Siciid Maxamed Nuur
3. Arrimaha Dibadda Axmed Maxamed Qayir
4. Diinta iyo Caddaaladda Cabdinaasir Sheekh Cali
5. Warfaafinta Xasan Ciise Jaamac
6. Maamulka Dhexe Xuseen Cali Xirsi
7. Abaabulka Daa’uud Kheyrre Kaahin
8. Arrimaha Bulshada Suldaan Shakiib Cabdilqaadir
9. Aagga Baarrey Maxamed Ibraahin Warsame
10. Aagga Mustaxiil …………………………………….

Guddoomiye, Siilaanyo, hadalkiisii gaabnaa wuxu ku soo af-jaray: “Haddii la yidhaa la noqo Guddida Fulinta, waa in aan dib u soo dhisaa.”

Sidii dhaqanku ururku ahaa, Kal-fadhigii ayaa la yar xidhay si dibadda loogu baxo oo afka la isu geliyo, loogana wada-tashado wixii laga yeeli lahaa cod-bixinta Guddida Fulinta. Waqti badan laguma qaadan wada-tashigii degdegna waxa loogu soo noqday qolkii shirka. Waa gelin danbe iyo xaruntii maamulka ee SNM ee Diridhabe.

Codkii ayaa la qaaday, waxaanay natiijadii noqotay:

Oggol: 14 cod,

Diiddan: 20 cod,

Aammus: 1 cod,

Waa 35 cod iyo Guddoomiyihii Kal-fadhiga oo aan codkiisii dhiiban oo tirada guud ka dhigaya 36 cod. Hadda Guddoomiye Siilaanyo codkiisa wuu dhiibtay oo, marka arrin Guddida Fulinta ku saabsan laga hadlayo xilka Shir-guddoonka wuxu ku wareejin jiray Guddoomiye-ku-xigeenka Kal-fadhiga oo had iyo jeer wuxu odhan jiray: “Waa arrin I khuseysa oo guddoomin maayee waan ka doodayaa.” Sidaa ayuu ku soo dhex fadhiisan jiray xubnaha Golaha Dhexe oo uu doodda iyo cod-bixintaba uga qayb- qaadan jiray.

Kal-fadhigii 1aad ee caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM sidaa ayuu ku diiday Guddidii Fulinta ee ugu horreysay ee uu soo dhisay Guddomiyuhu. Dhacdadani waxay bud-dhig u noqotay muranka riiq-dheeraaday ee SNM ku kala qaybsan tahay ilaa maanta. Sida codka loo kala bixiyay ayuu Golaha Dhexe u qaybsami doonaa taas oo aan abidkeed ka hadhin SNM.

Qaadan-waa iyo af-kala-qaad ayay ku noqotay Mujaahid Siilaanyo; in ay ku noqotona ma ay ahayn oo wuu garan karayay in aanu codka helayn, maxaa yeelay murankii badnaa ee Shirweynihii 5aad ka dhacayba waxa saldhig u ahaa xilal uu soo cel-celiyay oo murankaa saldhig u ahaa.

Cod-bixintii markii ay dhammaatay ayauu Siilaanyo soo booday oo yidhi: “Waxaan doonayaa in aan ogaado waxa lagu diidayo. In ay mid guud iyo mid gaar tahayba, anna dadka ayuun baan wax weydiinayee uur-ku-baalle ma ihi. Markaa in la ii sheego haddii aan reer ka tegay iyo…….”.

Xubno Golaha Dhexe ka tirsanaa ayaa hadalkii qaatay:

Maxamed Kaahin:

“Iyadoo Goluhu uu leeyahay in uu dib kuugu celiyo iyo in uu wada qaataba; waxa habboonaan lahayd in mid mid looga doodo oo ay ururka dantiisana tahay, haddana waa tii shalay Goluhu isku raacay”,

Maxamed Axmed (Dayib Gurey):

“Anigoo Kaahin la qaba, anna waxaan qabaa in aad adigu kelidaa soo dhisto, muddona ururka waad joogtay, waxaana laga yaabaa in aad fikradahaa badan ku jaho-wareerto.”

Muuse Biixi:

“Iyada oo Xoghayayaasha aad soo dhigtay kala badh ay kuwii hore yihiin, aniga oo is-leh kuwii hore tijaabada u galay hadday toosan yihiin kuwii hore inta kale way jiidan lahaayeen”.

Siciid Maxamed Nuur:

“In Goluhu shan nin oo shirku ku kalsoon yahay oo Guddoomiyaha la taliya ay saaraan”.

Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi):

“Mid looma jeedo oo ah in adiga luggooyo lagaaga dhigo cel-celinta. Markaa aniga waxay ila tahay in aad nin walba shan daqiiqo siiso si loo ogaado qof walba.”

Xasan Guure:

“Nin walba waraaq baa hor taal ee wuxuu diiddan yahay ha ku qoro.”

Siilaanyo:

“Anigoo la qaba tii shalay in duuduub loo qaato, haddana la igu diiday, markaa waxay I la tahay in Goluhu go’aan ka gaadho diidmadu intee bay soconaysaa?”

Midhkaa Siilaanyo xaq buu u lahaa, waayo xeer kama qornayn inta jeer ee lagu diidi karo Guddoomiyaha Guddi-fulineed oo uu soo dhigay.

Kal-fadhiyada Golaha Dhexe ee SNM had iyo jeer waxa jiri jirtay khalkhaliso ku gedfan oo inta badan xubnaha babbiso ayaa loo tuuri jiray. Inta badan cir-ka-soo dhac ma ay ahayne, farshaxan laga soo shaqeeyay ayay u badnayd. Had iyo jeer waxa loo iilan jiray hadallo kutiri kuteen ah oo ahaa: “waxa la yidhi”, “waxa la sheegay”, “waxa la isla dhex marayay”, “la lahaa” iyo wax la mid ah. Hadallo shaabbadaha wata ayaa taxliil looga dhigi jiray Kal-fadhiyada.

(La soco…………….)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories