HomeMagacaabistaydii iyo Maagistaydii Laba Isku Lammaanaa “Boobe Yuusuf Ducaale – Qormadii 29

Magacaabistaydii iyo Maagistaydii Laba Isku Lammaanaa “Boobe Yuusuf Ducaale – Qormadii 29

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
blank
Boobe Yuusuf Ducaale

Malaha waan idin daaliyayba. Kol haddii aan ka tirsanaan jiray Bulshada Rayidka ah, bal aan dhaqankeennii raaco oo idiin soo koobo ilaa immika inta Qormo ee aynu wadaagnay ama wada akhrinayba iyo mowduucyadii aan kaga hadlay (Recap).

Waxaan idiin ku bilaabay Qormooyinkan koobnaa ee taxanaha ahaa:

  1. Ballaysinka Qormooyinka oo ahaa arar iyo hordhacba. Waxa dhex-taal u ahaa ereyga Sunnahaiyo waa Qormooyin kooban oo taxane ah,
  2. Magacaabistaydiioo ku saabsanayd sidii xilka la iigu magacaabay. Labadaa qodob waxay igu qaateen saddex Qormo oo taxanahaygii koobnaa ah,
  3. Xil-gudashadaydii waxaan ku soo koobay Qormadii: 4aad oo keliya, waxaanan idiin guud-maray wixii noo qabsoomay iyo mashaariicdii markaa socotay ee aan dhammaan. Waxa qaybtan idiin ku ladhnaa Qorshahayagii Shan-sannadoodlaha ahaa oo aan ku wareejiyay maamulkii xilka iga tirsaday,
  4. Laga soo bilaabo Qormadii 5aad ilaa Qormadii 28aad waxaynu ku dhex jirnay Maagistaydiioo ahayd qaybta ugu dheereyd oo aan ku qaadaa-dhigay fal-xumadii iyo fool-xumooyinkii Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ka dhacay iyo saamaynta taban ee ay Madaxtooyadu ku leedahay habsami-u-socodka hawlaha Qaran, gaar ahaanna Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta,
  5. Waxa dhex-taal u ahaa Qormooyinkii 20aad ilaa 24aad oo aan kaga hadlayay Kal-fadhigii 1aad ee caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM ee ku qabsoomay Diri-dhabe bishii Maarj 1987kii oo aan uga dan lahaa:
  • Ururkii SNM waayihii uu ku sugnaa iyo sidii ay u dhaqmi jireen hay’adaheedii hoggaamintu gaar ahaan Golihii Dhexe oo wax badan ka fog kana duwan ururrada iyo Xisbiyada maanta jira oo aynu wax yar ka maqallo Shirweyne, Gole Dhexe iyo Guddi-fulineed oo shir loo qabtay,
  • In aynu daalacanno qaabkii hoggaamineed ee Madaxweynaheenna maanta, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo muddo shan sannadood iyo badh ah soo hoggaaminayay SNM,
  • Dhex-taallada kale ee aan soo qaatay ee SNM la xidhiidhay waxa ka mid ahaa xigashadii xikmadihii Danab Aadan Sheekh Maxamed (Shiine) iyo Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi. Xigashadooduna wax kale ma ay ahayn e’, hadalladii ay berigaa fogeyd ku hadleen ayaa maantana taagan oo sidoodii u nool. Danab Aadan-shiinewaxaynu ka soo qaadannay: “Halkan in aynu isku raalli gelinno u maynu iman. Waxa dhiig la og yahay ku daadanayo isku raalli-gelin meynno.” Waa runtii Shahiidka oo maantana xikmaddaa ma-guuraanka ahi waa ay taagan tahay oo waxa dhiig la og yahay ku soo daatay la isku raalli-gelin maayo. Laaxin laga jari maayo.
  • Damal Cabdilqaadir Koosaar-na waxaynu ka soo xigannay: “Marka aynu ka hadlaynno dimuqraadiyadda, dimuqraadiyaddu way wanaagsan tahay. Waa tan immika aynu ku wada fadhino ee aynu ku wada hadlaynno. Laakiin waxaynu maqallaa dad faro badan oo leh, dimuqraadiyadda ururku waxay ii oggoshahay mucaaridnimo ama in aan maamulka caarido. Een, taasoo kale micnaheedu waxa weeyaan in aanu qofkii ururnimadii aamminsanayne ee aamminsan yahay ama ka-aammin baxsan yahay maamulkii markaa taagnaa; oo uu maamulna odhanayo mucaarid baan ku ahoo dimuqraadiyaddii baa ii oogolaaatay midna waan oggolahayoo ururnimadii baa ii oggolaatay. Runtuna waxa weeye ma noqon karo qof SNM ku jiraa mucaarid isagoo SNM ka tirsan. Ma noqon karo.”Oo Damal Koosaar muxuu u jeedaa? Waxa laga yaabaa in aydaan sideeda u garan xigashadan Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi, ee bal hadda aan faah-faahin kooban ku samaynno. Hadda intaasi af-lagaaddaba ha igu ahaato e’. Nin Mujaahid ah oo tilifoon ii soo diray ayaa I xusuusiyay in aan dib ugu yara noqdo. Damal Shahiid Koosaar xigashadiisani  waxay daarran tahay marka aynu xaaladda maanta taagan ku eegno in aanu qofna hadba sida uu damco yeeli karin. Aan hoos u sii daaddego. Qof reer Somaliland ihi xukuumad markaa taagan inta uu ka soo hor jeesto, xukuumad waqti kale taagan oo labaduba Somaliland yihiin; ma odhan karo mid waan taageersanahay oo dimuqraadiyadda ayaa ii oggol, midna waan ka soo hor jeedaa oo isla dimuqraadiyaddii ayaa ii oggol. Qof Somaliland aamminsani ama ahi mucaarad kuma noqon karo Somaliland. Marka xaaladda maanta taagan lagu eego, waa sidaa, sida uu u jeedaa Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi.

Qormadaydii: 2aad, waxaan ku soo gunaanaday:

Waxaan jeclahay in aan halkan ku guud-maro: Sidii la igu magacaabay, xil-gudashadaydii, xil-ka-qaadistaydii iyo “Dharaarihii i soo maray”: 19/3/12ka ilaa 4/9/12ka. Waa garnaqsi.

Aniga oo sarriiganaya, aniga oo sanqadh-tiranaya, aniga oo aan sidaan wax u ogahay hadalka u saafayn, aniga oo aan laamaha saydhayn, aniga oo subeeciyad iyo sitaacba hadalka huwinaya, aniga oo aan cidna sadhaynayn, aniga oo aan qof sudhnayn ama saarnayn, aniga oo aan qof sidan ama aan u sad-burinayn, bal aan sadarradaa mariyo.

Waa digniin….Waa caroog…..Waa danab…..Waa garri…..Waa bigil…..Waa durbaan dareen sida oo digniin u ah inta dibindaabyada u darban ee Qarankan dalawga ka tuuraysa.”

Qormooyinkaygan taxanaha ahaa ee koobnaa anigu qofaf, kooxo iyo qolooyin ugama dan lahayn weligayna waxaasi iyo wax la mid ahi midkoodna hadaf iyo yool aan higsado ii ma noqon. Waxaan kaga hadlayay oo aan si naxli la’aan ah Qormooyinkaygan ku gorfeynayay arrimo iyo dhacdooyin (issues and events) shacbigan Somaliland saamayntooda ku leh oo sabab u ah dib-u-dhaca iyo hagaaska taagan ee aynu la hinqan la’ nahay.

(La soco……….)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories