HomeMagaca SNM Oo La Masaxo Waxa Laga Dhaxli Doona Midnimada Umadda Somaliland

Magaca SNM Oo La Masaxo Waxa Laga Dhaxli Doona Midnimada Umadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dabayaaqadii qarnigii tagay ee 20-aad waxa dalkii la odhan jiray Somalia ka dilaacay dhaqdhaqaaqyo hubaysan oo ay jabhado kala duwani hogaaminayaanoo ujeedadooda guud ahayd in xukunka laga tuuro kacaankii uu gadh-wadeenka ka ahaa(AHN) General Maxamed Siyaad Bare.

mudo kooban gudeheed bariga dalka Ethipiawaxa laga hirgaliyay fadhiisimo ay gabaadsadaanjabhaduhu oo aysiisay dowlada Ethiopia oo ugu talogashay in ay ku burburiyaan dowladii Soomaaliyeed ee u hogaamiyaha ka ahaaSiyaad Bare, oo ay Ethiopia u arkaysay cadowga ugu wayn ee ay gobolka ku leedahay.

Jabhadii dagaalka la galay dowladii Maxamed Siyaad Bare, waxa ka mid ahaa SSDF, SNM iyo USC, oo dhamaantood ku midaysnaa siidi xukunka looga tuuri lahaa maamulkii kali-taliska ahaa ee uu madaxda ka ahaa Siyaad Bare.

Sadexdan jabhadood in kasta oo mid kastaa dhinaceeda u sheeganaysay in ay xoraynayso dadka Soomaaliyeed oo dhamaystiran isla markaana ay u halgamayso sidii ay xukunka uga tuuri lahayd nimaadka jira ee milatarigu hogaamiyo, dalkana ay gaadhsiin doonto dowlad shacab ah oo madaxda la soo doorto, hadana waxay dhamaantoodsalka ku hayeen oo gundhig u ahaa qabiilo Soomaaliyeed oo kala duwan.

Jabhada USSDF, oo uu madax ka ahaa (AHN) madaxweynihii hore Somalia C/laahi Yusuf Axmed, waxa horboodayay qabiilka Majeerteen oo C/laahi Yusuf laftiisu ka soo jeeday,USSDF, goobaha ay ka dagaalamaysay waxay u badnaayeen aaga ku beegan gobolada hada loo yaqaan Puntland oo ah deegaanka beesha Majeerteen.

Jabhadii labaad ee hanaqaaday waxay ahayd SMN, oo ay dhiseen niman reer Somaliland ah ookasoo jeeda dhamaantood beesha Isaaq, laakiin sida ka muuqata magaca jabhada, ujeedadeedu ahayd in ay xoreyso dhamaan goboladii ay ka koobnayd Jamhuuriyadii Soomaaliyeed, waxana hogaanka u hayay mudadii ugu dheerayd madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud(Siilanyo), oo isna ka soo jeeda qabiilka Isaaq.

Ugu danbayn jabhadii USC, oo ka mid ahayd jabhadihii la diriraykacaankii Siyaad Bare waxa ay la mabda’ iyo muunad ahayd SSDF iyo SNM, waxana horjoogayaal ka ahaa ooay cudooda ku socotay dad ka soo jeeda beesha Hawiye.

Isku soo wada duub oo jabhadii kala duwanaa ee xukunka ka tuuray hogaamiyihii kali-taliska ahaaeeSiyaad Bare oo muddo21-ka sano ah gacanta ku hayay xukunka Jamhuuriyadii Soomaaliyeed, waxay jabkii iyo burburkiidowlada ka dibfadhiisomo ka dhigteen deegaanadii laga soo abaabulay ee ay dagaanka u ahaayeen beelihii kala hogaaminayay Jabhaduhu.

SSDF, waxay gacanta ku dhigtay gobolka Puntland, USC, waxay qabsatay gobolada koonfureed

oo ay caasimadu ku jirto, halka jabhadii SNM,ka qabsatay goboladii waqooyi (Somaliland).

SNM, markii ay dib u qabsatay qaybtii dalka kaga soo hagaagtay waxay markiiba wadahal la qaadatay beelihii soohdin-wadaagta la ahaa beeshi hor kacaysay SNM, waxana lagu guulaystay in shirwayn lagu kulmiyo beelo diriri ka dhaxaysay oo ku kala aragti duwanaa dagaalkii lala galay maamulkii Siyaad Bare.

horaantii sanadkii 1991-kii oo ku beegay taariikhdii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya, waxamagaalada Burco ee gobolka Togdheer ku shiray hogaan dhaqameedka dega dhulkii hore loo odhan jiray British SomalilandProtectorate iyo qaybo ka mid ah hogaankii sare ee jabhadii SMN.

Shirkii Burco, waxa ka soo baxay go’aan aan la filayn oo ahaa in lagu dhawaaqo in goboladii waqooyi ee Somalia ay ka go’aan Somalia inteeda kale, isla markaana loogu yeedho Jamhuuriyada Somaliland.

Markii Burco lagaga dhawaaqay Jamhuuriyada Somaliland waxa hogaanka dalka si ku meel gaadh ah loogu dhiibay gudoomiyihii xiligaa ee SNM C/raxmaan Axmed Cali (tuur) iyada oo loo asteeyay in uu dalka madaxweyne ka ahaado mudo laba sano ah.

Halkaana waxa ka curatay Jamhuuriyada Somaliland oo ilaa hada aan aqoonsi caalami ah ka helin wadamada Caalamka.

Maanta waxa 25-sano laga joogaa xiligii lagu dhawaaqay Somaliland, mudadii 25-ka sano ahayd ee la soo marayna waxu dalku soo maray maraaxil kala duwan ooxumo iyo samo labada laga dheehan karo.

Arimaha togan ee Somaliland lagu majeerto waxa ugu mudan nabad ka islaaxday Somaliland oo ay kaga duwanaatay Somalia inteeda.

Somailand waxa kale oo ay ku talaabsatay hirgelinta maamulka casriga ah iyada oo dalka laga sameeyaydoorashooyin qof iyo cod ah oo aan ka dhicin ilaa hada meel kale oo ka mid ah Jamhuuriyadii Soomaaliyeed.

Somaliland waxaysamaysatayCalan, Astaan iyo lacag u gaar ah sidoo kale waxa ay leedahay Passport gaar ah oo ay xadidanyihiin wadamada lagu tagi karaa dhamaan astaamahana waxay muujinayaan sida ay Somaliland uga duwantahay Somalia.

Hadadaba hadii shirkii Burco ee lagu sameeyay Somaliland, ay beeluhu ku heshiiyay in dib loola soo noqdo xoriyadii 26 june 1960-kii laga qaatay Ingiriiska ee maalmo ka dib ay ku midoobeen labadii Gobol ee Koonfur iyo Waqooyi, waxaan marnaba raali laga wada ahayn oo aan heshiis lagu ahaynisticmaalkamagaca jabhadii SNM, oo gaar u ahayd beesha Isaaq.

Murtida maqaalka:Somaliland si ay u sii jirto oo ay beelaha wada degaa uga midaysnaadaan lahaanshaheeda waxa lagamamaarmaan ah in la raadiyo xal guud ama wax dadka oo dhan midayn kara oo aan cidi gaar u yeelan sida calanka iyo lacagtaba aanay cidi gaar ugu lahayn, waa in laga fikiraa sifihii lagu heli lahaa wadaag guud oo dhex mara wiilka jooga Lowyacdo oo galbeedka Awdal ah iyo gabadha jooga Dhahar ooku taalbariga gobolka Sanaag.

 Gabogabo:Sida kaliya ee lagu heli karo midnimo guud oo dhex marta dadka ku dhaqan Somaliland waxay ka bilaabmaysaa iyada oo la iska ilaabo dhamaan waxa dib u xasuusin kara dadka taariikhihii qalafsanaa ee bulshada soomaray iyo dagaaladii sokeeye ee dadka kala irdheeyay.

Si Somaliland nabad ah loo helo waa in aan dadka muwaadiniinta ah la kala saraysiin ee ay yeeshaan xuquuq siman, sidoo kalena ay dheefta dalkana u qaybsadaan si cadaalad ah.

Si Somaliland xasiloon loo helo waa in si buuxda loo masaxaa taariikhaha aan la wadaagin iyo naanaysaha dadka kala fogeeya ee keeni kara in mar kale bulshadu isku dhacdo, waana in laga tanaasulaa xusaska loo sameeyo muwaadiniinta ku nafwaayay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ee loogu yeedho mujaahidiinta maadaama oo dadka oo dhami aanay u aqoonsanayn mujaahidiin.

Waa in laabta lagu hayaa in mujaahid kasta oo la sheego oo jooga Somaliland uu yahay mid ku mujaahiday ama magaca mujaahidnimo ku qaatay qof walaalkii ah oo Soomaali ah oouunaftiisa gooyaysababta kukaliftay in uu talaabadaa qaadaagar iyo gardaro miday doontoba ha noqotee.

Hadii aan ahay mujaahid hebel hebel oo ka soo jeeda gobolka Togdheer ama Maroodijeex darajada mujaahidnimo ee aan wataa ma farxad galinayso muwaadinka reer Somaliland ee jooga Awdal ama Sool.

Wiilka reer Awdal marka dib looga sheekeeyo taariikhdii dalka soo martay iyo dagaaladii sokeeyeee dalka kasoo dhacay waxa adeerkii ama edadii u sheegaan in ay dagaalo qadhaadh oo lagu le’day ay dhex mareen Beelaha dhexe ee Somaliland isla markaana lagu waayay hebel iyo helaayo oo qaraabo dhow la ahayd, markaa ninka Mujaahidka sheegta eeka tirsan beesha dhexeuu maqlo wiilka reer Awdal waxa uu xaq u leeyahay in uu u arko cadowgiisa koowaad in uu raali ka noqdo hadalkeed daaye mar kasta oo uu meel fagaare ah ka hadloMujaahid ku sheeguoo uu xuso wax ku saabsan dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay waxa damqanaya boog ku dhawayd in ay bogsatoooku taal wiilka reer Awdal.

Sidoo kale wiilka jooga deegaanka Buuhoodle ee gobolka Togdheermagaca SNM, waxa uu u yaqaan in uu yahay magac u gaar ah beesha Isaaq, oo isagu aanu ku jirin dhib iyo dheefmidkay doontaba ha lahaatee.

Marka aad joogto gobolada dhexe ee Somaliland, dhawaqa SNM, waa mid dhagaha dadka soo jiita oo ay u arkaan in uu yahay urur xaq u dirir ah oo sababtiisa iyo halgankii qadhaadhaa ee uu la soo galay dowladii kacaanka ay ku xorowday Somaliland.

Beesha dhexe ee Somaliland waxa la fudud in qof loogu yeedho naanaysta (Mujaahid) oo badanaa loo adeegsado dadka in uun ku luglahaa dagaaladii ay SNM, ku xoraysay Somaliland, qof kastaana waxa uu kuu sheegayaa in ugu yaraan ruux qoyskiisa ka tirsani uu ku naf waayay oo uu sahayday dagaalkii qadhaadhaa ee lala galay Xukunkii qalafsanaa ee Siyaad Bare.

Waa run oo si loo helo xoriyad taam ah waxa loo waayay nafo badan oo karaamo iyo qiimo ku lahaa bulshada, laakiin maanta lama joogo maalintii qadhaadhayd ee waxa la joogo maalin ka

duwan waxana muhiim in la raadiyo wax dadka wada raali galiya, oo laga dhadhansan karo wadaniyad iyo cadaalad, si ay mudooyinka soo socda u midowdo aragtida dadka reer Somaliland.

Kala duwanaanshaha shacbi ee Somaliland ka jira si loo mideeyo waxa muhiib ah in gabi ahaanba xidida loo siibo oolamasaxo magacoodana la ilaawo jabhadihii ka soo dagaalamay dalka oo ay ugu horeyso SNM, isla markaana dadkii ka tirsanaa ururka aan loogu yeedhin mujaahidiin si loo dhowro quluubta iyo wada jirka dalka.

Waain aan mudnaan la kala siin muwaadinka dagaalka sokeeyegalay ee ku kala nool gobolada Awdal iyo Maroodijeex ama Sool iyo Togdheer.

Hadii muwaadinka reer Somaliland ee kasoo jeeda gobolada dhexe kana mid ahaa SNM, loogu yeedho mujaahid maxaa diiday in muwaadinka reer Somaliland ku nool gobolka Awdal isna loogu yeedho Mujaahid.

Inta cadaalad daro kursi iyo mid karaamo ay ka jirto Somaliland, waxa hubaal ah in aan la arki doonin midnimo loo dhanyahay oo ka hana qaada gayiga oo dhan, waxana xaqiiqo ah in dadka Somaliland wada degaa aanay xiligan ka midaysnayn in lagu sii jiro xaaladii lagu jiray 25-kii sano ee lasoo dhaafay, marka aad sababta hoos ugu daadagtana waxa kuu cadaanaysa in dadkii la kala sareysiiay oo qaarna darajo loo yeelay qolana laga dhigay (second Citizen) ama muwaadinka darajada labaad.

Ceeb waxa inoogu filan in dad wada dhashay la kala saaro oo qolo la siiyo xuquuqda dalka oo dhan qolada kalena laga dhigo muwaadinka labaad (second Citizen), iyada oo si muuqata loo kala badsanayo awooda dowladnimo, sababo la xidhiidha oo salka ku haya ururkii xoriyad doonka ahaa ee SNM iyo qiyaaso aan la aqoon cida jaangoysay oo lagu saleeyo in Beeluhu kala badan yihiin.

Ugudanbayn si loo helo dal iyo dad midaysan waa in la kala doortaa magaca Jabhadii SNM, iyo magaca Jamhuuriyada Somaliland, hadii laga tanaasuli waayo magaca SNM, oo wali dad ku sii dhololaan hadalhayntiisa iyo karaamayntiisa ha ogaadaan waxay fogeeyeen midnimadii dalka Somaliland, wadajirkii dadka waxanay god madow ku ridayaan aqoonsiga laga doonayo Somalia iyo beesha caalamka oo wadajira.

Ha ogaado qofka magaca SNM, ku faanayaa in uu cadho galinayo muwaadin kale oo walaalkii ah oo jooga gobol kale oo Somaliland, ka mid ah,Hana laga waantoobo in Mujaahid qof loogu yeedho iyada oo aan la garanayn cida uu ku shahaado qaatay iyo ayaada cadaysaymujaahidnimadiisamidna.

dareena aan u yeelano dhibta ka dhalan karta laba muwaadin oo dagaal qabiil fooda isku daray in midna la darajeeyo oo loogu yeedho Mujaahid, ka kalana magaciisa la xusi waayo ceeb iyo colaad wax aan ahayn oo laga dhaxli doonaa ma jirto.

Qalinkii Maxamed Cumar Jibriil

Mx7lee@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories