HomeMagaca Shirkadda ku guulaystay Dhismaha Xabsiga Cusub ee Hargeysa oo la shaaciyey

Magaca Shirkadda ku guulaystay Dhismaha Xabsiga Cusub ee Hargeysa oo la shaaciyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey shirkadda ku guulaysatay fulinta mashruuc cusub oo xukuumadda Somaliland ka hirgelinayso magaalada Hargeysa, kaas oo guddigu hore u naadiyeen qandaraaskiisa oo lagu tartamay.

Mashruuca tartankan qandaraaskiisa la shaaciyey ayaa ah Dhismaha Xabsi Cusub oo laga hirgelinayo magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaana ku tartamay 21 Shirkadood oo ka mid ah Shirkadaha Dhismaha ee dalka.

blankKulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyda Qaranka oo lagu shaaciyey natiijada ka soo baxday tartanka loo galay Qandaraaska mashruucan, waxa goob-joog ka ahaa Xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Shirkadaha Tartanka ka qayb-galay iyo Saraakiil ka socday Taliska Ciidanka Asluubta ee Somaliland oo ah hay’adda mashruuca loo fulinayo.

Ugu horeyn, waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo sheegay in fulinta mashruuca Xabsiga Cusub ee Hargeysa  ay ku guulaysatay Shirkadda Aflax Construction Company oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn xagga dhismaha ee dalka.

“Waxaad naga sugayseen go’aankii kama-dambaysta ahaa ee shirkadda ku guulaysatay dhismaha jeelka cusub ee ay Hargeysa yeelan doonto. Waxa ku soo tartamay 21 shirkadood, waxa ku guulaystay Aflax Construction Company. Shirkadaha kale waxaan u rejaynaynaa nasiib wanaagsan. AFLAX waxay guddigu kula dar-daarmaysaa oo ay faraysaa inay qaranka u dhisto xabsi tayo leh,” Sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta ee Somaliland oo Guddiga Qandaraasyada ku bogaadiyey nidaamka daah-furan ee ay Qandaraaska mashruuca u soo bandhigeen.

“Waxaanu uga mahad-celinaynaa guddiga qandaraasyada qaabkii wanaagsanaa ee daah-furnaanta lahaa ee aanu goob-joogga iyo markhaatiga u nahay siday u agaasimeen hawshoodii qaranku u xil-saaray,” sidaas ayuu yidhi Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland.

Muuse Faarax Jaambiir oo ka mid ah xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa kulanka ka jeediyey kalmado isugu jira dhiirri-gelin uu u jeediyey shirkadaha tartanka ku hadhay iyo dar-daaran oo uu faray shirkadda qandaraaska ku guulaysatay.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories