HomeMagaca Marxuum Jaadle ahaan jiray oo Askari ka tirsan Ciidanka Qaranku caawa...

Magaca Marxuum Jaadle ahaan jiray oo Askari ka tirsan Ciidanka Qaranku caawa ku toogtay Duleedka magaalada Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Abbaaro 12:00 Caawa saacadda Geeska Afrika waxa kaantaroolka Woqooyi ee magaalada Laascaanood lagu dilay Marxuum la socday gaadhi Jaad siday oo ku sii jeeday dhinaca deegaamada maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

news1Askari la sheegay inuu ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan Kaantaroolka laga galo Magaalada Laascaanood, ayaa ka dambeeyey dilka Marxuumka, ka dib markii sida la sheegay uu rasaas ku furay gaadhiga Jaadka Siday oo noociisu ahaa kuwa Waaweyn eee Waaraadka loo yaqaano, taas oo sababtay dhimashada Ninka oo oo magaciisa la odhan jiray Jaamac Galbeedi.

Rasaasta Askarigu riday, ayaa timi ka dib markii sida la sheegay ay is-af-dhaafeen Jaadleyaasha iyo Ciidanka Istabta ku sugnaa ee askariga wax dilay ka tirsanaa, sida ay sheegeen goob-joogeyaal la hadlay shabakadda  Gobonimonews oo aanu warkan ka soo xigannay.

Ismaan-dhaafka ayaan la ogayn waxa uu ka dhashay laakiinse goob-joogeyaashu waxay intaas ku darayaan inuu salka ku hayay macaamiil ka dhexeeyay oo laysku fahmi waayay.

Balse waxa goob-joogeyaal kala duwani sheegeen inuu askarigu rasaasta ku furay, kaddib markii Dawaralka gaadhiga waday uu isku dayay inuu boobo Askarta ama khasab ku dhaafo kaantaroolka.

Warku waxa uu intaas ku daray in ciidanka ammaanka ee goobta ku sugnaa ay isla markiiba gacanta ku dhigeen Askariga Dilka geystay, iyagoo xabsiga u taxaabay.

Sidoo kale Ninka dhintay oo isla goobtii naftu kaga baxday, ayaa siday goob-joogeyaashu sheegeen waxa loo qaaday cusbitaalka Guud ee magaalada Laascaanood.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Laamaha dawladda ee Ammaanka iyo Maamulka Gobolka oo la xidhiidha dhacdadan, hase ahaatee Taliyaha qaybta Bilayska iyo Masuuliyiin kale oo dawlada ah ayaa Booqday Cisbitaalka Maydku yaalo, waxaana xubno ka mida laga soo xigtay in falkan baadhis lagu samayn doono.

Askari wax dilay iyo Marxuumka gacantiisa ku baxay ayaa labaduba dhalasho ahaan ka soo jeedaan deegaanka magaalada Laascaanood.

Marxuum Jaamac Galbeedi ayaa ka mid ahaan jiray Jaadleyaashii hore Reer Laascaanood, aadna looga yaqaanay Gobollada bariga, waxaanu muddooyinkii u dambeeyey ka shaqayn jiray shirkadaha ka ganacsata Jaadka ee badeecadahooda isaga tallaabaan Xuduudaha dhulka Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories