HomeMagaca Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka oo lagu dilay Deegaanka Saaxdheer ee...

Magaca Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka oo lagu dilay Deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Askari ka tirsan Ciidamada Qaranka ee fadhiisan ku leh magaalada Saaxdheer ee gobolka Sool, ayaa Isniintii shalay toogasho lagu dilay gudaha magaaladaas, ka dib markii dablay ka tirsan kooxda Nabad-diidka ee la baxday Khaatumo ay ku toogteen duleedka Bari ee magaalada.

Alle ha u naxariistee Askariga la dilay oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Liji, ayaa ka tirsanaa guuto Ciidanka Qaranka oo dhowaan fadhiisin ka samaystay duleedka magaalada Saaxdheer ka dib markii magaaladaas laga saaray Kooxda uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galeydh dabayaaqada bishii siddeedaad ee sannadkdan, wakhtigaas oo munaasibad Caleemo-saar ah loogu samaynayey Prof Galaydh oo kooxdaasi u dooratay Madaxweyne.

saaxdheerAskariga toogashada lagu dilay oo ka tagay fadhiisin ciidanku ku leeyahay duleedka magaalada, ayaa la sheegay inay kooxda dableyda ahi dhexda u galeen wakhti uu ka soo laabtay magaalada oo uu muraadsi u tagay, isla markaana ay halkaas ku toogteen.

Sida ay tibaaxeen wararka aanu ka helayno deegaankaas ee dhacdadan la xidhiidha, waxa isla markiiba gudaha magaalada Galaydh cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka oo lagu war-geliyey weerarka kooxdani ku qaadday magaalada, waxaanay isla markiiba baaxsadeen oo magaalada ka saareen kooxda Shuftada ahayd ee magaalada weerarka ku soo qaadday, waxaanay goobtii ugu tageen Meydka Askariga ka tirsanaa Ciidanka Qaranka.
Warku waxa uu intaas ku daray in dagaal dhexmaray kooxda Dableyda oo ay ka daba-tageen, lama garanayo khaaare ka dhashay is-rasaasayn xooggan oo muddo saacado ah ka socotay dhinaca Koonfureed ee magaalada.

Ilaa immika taliska ciidanka Qaranku kama hadal dhacdadan, haseyeeshee deegaanka Saaxdheer waxa tiraba dhowr jeer dagaal ku dhexmaray ciidanka Qaranka iyo malleeshiyaadka la baxay Khaatumo ee uu hoggaamiyo Prof Cali Khaliif Galeydh oo marti ku ah gudaha xuduudka dalkaasi Itoobiya, ka hor intii aan magaaladaas laga saarin isaga iyo malleeshiyaad uu watay.

Dagaalkii u dambeeyey ee deegaankaas ku dhexmara Ciidanka Qaranka iyo Malleeshiyaadka, ayaa sababay khasaare dhaawac iyo dhimasho isugu jirta oo kala gaadhay labada dhinac, waxaana ciidanka Qaranka dagaalkaas kaga dhaawacmay laba Askari, halka dhinaca kale la gaadhsiiyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories