HomeMagaalo Taariikhi ah oo gacanta u gashay Jabhadda Taureg ee dalka Mali...

Magaalo Taariikhi ah oo gacanta u gashay Jabhadda Taureg ee dalka Mali iyo Horumarka lama-filaanka ah ee Weerraradooda + [SAWIRRO]

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Bamako, 01 April, 2012 (SLpost)- Jabhadda mucaaradka ah ee la dagaalamaysa xukuumadda dalka Mali la wareegay magaaladii ugu dambaysay gacanta dawladda ka dib markii la wareegeen meelihii ugu muhiimsanaa ee dalkaas.

Jabhaddan oo loo yaqaano Taureg isla markaana ah Reer Guuraa Muslimiin ah oo u dagaalamaya inay ka goostaan dalka intii kale, waxay todobaaddadii ugu dambeeyey dagaal dhiig badan ku daatay la galeen ciidamada dawladda oo haatan u muuqda qaar la jabiyey.

blank
MAGAALADA TAARIIKHIGA AH EE TIMBUKTU

Dad ku nool magaalada Timbuktu ayaa xaqiijiyey inay maqleen dhawaaqa rasaasta iyo qaraxyo, markii dambena ay arkeen askarta jabhadda oo si weyn u hubaysan, lana rumaysan yahay inuu gacanta u galay badi hubkii dalka Liibiya.

Jabhadda Tuareg ayaa tallaabadan uga faa’idaysanaya qalalaasaha ku xeeran Af-gembigii milatari ee dalka Mali ka dhacay todobaad ka hor, kaas oo saraakiil darajooyin dhexe ka ah Milatariga dalkaas ay xukunka ka tuuraan madaxweyne Amadou Toure.

blank
SARAAKIISHA AF-GEMBIYEY DAWLADDII DALKAAS

Jabhaddan Muslimiinta ah oo hore u soo qabsaday magaalooyin waaweyn oo Woqooyiga ku yaala, waxay hadda gacanta ku hayaan gobolka ku yaala lamadegaanka Sahara intiisa badan. Dhan kale, dadka ka qaxaya duullaankooda ayaa sheegay in jabhaddu ay ka dalbatay shacabka magaalooyinka ay qabsadaan in sawirrada Haweenka aan xijaabneyn lagu arki karin meelaha dadweynuhu isugu yimaaddo.

Magaalada ay hadda ku hareeraysan yihiin ee Timbuktu oo hore u ahayd xuddunta ganacsiga, kuna caan baxday in loo soo doonan jiray cilmiga Islaamka, waxa ku nool dad tiradooda lagu qiyaasay 50,000

Degenaansho-la’aanta wakhtigan ka jirta dalka saddexaad ee Afrika ugu badan dhoofinta Dahabka, waxa sabab u ah isla markaana dabka ku sii huriyey hubkii dalka Liibiya oo gacanta u galay shacab dalka gaar ahaan dadka reer guuraaga ah ee ku teedsan xuduudda dalalka Liibiya la-jaarka tahay.

Dhanka kale, Saraakiisha Milatari ee ka dambeeyey Af-gembiga todobaadkii hore, waxay dawladda ku eedeeyey inay ciidamada siin-weyday Saanad iyo taageero ku filan inay kula dagaalamaan mucaaradka. Haseyeeshee, af-gembigaasi wuxuu isu-beddelay qorshe la damacsanaa oo hadafkiisa la gaadhay, taas oo jabhadda mucaaradka ah ku kelliftay inay sii ballaadhiyaan meelaha ay qabsanayaan ee dalkaas ku yaala.

Madaxweynaha dalka Mali Amadou Toumani Toure oo tobankii sanno ee xukunkiisa xaaladda dalkaas deggenaansho ku soo dabbaalay, balse dhanka kale walaac badan laga muujiyey siyaasaddiisa ku aaddaneyd iska indho-tirka musuq-maasuq si weyn u baahay, ayaa waxa hadda la sheegayaa inuu ku nool yahay meel nabdoon balse aan la magacaabin oo Gudaha dalka Mali ka tirsan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories