HomeMagaalo Maraykanka ka tirsan oo Markii u horeysay Dhawaqa Eedaanka Salaadaha bannaanka...

Magaalo Maraykanka ka tirsan oo Markii u horeysay Dhawaqa Eedaanka Salaadaha bannaanka laga Maqlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa markii u horeysay laga si toos ah looga Maqlay Eedaanka Salaadda, kaddib markii maamulka magaaladaasi oggolaadaan codsi ay u gudbiyeen Muslimiinta ku dhaqan magaaladaasi.

blank
Masjidka Dar Al-Hijra, Cedar-Riverside/Minneapolis – XUQUUQDA SAWIRKA/Abdisalem Adam

Muslimiinta ku dhaqan magaalada oo ay Soomaalidu ku jirto ayaa maamulka Minneapolis u gudbiyey codsi ay ku dalbadanayaan in Dhawaaqa Eedaanka Salaadaha oo markii hore gudaha Masaajiddada uun laga maqli jiray, hadda wixii ka dambeeyey lagu baahin doono Sameecado ku rakiban Dusha sare ee Masaajidka inta lagu gudo jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan maadaama la xaddiday isu-socodka dadka, masaajiddadana aan layskugu iman karin Xaaladda Bandooga ee halista Caabuqa Coronavirus awgeed.

Dhawaqii u horeeyey Eedaanka Salaadda, ayaa laga maqlay xaafada Riverside iyo nawaaxigeeda Salaaddii Maqrib ee maalinimadii Khamiista xilli ay Muslimiintu Isu-diyaarinayaan Curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Mar Labaad ayaa Dhawaaqa Eedaanka laga Maqlay Salaaddii Subax ee Jimcihii maanta, halka sidoo kale Salaaddii Jimce ee maantana la maqlay Eedaanka, waxaanay maamulka Masaajidku sheegeen inay sidaa ku wadayaan Shanta Salaadood maalin kasta inta lagu gudo-jiro Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Masaajiddada magaalada Minneapolis waxa ka mid ah Masaajid ku yaalla Xaafadda Riverside oo ay ku badan yihiin Soomaalida ku dhaqan magaaladaas, waxaana arrintan warbixin ka diyaariyey Suxufi ka tirsan telefishanka HCTV oo booqday goobta Masaajidku ku yaallo, xog-waraysina la yeeshay Culimada iyo maamulka Masaajidka oo lagu magacaabo Dar Al-Hijra oo ku yaala xaafadda Cedar-Riverside ee magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Muuqaalka Hoose ka daawo Warbixinta

https://www.youtube.com/watch?v=SWTPf0Xh21Y

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories