HomeMagaaladii Dhaqan Xumada Ee La Halligay 19 Qarni Ka Hor, Raadadka Weli...

Magaaladii Dhaqan Xumada Ee La Halligay 19 Qarni Ka Hor, Raadadka Weli Ka Nool Iyo Ficilladii Dadkeedu Samayn Jireen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Roma (SLpost)- Dalka Talyaaniga waxaa ku taalla magaalo lagu magacaabo Pompeii oo in badan oo warbaahinta dunida ka mid ahi ku naanaysto magaaladii Dhaqan xumada (Faaxishada). Magaaladani waxa ay ku taallaa oogada sare ee buur uu dhererkeedu gaadhayo illaa 1200 oo mitir. Waxaana la aaminsan yahay in ay ku noolaan jireen dad ka badan 20 kun oo qof, oo u badnaa ganacsato aad u ladan, laakiin ay dhammaantood ku dhinteen qarax Fulkaane oo dhagaxii, holacii, dambaskii iyo burburkii ka dhashay uu daboolay magaalada oo dhan, dadkiina ka dhigay wax dabka holcayey, iyo dhagxaanta waaweyn ee soo daatay ay burburiyeen iyo dad gaasti macdanaha Folkaanaha weheliyaa ay dishay ama ku neef qabatoobay uurada iyo boodhka ka dhashay oo iyaga maydadkoodii inta uu dahaadh ku noqday boodhka iyo sibidhku u ekeysiiyey dhagaxaan qaabka qofka loo qoray, illaa maantana dhex yaalla magaalada burburkeeda iyo goobo lagu ururiyey.

Sannadkii 79kii Dhalashadii Ciise kadib oo ku dhowaad 5 Qarni (492 sano) ka horreysay dhalashadii Nebi Muxammed (SCW) ayaa uu Fulkaanahani ku dhacay dadkan magaaladan ku dhaqnaa oo marka la arkay qaabka ay u yaallaan maydadku ay  khubarada hidde-raaca iyo aataartu kala soo baxeen fikir ah in uu ruux kastaa naf-xarbigii dhimashada ka horreeyey uu ku dadaalay in uu noolaado, xarakaad jidheed oo uu ku raadinayo badbaadana sameeyey, sida in uu ordo ama iska dul qaado uurada iyo burburka, laakiin aanay waxba u tarin, maadaama oo dhan walba magaalada iyo gudaheedaba ay kaga yimaaddeen buuro dab holcaya ahi, xitaa dhinaca baddu ay ka xigtay.

Magaalada Pompeii waxa hadda laug tiriyaa in ay tahay goobaha dalxiiska loo tago ee ugu muhiimsan uguna dadka badan dunida oo dhan, gaar ahaan qaaradda Yurub, dad aad u tiro badan oo dalxiiseyaal ah ayaa isaga yimaadda daafaha dunida si ay indhahooda ugu soo arkaan waxa ku dhacay magaalada Pompeii iyo sidoo kale ficillada iyo dhaqannada illaa hadda laga arkayo maydadka ee ay tuulahani samayn jirtay.

Waxaa xusid mudan in sida taariikhda ku cad, hadhaadiga tuulahan iyo maydadkana laga fahmi karo in dadka tuulahan deggeni ay baraysteen dhaqanno fool xun oo sinadu ugu horreyso, iyada oo illaa maanta la arkayo maydadka rag iyo dumar, rag iyo carruur, rag iyo dad isku jinsi ah oo shaaracyada magaalada Alle rogay uu maydkoodu ku qallafay iyaga oo ku gudo jira ficilladii sinada iyo anshax xumada ahaa. Sidoo kale waxa ay taariikhyahannada qaar xusaan in magaaladani ay caan ku ahayd ka ganacsiga jidhka.

xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories