HomeMagaalada MAKKAH oo yeelanaysa Hoteelka ugu weyn Adduunka iyo Xaddiga Lacagta ku...

Magaalada MAKKAH oo yeelanaysa Hoteelka ugu weyn Adduunka iyo Xaddiga Lacagta ku baxaysa (DAAWO SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Makkah (SLpost)- Dowladda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa daboolka ka qaadday Qorshe magaalada barakaysan ee Makkah ay kaga hirgelinayso Hoteelka ugu weyn adduunka, kaas oo loogu talo-galay inuu hoy u noqdo Muslimiinta Adduunka ee soo gudanaya Waajibka Xajka.

Hoteelka oo magaciisa lagu sheegay Abraj Kudai, waxa laga dhisayaa Meel ku dhow Masaajidka Xaramka, waxaana la qorsheeyey inuu noqdo 12 Sarood oo layska bar-bar dhisay, balse dhisme kaliya isku ah, iyadoo Sar kastaaba ka kooban tahay 44 Dabaq oo isa saaran, waxaanay guud ahaan tirada Qolalka uu ka kooban yahay Hotelku noqonayaan 10,000 (Toban Kun) oo Makhsin.

HOTEL
NAQSHADDA HOTEELKA – 1

Dhismaha Hoteelkan oo hadda socda, ayaa ku fadhiisanaya dhul baaxaddiisu dhantahay 4.6 Milyan oo Fuudh, waxaana la filayaa in la dhammeystiro horraanta sannadka 2017, sida ay sheegtay shirkadda gacanta ku haysa dhismihii lagu magacaabo Dar Al Handasah, taas oo laga leeyahay dalka Sucuudiga.

Hoteelkan Cusub oo la qorsheeyey in xadhigga laga jaro sannad iyo badh kaddib, ayaa la filayaa inuu meesha ka saaro cidhiidhiga xagga Hotellada xilliyada ay Muslimiinta Waajibaadka Xajka u tagaan Magaalada Makkah oo sannadka kasta ay booqdaan muslimiin tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 15 Milyan.

NAQSHADDA HOTEELKA - 2
NAQSHADDA HOTEELKA – 2

 

Mashruuca dhismaha Hoteelka oo la sheegay inay ku baxay Lacag ka badan 3.5 Bilyan oo Dollar, ayaa loogu talo-galay in laga sameeyo 70 Maqaaxiyaha laga cunteeyo, Meherado ganacsi iyo dhammaan adeegyada kala duwan ee Dadka Xujaajta ahi u baahan yihiin.

Abraj Kudai, ayaa marka laga dhammeystiro noqon doona hoteelka ugu weyn adduunka, waxaanu kaalinta koowaad kala wareegi doonaa hoteelka ugu weyn adduunka wakhtigan oo lagu magacaabo Venetian and The Palazzo oo ku yaala magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka, kaas oo ka kooban 36 Dabaq iyo 4,059 Qolalka Caadiga ah iyo 4,049 Qol oo ah nooca isugu jira Fadhiga iyo Hurdada.

Venetian and The Palazzo - Hoteelka wakhtigan ugu weyn adduunka
Venetian and The Palazzo – Hoteelka wakhtigan ugu weyn adduunka
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories