HomeMagaalada Hargeysa oo mar kale yeelanaysa Ishaarooyinka Gaadiidka kala Haga iyo Qorsheyaal...

Magaalada Hargeysa oo mar kale yeelanaysa Ishaarooyinka Gaadiidka kala Haga iyo Qorsheyaal Cusub oo la hirgelinayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Maayarka Caasimadda Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa shaaca ka qaaday in bishan gudaheeda Lix Is-goys oo ka mid ah jidadka caasimadda Somaliland lagu samayn doono Ishaarooyinka Kala haga baabuurta, isla markaana jidadka hareerahooda la dhigi doono Sanduuqyo waaweyn oo lagu guro qashinka fudud iyo caagadaha sharaabka laga dhammeysto.

Ishaarooyinka Baabuurta kala haga ayaa markii u horeysay magaalada Hargeysa jidadkeeda lagu sameeyey sannadkii 2002 wakhtigaas oo uu maayarka caasimadda ahaa Cawl Cilmi Cabdalle oo ugu dambeeyey Maayaradii uu madaxweynuhu magacaabi jiray ka hor intii aan la hirgelin nidaamka xisbiyada Badan ee Dawladaha Hoose ee dalka si toos ah ay shacabku u soo doortaan. Haseyeeshee, waxa ay ishaarooyinkaasi burbureen intii ay xilka hayeen golihii deegaanka ee la doortay sannadkii 2002-dii oo xilka hayey muddo toban sanno ah, muddadaas oo daryeel la’aan u burbureen Ishaarooyinka oo ku lagu rakibay is-goysyada waaweyn ee caasimadda.

SAMSUNG CSCMaayarka caasimaddu waxa kale oo uu sheegay in dhinaca Galbeedka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa laga hirgelin doono Barxadii u horeysay ee baabuurta la dhigto oo kiro ah, kaas oo noqon doono baarkinka baabuurta la dhigan doono oo qiimo jaban laga qaadi doonno.

Maayarku waxa uu sidan ka sheegay mar uu maanta kormeer ku samaynayey mashaariic dawladda ka hirgelisay caasimadda, ayaa ugu horeyn waxa ka hadlay xarun laga dhisayo xaafadaha u dhow Jeelka weyn ee Hargeysa oo laga hirgaliyey dhismayaal iskugu jira Maktabad, hoolal xaafaduhu ku shiraan iyo garoon kubadda cagta oo xaafaddu yeelan doonto, waxa uu yidhi, “Waxaanu maanta joogna xarun loo dhisayo xaafaddan (EX-Xero-Dhifta goobtii caanaha lagu iibin jira ee Agagaarka dugsiga Sheekh Baraawe) oo ka kooban Laabareeri Buugaag ah iyo mid (Internetka laga daalacdo), hool ay dadka xaafaddu ku kulmaan kuna shiraan, garoonkii kubadda cagta oo aanu ka wada shaqayn doonno Hay’adda UNHCR, halkan aynu maanta joogno dad badan ayaa buuq iyo sawaxan ka sameeyey oo yidhi cid kale la siinayey dhulka maalintaasi warbaahintu way joogta maanta way idinka arkaya in dhismayaal xaafadu leedahay loo dhisayo maalinta la dhamaystiro ee qalabkiisa loo dhamaystira waad arki doonta, marka dadkii waxas lahaa iyaga isku khajili doona ee anaga waxa noo ballan ah in aanu waxqabad la nimaadno.”

SAMSUNG CSCMaayar Soltelko oo ka hayey inshaarooyinka laga hirgelinayo caasimadda, waxa uu yidhi, “Waxa kale oo iyaguna jira mashaariic saddexda bilood ee sanadkan cusub la qabanayo oo ay ka mid yihiin Ishaarooyinkii laydhka ee gaadiidka kala hagayayey kaas oo lagu xidhi doonno lix isgoys oo kala ah isgoyska madaxtooyada, Isgoyska Telesom, isgoyska Idaacadda, Isgoyska Total, Isgoyska Xero Awr, iyo Isgoyska Saldhigga News Hargeysa, waxa kale oo aanu waddooyinka hareeraheedda dhigi doonnaa Caagagii la dhigayey waddooyinka ee Qashinka iyo Cagadaha Sharaabka la iskaga ridi doonno marka uu qofku wadadda marayo, waxa samayn doonaa waddooyin oo hadda gacanta ku hayno, laba waddo oo laga hirgalin doonno Gacan=libaax, Dhaanka Daami mid dusha ka marta, Sayladda Xoolaha oo hal kilo mitir ah, xaafadda Siinay oo hal kilo Mitir laga samayin doono,Sacaadiin jigjiga yar oo haaf killo mitir ah intaasina waa wadooyinka aan saddexdan Bilood ka shaqyan doono iyada oo aanu dhinac wadi doono marmarkii ay dadku dhigayeen meheradooda horteedda oo aanu u qaybinay dhawr shirgadood si aanay hawshu u qabsoomin mar wada bilaabi doonna.”

Dhinaca kale, waxa uu Maayirku Booqday Goobo lagu wado in laga dhigo Baarkin ay baabuurtu istaagaan oo lacag yar laga qaadi doona, waxaanu yidh“ halkan waxa ka socota shaqo waxaanu ugu talo galnay in ay noqto halka aanu ku bilaabayno baarkinkii oo lacag ah, waan halka koowaad ee immika laga bilaabayo marka la dhamays tirto waa Cusbitaalka Qaybtiisa Galbeed Gaadiidka U socda Madaxtooyada iyo Baarlamanka Kuli Halkan ayaa wada dhigan doonaan halkaasna waxa ay noqon doontaa meel ka mamnuuc ah in gawaadhida la dhigo, dadkan waa laga kireyn doonnaa qiimo macquulha oo jaban ayaa lagaga kireyn doonnaa”.

Geba-gabadii waxa uu maayirku baaq kala duwan u diray ganacsatada, waxaanu yidhi, “Waxaan ganacsatada u dirayaa baaq ah in meherad walba horteeda oo aanu u xilsaaray in shirkadaha marmarka wadaa ay dhigaan in ay shirkadaha gacan siiyaan wixii yar ee dhaqaale ahna ay iska bixiyaan iyadoo sakad sakad loo wadi doono shirkadahan waxa aanu u qaybinay saddex shirkadood oo kafayn doona,” ayuu yidhi Maayarku

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories