HomeMagaalada Hargeysa & Milicsigii Maalmahan: Dirirtaas Ba’an Waxaa Ka Dambeeyey Yaabanaha SOMTEL

Magaalada Hargeysa & Milicsigii Maalmahan: Dirirtaas Ba’an Waxaa Ka Dambeeyey Yaabanaha SOMTEL

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Anoo ku sugan kambalka Laamida, ayaa waxaa isoo gaadhay Buuq iyo Sawaxan cirka isku shareeray. Markii aan daymoodayna mise waaba Labo nin oo foodda iskula jira, feedhna isku dal-dalaya. U dhaqaaqay dhankoodii oo ahayd dacalka kale ee laamida. Intii xaggooda aanu u sii jeeday balse aanan weli gaadhin ayaa labadii nin si dirqi ah lagu kala furfuray laguna kala dhex-galay.

Kala badbaaditna labadaa nin oo gacan-weyn ay ka geysteen dhawr qof oo ka mid ahaa dadkii ku xoonsanaa, ayaa waxaa aan la illaabi karin farqigii xoog ahaan u dhexeeyey labadaa nin oo aad u kala fogaa. Midbaa dheeraa oo jidh ahaan dhisnaa xooggiisuna isku joogay, halka ka kalena uu gaabnaa aadna u tafeeno yaraa.

blankWaa-waan waxoogaaya socotay kadib, kala kaxaynay labadii nin. Waxaan-se garwaaqsaday in dagaalkuba uu ka qarxay Sawir weyn oo kur ah oo sudhnaa biitoo ku yaalay goobtaasi. Waayo intii lad-qabada lagu jiray ayaa midka xoogga weyn oo is ciil-kaambiyayaa uu dhawr jeer ku tiraabay “Maxaa ka saaran sawirka halkaa sudhan, haddii aan wax ka sheego…” intaa markuu yidhi ayaa si kaftana uu mid ka mid ah dadkii meesha joogay ugu jawaabay kuna yidhi “Oo maxaad ka ogtahay billeeyoo isku qolo yihiin”.

Intaa kagadaal, xaaladdii way yar qabowday. Waxaanan isku dayey, inaan kii xoogga weynaa oo C/laahi-dheere loogu yeedhayey aan sii yar qod-qodo, si aan uga gun gaadho Odhaahyadii sawirka ku saabsanaa ee dirirta dhaliyey. Wuu ka gaabsaday, waxaanu ii sheegay oo kaliya in ninkii gaabnaa ee ay dagaalameen uu meesha marayey oo xattaa aanu garanayn.

Si kastoo ay wax u dhaceenba, dabka waxaa shiday sawirkaasi oo aan soo sawiray aanan filayo inaad ila dheehateen. Kaasoo dhawrkii caano-maal ee u dambeeyey lagu arkaayey suuqyada gaar ahaan hareeraha waddooyinka ugu saxmadda badan magaalada Hargeysa.

Aniga maalintii iigu horreysay ee dhaayahayga aan saaray waxay ahayd Arbacada aroornimadeedii, gaar ahaan rubuc-saac ka hor, markii ay dirireen labadaasi nin. Inkastoo sawirkaasi dareenkaygii soo wada jeediyey, wakhti badanna aan ku bixiyey fiirintiisa, hadana muu ahayn mid aan u bogay, waxaanan kala sinnaa dad badan oo iyaguna sidaasoo kale u dhuganayey.

Aragtiyio isku dhaw ayey ka bixiyeen dadkii aanu goobtaasi ku kulanay. Si kastooy u soo giraan-giriyaanna waxay faalladooda kusoo gunaanadayeen wax aan la jeclaysan oo ka geddisan wixii sawirkan looga gollahaa.

“Oo saaka KULMIYE, ma goroyo-khaakhlayntan-buu door-biday…” Sidaasi waxaa yidhi muwaadin ka mid ah dadkii fikirkooda ka dhiibanayey sawirkan. Kaasoo odhaahdaasi ku laabuday “Ma annagiibuu maantana SHAADH KALE NOO SOO XIDHAY”. Ogow oo akhriste aroortaasina waxay ahayd maalintii xisbiga KULMIYE u lahaa kaltankiisii wareegga labaad ee olalaha doorashooyinka golayaasha deegaanka Somaliland.

Weli anoo ku dhaygagsan sawirkii ayuu Wiil yar oo aan ku qiyaasay 11 Jir, isoo ag-joogsaday. Waxaanu igu yidhi “Ma Yaabanaad La Yaabantahay?” su’aashaasi gaaban ee gogga uu ii galiyey wiilkaa yari oo lama filaan igu noqotay ayaa intayadii meesha joogtay oo dhan aad nooga qoslisay. Waxaana nasoo jiitay magaca uu wiilkaa yari ula baxay sawirkan lagu wada fooganaa, oo sida uu wiilku ii sheegay ay markaasi uun isna ugu horreysay. Inta madaxa loo salaaxay wiilkii ayaa Weynoow loogu duceeyey, isagoo magaciisana iigu sheegay C/raxmaan.

Murtiduba caruurtay ceegaagtaa intaan idhi ayaan jalleecay wiil kale oo C/raxmaan-yare aan wax badan ka weynayn, lana yidhaa Zakariye. Waxaanan weydiiyey aragtidiisa ku aaddan sawirkan, waxaanu igu yidhi “Ma fahmayside indhahay kaa iibinayaan…” Jawaabtaasi ayaa laftarkeedu noqotay mid jamasho reebtay.

Faallada iyo falanqaynta sawirkani aadbay u badnayd, balse yaanan hilmaamin mid la odhan karo waa ta ay iskugu soo wada aroorayaan. Waxaana si kooban u iftiimiyey mid ka mida maanso-yahanka da’da yar ee dalku. Waa Abwaan Axmed-keyse oo saaxiib dhaw aanu nahay, farxadna gaar ahna ay ii ahayd inaan goobtaasi ku arko, ayaan si dhiiran fikirkiisa u weydiiyey “C/salaanoow, anoo meel cabbaar innoo jirta kula qaxwaynaya niman odayaal ah, ayaa waxay igu yidhaahdeen, waar orodoo sawirkan Hargeysoo dhami daawanayso soo arag. Markaan idhi muxuu yahayna adaa ka warrami ayey yidhaahdeen, dabeeto sidiibaan halkan ku imi. Markaa sawirkan markii aan rog-rogey, maankaygana la kaashaday, waxaan odhan lahaa oo aan ka geyn waayey HABAAR, Ilaahay kama yeelee…”.

Sawirku waa Kurkan idiin muuqda ee madaxa raanta ku leh. Waa wiilkaa dhalinyarta ah ee argagaxsan. Kuna labisan garanka madaw ee V-da ah. Waxyaabaha hareerihiisa ku xardhanna ay ka mid yihiin “Muuqaalka Cusub Ee SOMTEL” oo hoostana lagaga ladhay kalmad ingiriisiya oo ah “Coming Soon”.

Ujeedka sawirkan loo soo qaatay haddii aynu soo ururino waa xayeysiis loola jeedo wax cusub oo Shirkadda SOMTEL ay soo waddo. SOMTEL Waa mid ka mid ah hormoodka Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland, taasoo loollan kula jirta sharikadaha ay ganacsiga wadagaan.

Inkastoo aan filayo in Shirkaddu ay wakhti ku habboon siiso tifaftirka barnaamijyada xayeysiisyada, hadana Sawirkani waxa uu xaqiiqdii noqday Laf dhuun gashay. Waayo wixii loogu talo-galay wax aan ahayn ayey badi bulshadu u turjumatay, waxaanu gaadhay heer la odhan karo waaba XAALAD-ABUUR.

Ugu horreyn bal u fiirsada waxyaabaha uu sawirkani faafinayo oo ay ka mid yihiin Dhaqan Shisheeye, waayo habka loo xiiranyahay maaha siday diinteenu ina farayso. Sidoo kale farriintu sidaa waa Yaab iyo Argagax shirkaddu tidhi Coming Soon.

Guntii iyo gebo-gabadii waxaan talo guud u jeedinayaa Sharikadaha ka jira dalka oo aan leeyahay haka fikirina oo kaliya sideed kusoo kordhisaan Shilin, ee waxaad fiiro dheeriya u lahaataan Sababtuu kusoo kordhayo Shilinku oo ah Masafta Ganacsiga.

Xayeysiisyada marka aad samaynaysaan waxaa fiican inaad u eegtaan oo kaliya “MA YAHAY MID LAGU KASBAN KARO DHEEF ADDUUNYO IYO MID AAKHIROBA?”, Taasoo ah Miisaanka ugu habboon ee loo qaadan karo xayeysiinta ganacsiga. Waxaana ammaan mudan mid ka mida sharikadaha ka jira dalka oo aan is idhi Miisaankaasi ayey inta badan isticmaashaa. Waxaanan qormadaydan kusoo xayn-daabayaa “Haka Dhicina Sallaamada Qaar Lagu Sigtaa Jiree”.

Wabillaahi Tawfiiq

C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abu-Hurayra)

salaanmuctasim@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories