HomeMagaalada Ceerigaabo oo Markii u horreysay lagu Qabanayo Shir kulminaya Maayarrada magaalooyinka...

Magaalada Ceerigaabo oo Markii u horreysay lagu Qabanayo Shir kulminaya Maayarrada magaalooyinka Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa markii u horreysay muddada 23-ka sanno ah ee ay Somaliland jirto, waxa lagu qabanayaa shir ay isugu imanayaan maayarrada degmooyinka dalka iyo hay’ado caalami ah.

Shirkan oo qayb ah kulan-sannadeed ay isugu yimaaddaan Maayarrada magaalooyinka dalka, ayaa sannadkan loo qorsheeyey inuu ku qabsoomo magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, waxaana ka qayb-gali doono hay’ado caalami ah oo dawladaha hoose ee magaalooyinka dalka kala shaqeeya mashaariicda Horumarinta.

ceerigaabo_BanaanbaxKulankan oo la sheegay inuu socon doono muddo afar maalmood ah, ayaa laga hadli doonaa arrimo khuseeya dhinaca horumarinta mashaariicda ay fuliyaan dawladaha hoose ee magaalooyinka dalku, sida uu sheegay maayarka magaalada Boorama oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama wakhti uu u diyaar-garoobayay safar uu ugu baxayo magaalada Ceerigaabo.

 “Waxaan u baxayaa safar dheer oo dhinaca Ceerigaabo ah, waxa halkaasi isugu iman doona maayirada degmooyinka dalka iyo hay’ado caalami ah, waxaana uu qaadan doonaa muddo afar maalmood ah, waxaana lagaga wada hadli doonaa arrimo khuseeya dhinaca hormarka degmooyinka,” ayuu yidhi maayarka magaalada Boorama.

Magaalada Ceerigaabo oo dalka intiisa kaga go’doonsan waddo xumo haysata awgeed, ayaa fursaddani u noqonaysaa markii u horreysay ee lagu qabto shir heerkaas gaadhsiisan, waxaanu qorshahani ka mid yahay mid magaalooyinka waaweyn ee dalka sannadkiiba mid lagu qabto shir-sannadeed ay isugu yimaaddaan maayarrada Caasimadaha gobollada dalku.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories