HomeMagaalada Burco Oo Mar kale Marti-gelinaysa Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye oo...

Magaalada Burco Oo Mar kale Marti-gelinaysa Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye oo la Muddeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shirguddoomiyey shirka guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye oo maanta ka qabsoomay xarunta dhexe ee xisbigaas.

Shirkan guddida fulinta, ayaa intii uu socday waxa lagu lafo guray arrimo kala duwan oo hawlaha xisbiga horyaalla, kuwa dalka ka jira iyo kuwa mandaqaddaba ku saabsan, iyada oo hoosta laga xarriiqay muhiimadda ay leedahay in shacabku gacmaha isu qabsadaan ilaalinta amniga, wada-jirna loogaga hortago wax kasta oo khatar ku ah nabadda iyo xasiloonida.

Markii uu shirku soo dhammaaday waxa nuxurkii shirka iyo qodobbadii ka soo baxayba warbaahinta u sharraxay guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), waxaana kamid ahaa qodobbada ka soo baxay kuwan hoos ku qoran:

  • In 20-ka bisha August ee sannadkan 2023-ka uu magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka qabsoomi doono shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.
  • In xisbigu u diyaargaroobayo qabsoomidda labada doorasho ururrada iyo madaxtooyada ee uu waqtigooda muddeeyey komishanka doorashooyinka qaranku, si buuxdana u taageersan yahay go’aankaas.

Guddoomiye-ku-xigeenku waxa uu farriin u diray xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE in bilowga bisha Siddeedaad ay soo doontaan kaadhadhkooda ay kaga qayb gelayaan shirka golaha dhexe ee waqtigiisa ay maanta muddeeyeen xubnaha guddida fulinta ee xisbigu.

Taageeryaasha xisbiga KULMIYE ee ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka dalka, ayuu guddoomiye-ku-xigeenka xisbigu ugu baaqay inay u diyaar garoobaan doorashooyinka dalka ku soo foolka leh, maaddaama oo dalku u cagta saarayo jidkii doorashooyinka.

Shirka Golaha Dhexe ee bisha Dambe loo muddeeyey, ayaa ku soo beegmaya xilli la hadal-hayo in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iska wareejinayo Guddoomiyenimada Kulmiye, waxaana shaqsiyaadka guddoomiyenimada xisbiga la wareegi doona safka hore kaga jira Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Kulmiye ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Waxa ay ahayd Bisha August, sannadkii 2008-kii wakhtigii ugu dambeeyey ee shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye lagu qabto magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, waxaana shirkaas ka dhashay khilaaf labada kooxood u kala jabiyey Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, iyadoo aanay shirka ka soo xaadirin garab ka mid ah oo sheegay in shirkaasi cid gaar ah u af-duubnaa, in kasta oo markii dambe khilaafkaas lagu soo af-jaray guddi dhex-dhexaadin ah oo Guddoomiyihii xilligaas Axmed-Siilaanyo u xil-saaray xal-u-helidda khilaafkaas.

blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories