HomeMadhxinta ereyga iyo raasamaalka afka: magac-dhebista dhulka

Madhxinta ereyga iyo raasamaalka afka: magac-dhebista dhulka

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Dr Jaamac Muuse Jaamac, PhD

“Saddex erey halkii dooni, soddon yaanay kaa qaadan”

Sirta Nolosha, Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”

Daalaco (Daalàco) waxa ay ahayd islaan dhega la’ oo inta ay luntay habeen madow, maaddaama aanay maqlaynin yeedhmada reerka, loo gubay gubad si ay u soo halacsato ololka oo u soo raacdo iftiinka. Gubadkaasi caan ayuu noqdey, waxana loo bixiyey Gubadkii Daalaco Loo Gubey. Waa danbe waxa ka samaysmay isla gubadkii degsiimo cusub, markii danbena noqdey tuulo la yidhaahdo Gubad Daalaco. Hadda waxa loo yaqaannaa Gubadka. Hawdka waxa ku yaallay geed Raydab ah oo caan ku noqdey “Raydabkii Ina Xaaji Waraabe ku Jabay”, markii danbena waxa loo bixiyey Raydabkii Ina Xaaji Waraabe, mar danbena waxa loo yaqaannay Raydabkii Ina Xaaji, imminkana waxa loo yaqaannaa Raydabka. Sidoo kale ayay degmadii Raydab Khaatumo hadda iyana loogu yeedhaa Raydabka. Xawaalka isna waa dhagax-xawaal caan noqdey oo dhul-dagaan lagu asteeyo Hawdka, waxa la odhan jiray “Xawaalka Ninka Guuyoobe”, ninka la sheegayo ee ku aasanina waa nin Guuyoobe ahaa oo dool marti beesha ugu yimi, deedna xaqii ku yimi oo lagu aasay meesha. Magaalada Berbera waxa ku taalla maqaaxi la yidhaahdo Oonta Xoolaha, haddase dhallinyaradu waxa ay ugu yeedhaan Oonta. Tuulada Cadow Yuurura hadda waxa la yidhaahdaa Cadowga. Halka imminka la yidhaahdo Galka, waxa la odhan jirey “Galka Gondo Libaax”, sida halka imminka loo yaqaan Gadhka, loo odhan jirey Gadhka Warsame Xaad. Sidaa waxa ah iyana Bilcilka oo magaceedii Bilcil Weyso uu soo dhawaaday.

 

Magacbixinta hadalka iyo yeedhmadu qofka biniaadamka ah waxay u anfacdaa in uu qofkale u tilmaamo meel, ama fahansiiyo arrin. Sidaa daraadeed waxa uu qofku isku dayaa in uu madhxiyo tamarta kaga baxaysa hawshaas. Mar haddii la isla fahmayo meesha ama fekerkana waxa la soo gaabiyaa sharaxa, lana madhxiyaa ereyada, waana sababta waqtigu u soo gaabiyey magacyadaa markii hore loo bixiyey goobaha, ee ereyada qaarkood markii danbe looga maarmay. Ma aha oo kaliya magaca goobaha ama dadka. Tusaale ahaan waxa la tuhunsan yahay in ereyga Saadanbe uu ahaa Sahan Danbe, halka ay Saakuun iyana ahayd Saakuub oo ka timi Sahan koob.

Hadalku waa agab cajiib ah oo Eebbe ku mannaystay aadanaha, kagana soocay noolaha kale, aadanuhu waa u noole beekhaamin tamarta ku baxaysa agabkaa ka shaqaynsiintiisa, ka ku hadlaya iyo ka dhegaysanayaba in la soo koobaa oo inta ugu yar ee loo baahan yahay loo adeegsadaa waa hubanti. Waa sida ay u habboon tahay kolkaad wax qoreysona in aad ereyada aan loo baahnayn ka tagtaa. Qoraalba kuu ka kooban yahay isla nuxur ahaan, ayuu ka qurux badan yahay. “Saddex erey halkii dooni, soddon yaanay kaa qaadan”, Hadraawi (AHU).

Haseyeeshee magacyada la soo gaabiyey laba hawlood ayay keeneen: 1) in magacyada qaarkood isku duldhacaan oo la kala garanwaayo (tus. Raydabka, Xawaalka, Galka, Laaska, ikk) oo isla magacaa degaan kastaa u yaqaaniin goobtooda, balse dalka ku baahsan. 2) in la lumiyo taariikhda magacbixinta goobtaasi iyo sababtii uu ku baxay.

Barashada aqoonta magacbixinta goobaha (toponomy) waa laan ka mid ah cilmiyada juquraafiga iyo afafka, cilmibaadhuhuna waxa uu ku ogaadaa shaqadiisa, oo u kaydiyaa bulshada, magaca goobtaa cayiman iyo asalraaca halka uu magacu ka soo jeedo. Lifaaqan hoose waxaad ku arki goobo hordhac ah oo magacyadooda la soo gaabiyey, haddana caan ku ah magaca gaaban oo laga yaabo in aan la aqoon magacii hore.

 

Soogaabin Magaca dhexe Magacii hore
Balliga Balliga Jameecada Baliga Jameecaad Caynaashe
Bilcilka Bilcil Weyso
Cadowga Cadow Yuurura
Dacarta Dacarbudhuq
Daharre Qabdridaharre
Derida Deri-maraa
Fardaha Fardo lagu xidh
Fiqiga Fiqifuliye
Gadhka Gadhka Warsame Xaad
Gadhka Gadh gumreed
Galka Galka Gondo Libaax
Go’da Go’da weyn
Gubadka Gubad Daalaco Gubadkii Daalaco Loo Gubey
Gubadka Laanqayrta Gubataxil
Harada Harta Sheekh
Jiica Maqaaxida Jiica Aboorka
Laanqayrta Laanqayrta Doonbiralay
Laanqayrta Laanqayrta Arabka
Laanqayrta Laanqayrta Gubataxil
Laaska Laascaanood
Laaska Laasaale
Laaska Laasgeel
Lebida Lebi sagaala
Lawga Lawyacaddo
Laynka Laynka Booliska
Maqaaxida Maqaaxida Inanta
Mullaaxo Laan-mullaaxo
Oonta Oonta Xoolaha
Qolqol Qolqol-ka-madoobe
Raydabka Raydabkii Ina Xaaji Raydabkii Ina Xaaji Waraabe
Xawaalka Xawaalka Ninka Guuyoobe
Xawaalka Xawaalka Calanaka Leh

 

____

Dr Jaamac Muuse Jaamac waa Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Kala xidhiidh twitter.com/JamaMusse ama jama@redsea-online.org

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories