HomeMadexweynaha Somaliland oo Si weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada London

Madexweynaha Somaliland oo Si weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada London

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London (SLPOST)- Madaxweynaha Jamuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Siweyn Logu Soo Dhaweyey Magalada London.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Safiirka wareega ee Somaliland Mudane Kaysar Cabdilaahi Maxamed, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaadhay magaalada London ee xarunta Dalka UK.

Wafdiga Madaxweynaha oo ka soo kicitimay Dalka Kenya oo ay ku sugnaayeen maalmihii la soo dhaafay ayaa waxa sii heer sare ah ugu soo dhaweeyay gegida diyaaradaha ee Heathrow Airport masuuliyiin tiro badan oo ka kala socotay Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool dalkan Ingiriiska, Masuulyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland, saraakiil ka socotay dawlada Britain iyo waxgarad kala duwan oo ku nool dalkan UK.

5555555555555555LONDONMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo la hadlay dadkii soo dhaweeyay ayaa aad ugu mahad naqay sida Wadaniyada iyo Somalilandnimadu ay ku dheehan tahay ee ay u soo dhaweeyeen wafdiga Madaxweynaha.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu xusay in guud ahaan Dalka Somaliland uu yahay mid Nabadgelyo ku sugan, isla markaasna haya dhabbihii Horumarka iyo Barwaaqada lagu gaadhi lahaa, shacbiga reer Somalilandna ay yihiin Ul iyo Diirkeed oo dhamaantood heeggan u ah ilaalinta Qaranimadooda iyo Horumarinta Dalkooda. Waxa kale oo uu Madaxwenuhu tilmaamay in ay kulamo Muhiim ah la yeelan doonaan Madaxda sarsare ee dalkan Britain.

Wafdiga Madaxweynaha ee soo gaadhay dalkan UK waxaa ka mid ahaa Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire iyo Maareeyaha Guud ee Telefishinka Qaranka Mudane Khadar Cali Gaas.

Masuuliyiinta Qaranka ee wafdiga Madaxweynaha ku soo dhaweeyay magaalada London waxaa ka mid ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Xasan Axmed Aadan, Safiirka Wareega ee Somaliland Mudane Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Safiir ku Xigeenka Somaliland ee UK Mudane Daahir Tukaale iyo Gudoomiyaha Jaaliyadaha Somaliland ee UK. Dr. Cabdiraxmaan Ubaxle.”

Somalilandpost
Hargaysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories