HomeMadbacadda Qaranka oo lala xidhiidhiyey Silsilad isku Xidhan oo Lagu Leexsado Cashuuraha...

Madbacadda Qaranka oo lala xidhiidhiyey Silsilad isku Xidhan oo Lagu Leexsado Cashuuraha Dawladda iyo Maareeyaha Madbacadda oo Ka Hadlay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Falal budhcad-nimo oo shaqaale ka tirsan Waaxaha Cashuuraha Barriga ee Wasaaradda Maaliyaddu ku leexsan jireen Cashuuraha ay dadweynaha ka qaadaan, ayaa la sheegay in Madbacadka Qaranku qayb ka ahayd Buugaag Foojagari ah oo loo adeegsaday Lunsiga Cashuuraha, ka dib markii Hanti-dhowrka Qaranku Baadhitaan ku sameeyey Silsilado isku xidhan oo xatooyadan u badheedhay.

Shaqaalahan oo Hanti-dhawrka Qaranku ku qabtay Buugaag been-abuur ah oo loo adeegsaday falalkan Budhcadnimo, kana hawl-gala Cashuuraha Berriga ee Magaalada Berbera, ayaa qaarkood Xabsiga Loo taxaabay isla markaana wakhtigan baadhitaan lagu wadaa, si loo xaqiijiyey sil-silad taxan oo lagu tuhmay inay heshiis ku yihiin Xatooyada Qaran.

maareeyahaSidoo kale, Hanti-dhowrka Qaranku waxa uu dorraad Xabsiga u taxaabay mid ka mid ah shaqaalaha Madbacadda Qaranka oo lala xidhiidhiyey Taxanta Xatooyada Qaran ka dib markii baadhitaan lagu sameeyey Madbacadda Dawladda oo Qandaraas ku haysata Daabacaadda Buuggaagta Kala Duwan ee Dawladda.

Haseyeeshee waxa warkan ku gacan-saydhay Maareeyaha Madbacadda Qaranka Md Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Carey) oo beeniyey in buugaagta Buugaagtaas Wax lagu dhacay aan Madbacadda lagala bixin.

Maareeyaha Madbacadda Dawladda oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, waxa uu ku sheegay inaanu Hanti-dhawrka Qaranku wax baadhitaano ah xiligan ka wadin Madbacada, balse uu ku eekaa Fal uu daba socday oo ku waajahnaa Waraaqaha lagala baxay Madbacadda Qaranka oo lagu eedeeyay Sidiiq  Cali Seed oo ka mid ah Shaqaalaha Madbacadda.

Maareeya Cabdilaahi Caray oo ka waramaya kiiskan Hanti-dhawruhu ku qabtay Waraaqahaasina, waxa uu yidhi “hadii aan arintii Madbacada ka dhacday ka wararamo, horta waxa baadhitaan ah oo Madbacada ka bilaamay ama ku socdaa jiro , laakiinse waxa jirtay Maalintii salaasadii ee doraad, ayay noo yimaadeen qolada Hanti-dhawrku iyagoo war daba socda, kolkaa warkii ay iyagu daba socdeen way fushadeen, dabadeedna waxay halkan madbacada ka qabteen laba Nin oo midi yahay agaasimaha waaxda Farsamada, midna yahay Ninkii hayay Mishiinka waraaqaha lambarada u sameeya oo la yidhaahdo Sidiiq Cali Seed”.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi.  “Laba saacadood ka dib wixii waraysi ah ee ay ka rabeen Agaasimaha Farsamada way soo daayeen , ninkii kalena ilaa hada baadhitaan ayaa ku socda, waxa ugu badan ee meesha yaalaana waxa weeye waraaqo  iyo Buugaag la daabacay, markaa buugaag runtii la xaday iyo buugaag la daabacay midna ma jiraan, taa cid waliba waa ogtahay haday Wasaaradda Maaliyadda iyo haday tahay Hanti-dhawrka Guud, anigana halkan waa laygu keenay oo waa ilaa afar shan waraaqood.

Afar shan waraaqoodna waa la heli karaa oo inanka meesha ka shaqaynayay wuxuu joogay meesha Farsamadu ka socoto, meesha farsamadu ka socotana waa waadh, dee waadhkana lagama waayayo Maqas iyo Baandheys dhulka ku dhacay midna lagama waayayo  oo waa laga helaa, markaa waxa dhici kaarta Waraaq Lambarka badh maqanyahay oo aanu saani ugu wada dhicin waa la heli karaa, waraaq kale oo dheeraad ah oo loogu talo-galay in hadhow hadii wax dhinaadaan waa la heli karaa, qof meeshuu ka shaqaynayay xadayana lagama joojin karo, inkasta oo aanan hada ku cadaynayn oo aan hubin wuxuu qaatay, laakiinse hadana afar waraaqood qof shaqaale ahi jeebadda wuu gashan karaa, inkasta oo shaqaalaha Madbacadda qaranku mudadii ay halkan ka shaqaynayeen aan lagu arag oo ay aad iyo aad ugu amaananyihiin , qaab aanu u ilaalino oo amaanka aahna meeshi way leedahay.”

Ugu dambeyn Maareeyuhu waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay isagoo sawirayo in Waraaqahan suuqa laga qabtay, lagu farsamayn karo Madbacaddo kale, maadaama Ninka Farsamo yaqaanka ah ee lagu hayaa farsamda Garanayo meeshuu doono ka daabacan karo waraaqo la mid ah kuwii Madbacadda qaranku soo saaraysay “markaa arinta meesha ka dhacday waa intaa wargeysyadu qoreen, baadhisbaanay ku jirtaa arintu, waxa la baadhayaana waa waraaqo, mid kalaa iyaduna dhici karta Ninka Shaqaalaha ah ee Meesha ka shaaqaynayay mar hadii Cabirkii Waraaqda garanayo, mishiinkan gacanta ee lagu dhufto waraaqduna Dukaan walba waa yaalaa, markaa madbacadu doono ayuu ka samayn karaa mar hadii Farsamadii hayo”ayuu yidhi Mudane C/Laahi Maxamed Jaamac (Carey).

Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, ayaa dhawaan Xabsiga u taxaabay Shaqaale ka tirsan Waaxda Cashuuraha Berriga ee magaalada Berbera, ka dib markii la ogaaday Buugaag aan Diiwaanka ku jirin oo loo adeegsaday in Shacabka lagaga Qaado Cashuuraha, kuwaas oo fashilmay ka dib markii baadhitaan iyo Isberberdhig lagu sameeyey Numberrada buugaagta cashuurta lagu bixiyey oo aan Serial-numberkoodu is-waafaqin.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories