Home“Madaxweynuhu waa dhaqan yaqaan oo hablaha lama hadlo oo xataa lama murmo...khilaaf...

“Madaxweynuhu waa dhaqan yaqaan oo hablaha lama hadlo oo xataa lama murmo…khilaaf nama dhex marin” – Hinda Jaamac

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda shaqo-gelinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi oo kamid ahayd masuuliyiin uu todobaadkan xilalka ka qaaday, ayaa ka hadashay dareenkeeda ku aaddan go’aanka madaxweynaha iyo khilaaf la sheegay inuu dhexmaray oo sababtay xil-ka-qaadista.

Marwo Hindia Jaamac waxa ay sheegtay in go’aanka Madaxweynuhu ku beddelay la mid yahay kii uu markii hore ugu xushay qabashada xilkaasi iyadoo aanay jirin cid u wastaysay ama si kale ugu olollaysay, balse uu isagu rabitaankiisa ugu magacaabay.

blankMarwo Hinda Jaamac Xirsi, waxa kale oo ay meesha ka saartay jiritaanka wax khilaaf ah oo dhex maray iyada iyo Madaxweynaha, waxaanay ceeb iyo wax aan suurtogal noqon karin ku tilmaantay hadallo baraha bulshada lagu baahiyey oo ah in uu madaxweynuhu gacan u qaaday.

Wasiirkii hore qoyska oo maanta warbaahinta kula hadashay xarunta Wasaaradda waxa ay sheegtay inay Madaxweynaha si kal-furan u wada shaqeeyeen muddadii ay kamid ahayd Golaha Wasiirrada, iminkana aanay filaynin in ay saaxada siyaasadda ku kala fogaadaan.

“Madaxweynuhu madaxweynahaygii weeyaan. qof uu Suldaan waday maan ahayn, qof uu Nin Tijaar ahi keenay maan ahayn, ehelnimo dhow igumuu magacaabin xuladashiisa ayaa illaahay igu qadaray in aan kamid noqdo Wasiirradii ugu horeeyey ee qalinka Madaxweynuhu qoro, waan uga mahad celinayaa mar labaad iyo mar saddexaadba.
Waxaan qabaa in Kalsooni iyo wanaag naga dhexeeyo Madaxweynaha, waan arkayey Dhalinyaro fara badan oo Burco igala soo hadlayey oo igu yidhi waxbaa kugu dhacaybaa la yidhi, waad is disheenbaa la yidhi, waxaan leeyahay xaasha waa ceeb waxaas oo kale ee yaan la idinka maqlin,” Sidaas ayay tidhi Marwo Hinda Xirsi Jaamac.

“Madaxweynuhu waa dhaqan yaqaan oo hablaha lama hadlo oo xataa lama murmo, wax alaale wixii aanu soo jeedino markaanu golaha joogno in uu nagu raaco mooyee waligii nalama murmin, markaa khilaaf nama dhex marin, faddeexad nama dhex marin, namana dhex mari doonto ilaahay idamkii,” ayay tidhi.

Wasiir Hinda Gaani waxa ay dhinaca kale soo hadal qaadday dhacdooyin dhex maray iyada iyo dhalinyaro baahi dhaqaale u soo doontay oo ay sheegtay in ay ka gudatay intii masuuliyaddeeda iyo waajibka qofnimo farayey, kuwaasoo ay si qoto dheer uga sheekaysay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories