Home “Madaxweynuhu Isaga Oo Cadhaysan Ayuu Go’aankaas Gaadhay” Wasiirkii Boosaha oo Ka Hadlay...

 “Madaxweynuhu Isaga Oo Cadhaysan Ayuu Go’aankaas Gaadhay” Wasiirkii Boosaha oo Ka Hadlay Xil Ka Qaaditiisa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa  (SLpost) Wasiirkii Wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta  ee Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa go’aan cadho ah ku tilmaamay xil ka qaadistiisa.

 

blank

 

Maxamed Jaamac Abgaal, oo uu waramay HCTV, waxa uu yidhi, “Markuu xilka ii dhiibay waan ku farxay waanan ku hambalyeeyay, imika oo uu iga qaadayna waan ku hamablyaynayaa, waanan ku faraxsanahay inkastood yara moodo malaha Madaxweynuhu markuu qoraalkayga samaynayay isagoo cadhaysan ayuu go’aankas gaadhay, laakiin mar walba waan ku qanacsanahay, dabcan kursigan aan maanta ku fadhiyo waxa leh cidda uu madaxweynuhu u magacaabo laakiin dalkaan wada leenahay.”

 

 

 

Mar la weydiiyay inay jirto amar diido uu sameeyay sida Madaxweynuhu sheegay wuxuu yidhi “Madaxweynuhu inuu xilka iaga qaadaan aqbalay, mana filayo in amar madaxweyne oo intaas ka weyn oo aan fulin lahaa inuu jiri karo, sidii aan arki jiray marka masuuliyinta xilka laga qaadayo anshaxa iyo nidaamku waxa weeyaan waan soo wada shaqaynee nabadgelyo, ereygaas odhanaya amar diido ayuu sameeyay ayaan isleeyahay madaxweynaha cadho ayaa jirtee, ilaa heerkaas istaahil may ahayn.”

 

 

 

Wasiirkan iyo taliyihii ciidanka ilaalada xeebaha ee xilka laga qaaday, ayaa waxa la aaminsanyahay inay sabab u tahay markab Sahan ah oo ka yimid dalka Cumaan oo sahaminaya xadhig Fiber Optic ah oo Internetka ka soo qaadaya dalka Cumaan, keenayana magaalada Berbera, kaas oo ay leeyihiin shirkado wadani ahi, waxaana la tilmaamayaa in Wasiirku bixiyay qoraal ogolaanaya in markabku sahanka sameeyo, halka taliyuhuna fasaxay markabku inuu biyaha Somaliland soo galo, waxaana markabkan dalka yimid ka cadhooday oo dacwad u gudbiyay Madaxweyne Siilaanyo mulkiilaha shirkadda Somcable oo sanadkii 2010 kooto loogu xidhay  25 sannadood.

 

 

 

Hase yeeshee baahi dhinaca Internetka ah oo weli dalka ka taagan ayaa sababtay in markabkani dalka yimaado, iyadoo la sheegayo inuu dhammaystay sahankiisii.

 

 

Somaliland ayaa waxa ka jirta baahi badan oo dhinaca Internetka ah, waxaanay bulsho badani taageersanyihiin in la helo xadhko dhawr ah oo ka yimaada meelo kala duwan si ay bulshadu u hesho khadad kala duwan oo fudud oo ay adeegyadooda ku qabsadana.

 

 

Somalilandpost. Hargeysa

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories