HomeMadaxweynihii Ma Waxa Uu Noqday Bissadii Soofaha Leeftay?!

Madaxweynihii Ma Waxa Uu Noqday Bissadii Soofaha Leeftay?!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qumanahii maalin qaldamaa,qabashuu yeeshaaye

Dabno quruxsan,qaaxadu madiil,qabar u hoosiiyo

Qafal-marjac aan qaadan talo,quusashaa xigiye

Qubla dhaca qalfoof soo qotoma,qiishan kari maynee

In la qeexo weeyaan shirkaa,qoonsey shicibkiiye

Hadii kale hankii qaribtayoo ma jiro,waxaan ku qawlaaba

Abwaan maxamed shafeec(waa tuducyo kamid ah tixduu sil-silada qaafleyda ah ee  socota kaga qayb galay)

Barri baa waxa jiray islaan ku noolayd xaafad ka mid ah xaafadaha hargeysa,islaantaasi waxay dhaqaalayn jirtay oo kolba hilib siin jirtey bissad yar oo xaafadaha baladi ka ahayd . weelka xaafada ayaa wax lagu siin jiray oo bissadaasi way la qabsatey,hadaba waxaa dhacday maalin maalmaha ka mid ah ayay bissadii yarayd u soo alyoom tagtey xagii xaafadii goor ay casar gaaban ahayd. Kadibna markii ay gurigii soo gashay ayay indhaha waxay ku dhufatay hilib dareersin ahaa oo show islaantu muqmad ka samaysanaysay oo  meel kasta wadhan,hasayeeshee waxaa  ugu soo dhawaa ama ay gaadhaysay qaybta ugu badnayd hilibka oo soofe daarada dhex yaalay dul tuulnaa.markaasay ashaqaraar bisadii yarayd ku dhufatay mashaxarad aan codkeeda iyada mooyee cid kale ayna maqlayn,waxaanay intay hoos is kula hadashay shaki la,aan isku qancisay inay maanta tahay markii ugu horeysay ee meeqaamkii ugu sareeyay loo casuumo,kadibna hilibkii soofaha saarnaa ayay si hamuun leh u hirqatay,waxay miliqsataba marba marka ka danbeeya ayuunbuu u sii macaanaadaa,ilaa ay carabka ku murdisay dhiigii uga sii muuqday soofaha.BELLO KU DAGTEY!!show waxan ay macaansanaysayba carabkeedii oo soofuhu lisayay ayuu ahaa ‘in la casuumay ayay cindiga ku haysee waxay goobtii kala carowday carab la,aan oo waxa ka madhiyay soofihii.!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Sidaa waxaa maanta ka dhigan Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa, oo shirkii London ee aad ogaydeen sida shacabka reer Somaliland uga qayliyeen,iyaguna ay lahaayeen waa markii ugu horeysay ee meeqaam sarre lagu casuumo soomaliland,ayay maanta ka naas naasinayaan natiijadiisii. Waxaad hore u ogaydeen in ay wada hadalkii soomaaliya iyo Somaliland xukuumada siilaanyo qaadacdey ,waxa kale oo dhawaan wasiiral khaarajigu laanta afsoomaliga ee idaacada bbc u sheegay inayna Somaliland ka qayb gali doonin shirka turkiga hadaan loo casuumin meeqaamkii shirkii London oo kale. Arintan ayaa shacabka reer Somaliland ugu muuqatay gal-galasho  ay xukuumada siilaanyo kaga gal-galanayso guul-darooyinka siyaasadeed ee bil gudaheed la soo gudboonaadey,iyo shirkii London ee hagardaamadiisa ay huursanaysay, qofkii wax u sheeg yidhaahdana xukuumadan waa laba mid uun in la xidho ama in sidii ina cabdi qaadir laga yeelo,.waxaase lala yaaban yahay maxay tahay karaamada Somaliland ee xukuumadu raadinaysaa ?sowtii karaamadii somaliland ku kitiftay shirkii London. Waxaad kale oo aad ogtihiin in shirkaa London aan la inooga horeyn ee uu badwayn inagu soo faruuray oo maanta kolba suldaan ka mid ah salaadiintii Somaliland xamar u shiraacanayo,iyagoo ku doodaya sowtii xeerkii xakamaynayay la baabiiyey,xukuumaduna ay fasaxday ka qayb-galka shirarka soomaaliya..

Si kastaba ha ahaatee su,aasha maanta  dadwaynaha reer soomaliland maskaxdooda ka guuxaysaa waxay tahay tahay Madaxweynihii ma waxuu noqday bissadii soofaha leeftay ?oo carabkiiba waxuu kaga yimiday casuumadii shirkii London? Waar ma laha hilib soofe saaran ayaa odayada  lagu sooryeeyay? Mooyi!!!, su,aal kale oo hortaala bulshada ree somalilandna waxay tahay hadiiba midka aynu caleemo saarnaaba carab la,aan kala tagayo iyaba waa cibaaree maxaynu yeelnaa? BAL ADBA!!

QALINKII:Cabdikariim M.Cadde

Email:qaamuuskaqarniga@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories