HomeMadaxweynihii Imaaraadka Carabta Sheekh Khalifa oo Geeriyooday

Madaxweynihii Imaaraadka Carabta Sheekh Khalifa oo Geeriyooday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynihii waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Khalifa Bin Zayed al-Nahyan, ayaa maanta geeriyooday isagoo da’diisu tahay 73-jir.

Sheekh Khalifa ayaa xilka madaxweynaha dalkaas hayay ilaa sannadkii 2004-tii, haseyeeshee waxa uu saaxadda siyaasadda ka maqnaa ilaa 2014-kii xilligaas oo uu ku dhacay xannuunka Faaligga.

blank
Sheekh Khalifa

Sheekh Khalifa ayaa sidoo kale ahaa Maamulaha imaaradda Abu-dhabi oo ka mid ah toddobada Imaaradood ee uu ka kooban yahay Dalka UAE.

Hawsha Maamulka talada dalka waxa si ku-meel-gaadh ah gacanta ugu haya Marxuumka walaalkii oo Amiirka iska leh dhaxal-tooyada Imaaradda Abu Dhabi isla markaana ah ku-xigeenka taliyaha Guud ee Ciidamada Milatariga dalka Imaaraadka Maxamed Bin Zayed Al-Nahyan.

Qoyska uu marxuumku ka dhashay oo lagu tilmaamo maal-qabeennada ugu lacagta badan caalamka, ayaa la sheegaa inay haystaan adduun lacageed oo gaadhaya $150bn.

Wasaaradda Madaxtooyada ee dalka Imaaraadka, ayaa daboolka ka qaadday 40 maalmood oo baroor-diiq, iyadoo shaqooyinka la fasaxay muddo 3 maalmood ah.

Sheekh Khalifa ayaa noqday madaxweynihiii labaad ee dalka Imaaraadka sannadkii 2004-tii, isagoo xilka kala wareegay Aabihii oo ahaa hoggaamiyihii 15aad ee ay yeelato imaaradda Abu Dhabi.

Tobankii sanno ee u horreeyey hoggaamintiisa, waxa uu isbeddel ballaadhan ku sameeyey maamulka iyo nidaamka hay’adaha federaalka iyo kuwa imaaradda Abu Dhabi. Haseyeeshee, markii uu faaliggu ku dhacay sannadkii 2004-kii, lama arki jirin in kasta oo uu soo saari jiray digrootin maamul.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo geerida marxuumka ka hadlay, ayaa ku tilmaamay siyaasi ruug-cadda ahaa oo ka baxay dunida gaar ahaan dalalka Carabta, waxaanu tacsi u diray shacabka iyo dowladda Imaaraadka Carabta.

“Muddadii uu xilka hayey wuxuu door laxaad leh ka qaatay dhismaha iyo horumarka dalkiisa, Somaliland waxay ku xasuusan doontaa xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee hore uga dhaxayn jiray labada dal iyo labada shacbi ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo intii uu talada hayey dib loo ambo qaaday, kana dhasheen horumarada ka socda dalka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu gacanta ku hayo,” sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyaha Maraykanka Joe Biden, ayaa ka hadlay geerida marxuumka, waxaanu ku tilmaamay saaxiib dhab ah oo Maraykanku leeyahay. “Waxaan xusustiisa ku maamuusi doonnaa annaga oo sii wadi doona xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladaha iyo shacabka Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta,” sidaas ayuu yidhi madaxweynaha Maraykanku.

blankSida uu dhigayo dastuurka dalka UAE, madaxweyne ku-xigeenka dalkaas Sheekh Maxamed Bin Rashid Al-Makhtoum oo ah maamulaha imaaradda Dubai, ayaa si ku-meel-gaadh ah ula wareegi doona xila madaxweynaha dalkaas.

Si loo doorto madaxweynaha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta, waxa uu sharciga dalkaasi dhigayaa inay muddo 30 maalmood gudahood ah shir isugu yimaaddaan golaha Federaalka oo ka kooban maamulayaasha toddobada Imaaradood ee dalkaasi ka kooban yahay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories