HomeMadaxweynihii hore ee Turkiga oo Geeriyooday iyo Milicsiga hoggaamintiisii waddankaas

Madaxweynihii hore ee Turkiga oo Geeriyooday iyo Milicsiga hoggaamintiisii waddankaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ankara (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Turkiga, Kenan Evren, oo waddankaas ku qabsaday afgenbi Milatari oo dhiig badan ku daatay sannadihii 1980-maadkii, ayaa ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada Ankara ee caasimadda dalkaas.

Kenan Evren oo da’diisu ahayd 97-jir, ayaa muddooyinkii u dambeeyey xaalad caafimaad-darro u yaallay Cusbitaal ku yaala magaalada Ankara.

turkigaHaseyeeshee sannadkii hore, ayaa Maxkamadi ku ridday Xabsi daa’in, kaddib markii lagu qaaday dacwado la xidhiidha inuu iska lahaa masuuliyadda Af-gembigii uu xilligaas kula wareegay xukunka dalkaas, kaas oo galaaftay nolosha dad badan, iyada oo markii uu xukunka la wareegay xadhig, jidh-dil iyo xasuuq kula kacay boqolaal qof oo siyaasiyiin iyo dadka rayid ahba isugu jiray.

Sidoo kale, muddadii uu xukunka hayay Mr Evren, waxa la mamnuucay dhammaan axsaabta siyaasadda, waxaa la xidhay hogaamiyeyaasha, iyada oo si gaar ah loo bartilmaameedsaday xisbigii dhaqdhaqaqa Kurdiyiinta ee Turkiga.

Haseyeeshe, waxa dacwadda raggii Af-gambigaas ka dambeeyey soo nooleeyey Xukuumadda Raysalwasaarihii hore immika ah madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogen oo sannadkii 2010-kii xukuumaddiisu shacabka u soo bandhigtay afti loo qaado wax-ka-beddel lagu sameeyo dastuurka, kaas oo oggolaanayey in Sharciga la horgeeyo hoggaamiyeyaal nooc ee ka dambeeyey af-gambigaas, iyadoo natiijadii ka soo baxday aftidaasi ay shacabku ku taageeraan go’aankaas.

Kenan Evren, ayaa lagu xusuustaa inuu ahaa hoggaamiye aad u neceb siyaasiyiinta iyo Xisbiyada garabka bidix, Islaamiyiinta, Dhaq-dhaqaaqa Kurdiyiinta iyo xataa Dhaq-dhaqaaqa waddaniyiinta, iyadoo shacab badani ku taageersanaayeen mowqifkiisaas.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories