HomeMadaxweynihii Hore ee Somaliland oo ka Hadlay Xaaladda uu Dalku Marayo

Madaxweynihii Hore ee Somaliland oo ka Hadlay Xaaladda uu Dalku Marayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay xaaladu uu dalku marayo, waxaanu si gaar ah uga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu tilmaamay in Xukuumaddiisi ay wada hadalada ku xidhay qodobo, isla markaana markii ay qodobadaas ka soo bixi weyday Xukuumadda Somaliya ay  wada hadaladii istaageen, waxaanu talo u soo jeediyey Xukuumadda.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed  Yuusuf Yaasiin ayaa sidoo kale baaq u soo jeediyey Xisbiyada Qaranka, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Haddii aan ka hadlo arrimaha muddooyiinkii ugu dambeeyey socday iyo hadaladii taagnaa ee la is ku ganaayey, ee ku saabsanaa Somaliya, ninba meel ayuu u jiidhsiiyey haddii ay tahay Xildhibaano, haddii ay tahay Salaadiin, haddii ay Xisbiyo yihiin iyo haddii ay Siyaasiyiinba yihiin, waxaan doonayaa in arintaas aan ka bixiyo talo guud oo dalka anfacaysa, si aanu arinkaasi u noqon habqan, taladaasina waxa ay ku socotaa oo aan u soo jeedinayaa Xukuumadda, oo aan leeyahay arinkaas meel ku tiiriya, anagu hore ayaanu u diidnay, oo waxa aanu ku xidhnay qodob kama kacaan ah oo waxa aanu ku nidhi waxa aanu la hadlaynaa Madaxweyne la doorto iyo Goleyaal la doorto, oo ay soo gaadhaan halka aanu taagan ahay, balse inta ay sidaas yihiin la hadli mayno, qodobadaas ayaanu ku xidhnay.

Haddaba haddii ay wada hadaladaasi dhaceen, dhawr jeerna lagu kala kacay, mid baa muhiim ah, waxa muhiim ah inay Xukuumaddu u sameeyso Guddi heer qaran ah, oo ay ku jiraan Wasiirka Arrimaha Dibada, waxaana ku talinayaa in Todoba Xubnood oo Guddiya arintan loo xilsaaro, kuwaas oo kala ah Wasiirka Arrimaha Dibada, Xubin Wakiilada ah, Xubin Guurtida ah inta kalena dadka macruufka ah ha laga dhigo,  oo lagu og yahay arinkaas, si aanay u noqon habqan kolba cid la qoro oo iska daba dhac ah, waxa aan uga jeeda Guddidaasi wey sii wada tashanayaan, wax bay sii rog rogayaan, iyaga ayaa siminaar galaya, oo wax is weydiinaya, talo qeexan iyo talo toosan ayey kolba ku guurayaan, kolba wixii soo kordhana wey iskaga imanayaan”

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa mar uu ka hadlaayey Salaadiinta waxa uu yidhi “Salaadiinta waxa aan leeyahay arinkani markuu soo biyo dhaco, soo hafto marka ugu dambaysa ee ay noqoto arin masiiriya qasab talo waa la idin weydiinayaa, laakiin cida ugu dambaynta talada la weydiin lahaa ee la odhan lahaa ka tali inuu soo horeeyo isa soo qadimo maaha, akhirkana taladdu waxa ay ku ururaysa Shacabka, Shacabna lama qasbo lama juujuubo, 19960-kii Shacabka ayaa wax waday oo jibo ayaa haysay, maantana iyaga ayaa diiday,ugu dambayntiina waxa uu arinku ku soo ururayaa afti shacabka la weydiiyo, oo Caalamkuna goob joog ka ahaado, ee Shacabka taas ha diyaar ha u ahaado, Salaadiintuna shacabka ay qay qayb u xukumaan”

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa mar uu ka hadlaayey khilaafyada Xisbiyada waxa uu yidhi “Khilaaf wax uu burburiyo mooye waxa uu hagaajiyo ma jirto, marka hore Xisbigu waxa uu Xisbi ku noqdaa marka dadka ku jiraa ay wada yeeshaan, anigu Xisbigu waxa uu yahay waan garanayaa, oo waan ku soo jiray, Xisbiyada waa la kala sheegtaa, balse qofku waxa uu xisbiga ku noqonayaa marka uu talo ku yeesho, qaadhana uu ka bixinayaa, si joogta ahna ugu shaqaynaayo, khilaafna xisbi hore ayuu inaga burburiyey, Xisbi qaran oo dambena inuu inaga burburiyo anigu ma jecli, waxa aan leeyahay khilaafaadkiina hoos u dhamaysta, oo yaanay inaga noqon Xisbiyadu kii labaad iyo kii saddexaad ee inaga burbura, sida roona ILLAAHAY ha ina waafajiyo”.

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa mar uu ka hadlaayey tanaasuulka musharaxnimo ee Madaxweynaha ayaa yidhi “Anigu waxa aan qabaa inuu Madaxweynuhu qaatay talo wanaagsan, oo caqiibo leh, oo mustaqbalkiisa dambe uu ku hagaajinaayo, tusaale wanaagsana  u noqonaya Rag Xisbiyada in badan soo hor taagnaa, waxa aan qabaa inuu dhigay arin taariikhiya”.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa Bulshada reer Somaliland ugu baaqay in aanay cidna isku maqal ee ay isku duubnaadan midnimadooda iyo wada jirkoodana ilaashadan.

 

Source- Geeska

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa Office

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories