HomeMadaxweynihii hore ee JSL oo tacsi u diray Marxuum Cumar Carte Qaalib...

Madaxweynihii hore ee JSL oo tacsi u diray Marxuum Cumar Carte Qaalib iyo Marxuum Aadan Yuusuf Abokor oo maanta geeriyooday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka, qaraabada iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cumar Carte Qaalib oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, waxa uu Md Siilaanyo tacsi u diray Marxuum Dr Aadan Yuusuf Abokor oo maanta ku geeriyooday Dalka Turkiga.

Dhambaal tacsi ah oo ka socda Madaxweynihii hore ee Somaliland oo la soo gaadhsiiyey warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:-

blankMadaxweynahii hore JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), qoyskiisa iyo dhamaan caruurtiisu waxay tacsi u dirayaan waxgaradka, waayeelka, qoysaskii, eheladii, qaraabadii, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland geeerida ku timi labada marxuum Alle ha u naxariistee Cumar Carte Qaalib iyo Dr Adan Yuusuf Abokor oo ku kala geeriyooday maanta 18 Nov, 2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa & Dalka Turkiga.

Md Siilaanyo ayaa ku sifeeyey marxuum Cumar Carte siyaasi taariikh ku leh dadka af Soomaaliga ku hadla, xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumadihii hore Soomaaliya, sidoo kalena kaalin weyn ka qaatay nabadeyntii iyo dib-u-dhiskii Somaliland.

Sidoo kale Marxuum Dr Adan ayuu ku tilmaamay aqoonyahan noloshiisii hore ugu huray wax-u-qabadka bulshadiisa, uguna mutay xabsi darteed laga soo bilaabo xilligii xukuumadihii hore Soomaaliya, ka dibna u guntaday dib-u-dhiska iyo nabadeyntiisa dalka iyo dadka Somaliland.

Waxuu madaxweynahii hore Md Siilaanyo, labada marxuum Ilaahay SW uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, caruurtoodii, qoysaskoodii, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan ka siiyo, aamiin. Aamiin. Aamiin. Aamiin.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories