HomeMadaxweynihii hore ee Afghanistan oo la khaarajiyey isaga oo kulan la leh...

Madaxweynihii hore ee Afghanistan oo la khaarajiyey isaga oo kulan la leh Xubno ka tirsan Daalibaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kabul, (Ogaal)- Madaxweynihii hore ee dalka Afghanistan Burhaanu Diin Rabaani iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan ururka Daalibaan oo uu la lahaa kulan ayaa lagu dilay gurigiisa oo ku yaala magaalada caasimadda dalkaa ee Kabul, ka dib markii lagu weeraray gaadhi waxyaabha qarxa lagu soo rakibay.

blankSida wakaalada wararka ee AFP ay u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Afghanistan Burhaanu Diin Rabaani waxa uu kulan la lahaa wakhtiga qaraxu ka dhacay gurigiisa laba masuul oo ka tirsan ururka Dalibaan, kuwaas oo uu kala hadlayay sidii ay nabad u qaadan lahaayeen ugana mid noqon lahaayeen xukuumad wadaag ah oo dalkaas laga dhiso.

Burhaanu Diin Rabaani waxa uu madaxweyne ka noqday dalka Afghanistan sanadkii 1992-kii ka dib markii dalkaas laga saaray ciidamadii midowga soofiyeeti lagana awood roonaaday xukuumadii ay taageeri jireen ee ka dhisnayd magaalada Kabuul, lix sanadood oo dhow dhow ka dib waxa isna xukunka ka tuuray xoogagii Dalibaan ee Baakistaan taageeri jirtay, ka dib markii dagaalo xoog leh oo ay ka soo qaadeen waqooyiga dalkaas lagu jabiyay xukuumadiisi waxaanu u cararab dhinaca buuraleyda oo uu ku sugnaa ilaa Kaabul mar kale dib looga qabsaday Dalibaan.

Burhaanu Diin Rabaani waxa uu xiligan guddoomiye ka ahaa golaha dib u heshiisiinta Afghanistan oo uu Madaxweyne Xamiid Karasaay magacaabay lix bilood ka hor, waxa kale oo la sheegay in Burhaanu Diin Rabaani uu kaalin wayn ku lahaa, soo gacan galinta iyo isku soo dhawaynta hogaamiyayaal waaweyn oo ka tirsan Daalibaan iyo xukuumadda Afghanistan, taas oo ay u fududaysay khibradiisi dhinaca mujaahidiinta iyo kooxaha islaamiyiinta ee sida wayn u taageersan kooxda Dalibaan.

Qaraxan lagu khaarajiyay Madaxweynihii hore ee dalka Afghanistan oo gurigiisu lahaa ilaalo badan had iyo jeer kor meerteeyaan ayaa muujinaya sida ammaanka caasimadda dalka Afghanistan uu halis u yahay xiligan waxaana sida telefishanka dawlada dalkaasi sheegay qaraxaas ku dhintay Burhaanu Diin Rabaani iyo shan qof oo kale oo ka tirsanaa masuuliyiintii uu la kulmayay iyo xubno qoyskiisa ka tirsan. Burhaanu Diin Rabaani waxa uu dhashay sanadkii 1940-kii, waxaanu shahaadooyin badan ku qaatay aqoonta diinta islaamiga, waxa uu wax ku bartay jaamacada Azhar ee dalka Masar oo uu ka qaatay shahaadada Manchester-ka loo yaqaano ee dhinaca fidinta iyo dacwada Islaamiga ah.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories