HomeMadaxweyneyaasha Somaliland iyo M/goboleedka Puntland oo ka wada-hadlay Dejinta Dagaal beeleed khasaare...

Madaxweyneyaasha Somaliland iyo M/goboleedka Puntland oo ka wada-hadlay Dejinta Dagaal beeleed khasaare badan sababay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa caawa ka wada-hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen qaboojinta dagaal khasaare badan sababay oo labada beelood ku dhexmaray duleedka magaalada Garoowe ee maamul-goboleedkaas.

Dagaalka labada beelood dhex-maray oo la sheegay inuu bilaabmay subaxnimadii saaka ayaa laysku gabbal-dhacsaday, waxaana ka dhashay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jira, waxaanu dagaalku u dhexeeyaa laba beelood oo ka soo kala jeeda gobollada Sool iyo Nugaal.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu subaxnimadii saaka ka bilaabmay Saax-maygaag oo ka tirsan degmada Boocame ee gobolka Sool iyo deegaanka Birta Dheer oo ka tirsan gobolka Nugaal ee maamul-goboleedka Puntland, halkaas oo ah xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu dagaalka saaka qarxay ka horeeyey weerar ay gudaha Somaliland toddobaadkii hore ku soo qaadeen malleeshiyo-beeleed dhalasho ahaan ka soo jeeda maamul-goboleedka Puntland oo halkaas ku dilay lix qof oo Shacab ah, iyadoo dhacdadaas uu ka hadlay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi oo duullaanka lagu soo qaaday dadka shacabka ah ee gobolka Sool ku eedeeyey maamul-goboleedka Puntland iyo dowladda uu hoggaaminayo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay inay khadka telefoonka ku wada-xidhiidheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne Siciid Cabdilaahi Deni isla markaana ka wada-hadleen sidii damin lahaa colaadaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo caawa la hadlayey warbaahinta, waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan ka xun yihiin dagaalka dhexmaray labada beelood iyo khasaaraha ka dhashay isla markaana ay ka shaqaynayaan sidii joojin lahaa dagaalkaas.

Waxa uu wasiirku sheegay inaanay xukuumad Somaliland aanay wax lug ah ku lahayn dagaalkaas balse waxa uu hurinta colaadaas ku eedeeyey inay ku lug leeyihiin maamul-goboleedka Puntland iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories