HomeMadaxweyne Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici oo la kulmay wefti ka socda...

Madaxweyne Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici oo la kulmay wefti ka socda Hay’ad Samo-fal oo Mashaariic biyo-soo-saarka ah dalka ka wada + SAWIRRO

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 28 January, 2012 (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti balaadhan oo ka socda Hay’ada Samo-falka ah ee Al-khayr Foundation oo fadhigeedu yahay wadanka UK.

blankWeftigan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Hay’adda Al-Khayr Foundation Imam Qasim, ayaa waxay Madaxweyne ku xigeenka faahfaahin ka siiyeen ujeeddada socdaalkooda oo ay ku sheegeen inay la xidhiidho daba-galka hawlo samo-fal oo ay ugu horayso biyo-soo-saaridda deegaanada Somaliland iyada oo ay hadda gacanta ku hayaan qodidda ceelal dhaadheer iyo biyo-xidheenno ay samaynayaan.

“Hadda waxa la dhamaynayaa oo gacanta lagu hayaa Riig laga qodayo magaalada Gar-adag, waxa kale oo qorshaha ku jirta oo sahan loo diray dhinacyada Galbeedka iyo Bariga Somaliland, sahankaas oo lagu raadinayo dhulka biyaha laga helayo. Waxa kale oo iminka qorshaha ku jirta oo sahan ku maqan yahay magaalada Jameecaadka iyo magaalada Balli-dhiig,” sidaa waxa yidhi u qaabilsanaha Bariga Afrika ee Hay’adda Al-Khayr Foundation Axmed Maxamed Ismaaciil oo Madaxweyne ku xigeenka uga waramayay dedaalka ay Hay’adoodu ugu jirto baadi-goobka dhinaca biyaha.

blankU-qaabilsanaha Bariga Afrika ee Hay’adda Al-Khayr Foundation oo ka xog-waramayay hawlaha kale ee ay Hay’adoodu waddanka ka qabanayso, waxa uu xusay inay dedaal ugu jiraan sidii kor loogu qaadi lahaa tayaynta dhinaca waxbarashada, waxaana uu tilmaamay in khubaro u dhalatay wadanka UK ay u iman doonaan dalka si ay tababar u siiyaan macalimiinta dugsiyada dalka, arrintaas oo ay ka wada shaqaynayaan wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

blankMadaxweyne ku xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa weftiga uga mahadceliyay hawlaha samo-fal ee dhinaca biyaha oo uu xusay inay tahay baahida ugu wayn ee taala wadanka. Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku u balanqaaday xubnaha weftiga Hay’addan inay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan, isla-markaana ay dhinacooda gacan buuxda ka gaysan doonaan hawlaha samo-fal ee ay wadaan, waxaanu ku booriyay masuuliyiinta Hay’ada samo-falka ee Al Khayr Foundation  in ay sii labanlaabaan dedaalka ay ugu jiraan horumarinta dhinacyada biyaha iyo waxbarashada.

Madaxweyne ku xigeenka waxa kulankaas ku wehelinayay Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories