Home“Madaxweyne Waxaan kuu soo jeedinayaa in Miisaaniyadda 2017 loogu daro Ciidammada Dalka...

“Madaxweyne Waxaan kuu soo jeedinayaa in Miisaaniyadda 2017 loogu daro Ciidammada Dalka Dirays Sannadle ah” Qalinka Mawliid Aadan Cumar

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
Mawliid Aadan Cumar
Mawliid Aadan Cumar

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaan u soo jeedinayaa hal qodob oo muhiim u ah Ciidammada dalka iyo Shacabka Somaliland ee ay u adeegaanba.

Sidaas awgeed, Md. Madaxweyne waxaan ka Muwaaddin ahaan kuu soo jeedinayaa in Qorshaha Miisaaniyadda sannadka 2017-ka ee dowladda loogu daro Ciidammada dalka Dirays Ciidan oo sannadle ah, sababtuna waxay tahay illaa wakhtigii la aasaasay Ciidammada dalkeenna waxay il-duufeen labadii Xukuumadood ee kaa horreeyey iyo labada Gole ee Baarlamaanku in Ciidammada dalka loo sameeyo Qorshe Dirays oo ku jira Miisaaniyadda dawladda.

Hase-yeeshee, Madaxweyne waxaa lama huraan ah in qorsha Miisaaniyadda dowladda lagu daro Dirayska Ciidammada Qaranka Somaliland. Haddaba, Madaxweyne adigoo taariikhda dalkan ku suntan Madaxweynihii bixiyey Derajada Ciidammada dalka, waxaad ku labaysaa in Ciidammada dalku helaan Dirays joogto ah, oo sannadle ah haddii Allaah yidhaahdo.

Sidoo kale, waxaan u soo jeedinayaa Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaad tahay Wasiir Wasiirka u igman Madaxweynaha dhammaan qaybaha dowladda iyo Shacabka Somaliland-ba. Sidaas awgeed, Md.Wasiir waxaan ku leeyahay waxaad xog-ogaal u tahay dhismaha Qaranka Somaliland marxaladihii uu soo maray.

Markaa, waad ogtahay inaan Ciidammada dalku helin qorshe Miisaaniyadeed oo ah Dirays Ciidan. Haddaba, waxaan Wasiir kuu soo jeedinayaa in aad ka qayb-qaadato sidii ay Ciidammada dalku ku helayaan Dirays ugu jira Miisaaniyadda dowladda.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo ah Wasiir Xog-ogaal u ah danta guud ee Qaranka ilaalintiisa iyo Daryeelka baahiyaha aasaasiga ah in laga warhayo. Markaa, waxaan Xukuumad ahaan u soo jeedinayaa Wasiir Samsam inay u hawlgashay in Ciidammada dalku helaan qorshe Miisaaniyadeed oo Dirays Ciidanka ah.

Haddaba, waxaan ku soo afmeerayaa Qormadan ama Maqaalaykaygan Daryeelka Dirayska Ciidammadu, waa hawl Qaran oo horumar u ah Qaranka iyo Ciidammada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Golaha Xukuumadda-ba.

Wa Billaahi Tawfiiq.

Qalinka Mawliid Aadan Cumar

063-4410898

Hargeysa/Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories