Home‘Madaxweyne, waxaad Umadda U Balan-qaadday Ee Weliba Codka Ku Heshay, waa Cadaalad...

‘Madaxweyne, waxaad Umadda U Balan-qaadday Ee Weliba Codka Ku Heshay, waa Cadaalad la helo’ – W/Q: Ciise Jaamac

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxaan masuuliyiinta qaranka ee uu ugu horeeyo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xukuumadiisa iyo waliba waxgaradka, Culimaa;udiinka reer Somaliland ka codsanayaa in arrintaasi cadaalada darada ah ee lagu doonayo in dhulkayaga lagu xalaashado ama lay igaga xukumo in wax laga qabto,

Marka hore waxa mahad oo dhan iska leh ilaahay  , iina saamaxay inaan qoraal ku cabiro cadaalad darada baahsan ee ka jirta maxkamadda G/Togdheer taasoo maraysa meeshii abid ugu xumayd  marka xigta waxaan u mahad celinayaa bahda saxaafada gaar ahaan  saxaafada madaxa-banaan  intaa dabadeed hadaan usoo daadago dulucda maqaalkaygan

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer  Maxamed Jaamac Cashuur ayaa nagula kacay tallaabo uu ku damacsan yahay inuu si sharci-darro muwaadin isagu wato oo maldahan , uga xil wareejiyo mulkiyada dhul aan leenahay, isla-markaana damacsanyahay inuu ninkaasi kula shuraakoobo , ahna farsamo u hirgashay oo uu kaga shaqaysto Magaalada Burco.

Anigoo ah Ciise Daahir Jaamac waxaan dhul aan leeyahay oo ku yaal waddada EX-Xamar , ee eriyada City Palaca Hotel Xaafada Sh.Ibashir, Lamberkeeduna yahay (File N0:17564, 8 Balodh, 80X60) uu Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer Maxamed Jaamac Cashuur , uu si ka baxsan anshaxa garsoorka iyo nidaamka Dawlad-nimo ku duudsiyey xuquuqdaydii lahaanshaha dhulkaasi, waxa dhacday  inuu Guddoomiyuhu sifo khiyaamo ah u soo qaatay faylka dhulkaygii, Dowladda hoose Burco yaalay , isagoo sheegayaya cadaalad darado in lagula kacay nin isagu samaystay oo uu ku qudhaabto , isla-markaana dhulka uu dadka doonayo in laga qaado uu dacwad uga furo , dabadeed u xukumo,  “Ma ihi dacwoode, mana jiro xaqiiq ahaan muduci lid ku ah lahaanshaha dhulkayaga, Maxkamada Gobolkana wax dacwad ahi igama taalo,  markaa waxaa wax la- yaabo igu noqotay in Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer soo saaro qoraalo isburinaya, oo midkood ku amrayo in laga soo wareejiyo (D/Hoose Burco) faylkaygii cida ay dhulkaas uu leeyahay dacwad ayey ka furteen ama waa laga iibiyay waa Siciid Cali Caarshe mana jirto , warqadaas oo sumadeedu tahay MGT/DFL/139/14 -14/08/2014, halka uu mid kalena ku amray in lagu wareejiyo Siciid Cali Caarshe hadana , MGT/DFL/151/14 – 31/08/2014.

Markii aan Maxkamada tegay si aan wax uga weydiiyo sababta ku keliftay arrintan, wuu i xidhay. Taasina waxay cadanaysaaa in Cadaalad-darada ka socota Maxkamada Gobolka Togdheer oo gaadhay heerkii ugu saraysay. Sidaa daraadeed waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha Somaliland, Guddida Cadaalada iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare inay wax ka qabtaan arrintan uu xuquuqdayda ku duudsiyey gudoomiyaha maxkamadda G/Togdheer,  isaga oo adeegsanaya awoodii Dawlada isla markaana baadhis lagu sameeyo qaddiyadan.

Dhinaca kale Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Togdheer ayaa soo saartay warqad sumadeedu tahay MRT/610/2014 – 04/09/2014, taas oo ay ku hakinayso warqada uu Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer Dawladda hoose ku farayo inay cidna u kala wareejin dhulkaasi, ka dib markii aniga oo ah mulkiilaha dhulkaasi warqad cabasho ah aan u gudbiyey, una sheegay in ninka dhulka igu haystaa aannu ahayn Siciid cali caarshe , ee uu yahay ninka qarsoon oo ah gudoomiyaha Maxkamadda G/Togdheer Maxamed Jaamac Cashuur dadweynaha Burco ay ka dheregsanyihiin.

Waa ayaan daro inteeda leeg madaxwayne dhulkaygii oo uu igu haysto Gudoomiyaha  Maxkamadda G/Togdheer , isagoo adeegsanaaya nin  waraabe u taag ah ,,  isagu doonaya in haddiiba ay hirgasho ay kala qaybsadaan,

Hadaba waxaan masuuliyiinta qaranka ee uu ugu horeeyo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xukuumadiisa iyo waliba waxgaradka, Culimaa;udiinka reer Somaliland ka codsanayaa in arrintaas cadaalada darada ah ee lagu doonayo in dhulkayaga lagu xalaashado ama lay igaga xukumo in wax laga qabto, anigu wax aanan lahayn ma doonayo ee xaqayga ayaan doonayaa sidaa darteed waxaan mar labaad masuuliyiinta ka codasnayaa inay arrinkaa soo dhex galaan oo hoos loogu daadego.

Waxaanan mar labaad leeyahay wax ha laga qabto cadaalad darada aan kala kulmay maxkamadda G/Togdheer, ee ay anigu sharcigaygii saxda ahaana haysta oo sanadkii 1981-iyo mid kale oo beena,isla-markaana  la rabo in loo xukumo nin sita warqad la soo farsameeyey oo ku taariikhaysan 1999-kii, taasna uu kula socdo gudoomiyaha Maxkamadda G/Togdheer.

Waxaan leeyahay Cadaalada hoos ha loo eego ugu danbayn waxan baaqa u dirayaa hay?adaha xuquuqal iinsaanka oo aan leeyahay arinkaas wax ha laga qabto

-ILaahay ayaa Mahadleh-

 

Qore .Ciise Daahir Jaamac

Somaliland .Burco

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories